Sign in to follow this  
General Duke

President Cade visits Las Ano Vice President will visit Sanaag

Recommended Posts

Gen. Cadde Muse Oo Booqday Lascanod, Kuxigeenkisi Oo Booqanaya Sanaag...Afar Iyo Badh

Somaliland.Org — Laascanod, Somaliland — 17 January, 2005

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waxa maanta soo gaadhay aaga magaaladda Laascaanod madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland, Gen. Cadde Muuse Boqor. Waxa uu halkaas Gen. Cadde kula hadlay ciidamadda Puntland ee ku sugan jiida hore.

 

Dhinaca kale, waxa lagu wadaa in dhowrka cisho ee soo socda uu Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Xasan Daahir Af qudhac uu booqasho ku yimaado gobolka Sanaag oo uu dhalasho ahaan kasoo jeedo. Waxa maalmahan danbe ka jirey gobolka Sanaag xurguf laba beelod o kaso kala jeeda beelaha *********** iyo Warsangeli oo iska dilay dad.

 

Akhristow haddaba hadaad warkan akhrisid ood is weydiisid Sool iyo Sanaag’ta laga hadlayaa miyaanay ahayn kuwii Somaliland ka tirsanaa, keliga ama tihid ee ogow. Labada gobol ee kor kuk xusan, labaduba waa gobolo ka mid ah Somaliland, laakiin sida aad aragtid waxa iminka si buuxda maamulkudo gacanta ugu galay maamul goboleedka Puntland.

 

Madaxda Somaliland,kuwo Baarlamaan, kuwo Xukuumaded iyo kuwa kaleba ha noqdeene waxa la weydiinaya dalkii Somaliland halka ay ku og yihiin. Madaxweyne Rayaale waxa aanu si gaar ah u weydiinaynaa oonu leenahay: Mudane Madaxweyne dalkii Somaliland markii taladiisa laguu dhibay waxa uu ka koobnaa lix gobol, maantana afar iyo badh ayaa kasii hadhsan ee berrina maxaa soo socda?

 

www.somaliland.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Cadde Oo Shir Kula Yeeshay Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jiida Hore.

 

Jiidda Hore(Radiolascaanod.com)Mon.17/01/05:-

 

1316cadde111.jpg

 

Madaxweynaha DGPL Md.Cadde Muuse iyo wafti kooban oo uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Col.C/laahi Jaamac Gayre iyo la taliyaha madaxweynaha xagga ciidmada Col.Carays. ayaa saaka soo gaadhay Jiida hore ee ay ciidamada Daraawiishtu ku sugan yihiin.

 

 

Madaxweynaha oo saaka goor hore ka soo anbabaxay Magaalada Garoowe ayaa si toos ah isaga oo aan soo marin magaalada Laascaanood ugu gudbay Goobta ay ciidamadu ku sugan yihiin.

 

 

Waxaana uu halkaasi kula kulmay saraakiisha iyo Ciidamada Daraawiishta, oo iyagu aan muddo sannad ku dhow wax mushahar ah qaadan, waxa kale oo uu madaxweynuhu kala hadlay sidii ay u sii xoojin lahaayeen difaacada dalka.

 

 

Kulankan uu ciidamada daraawiishta saaka la yeeshay ayaa waxa kale oo ciidmada loogu sheegay in ay helidoonaan sadex bilood oo ka mid ah mushaharkii ka maqnaa mudada dheer, iyada oo tira koob rasmi ah lagu samayan doono.

 

Booqashadan oo ah tii ugu horaysay oo uu madaxweynuhu ugu baxo Gobol ka mid ah Puntland tan iyo markii la caleema saaray ayaa, iyadu u eg in uu guda galay Madaxweyne cadde sidii uu culayska u saari lahaa difaaca taas oo uu ku balan qaaday Khudbadii uu ka jeediyey golaha wakiilada Puntland xilligii doorashada ,waxa kale oo la filayaa in uu booqandoono gobo kale oo ka mid ah hay’adaha kala duwan ee gobolka.

 

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo lagu wada ain uu maanta galinka danbe ka anbabaxo magaalada Laascaanood.

 

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Md.Xasan Daahir Afqudhac ayaa lagu wadaa in uu u anbabaxo dhinaca gobolka Sanaag halkaas oo ay ka jirto xurguf laba beelood u dhaxaysa lagagana shaqeeyo sidii loosoo afjari lahaa xiisada labada beelood ee walaalaha ah dhexmartay.

 

 

Radiolascaanod.com

 

radiolascaanod@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this