Gabbal Posted July 2, 2009 49 guuradii 1da Luuliyo oo lagu maamuusay calan saarid aqalka looga arrimiyo gobolka Ohio (Ohio State House) Ahmed Hosh (Luuliyo) Columbus, Ohio: Calanka Soomaaliya ayaa si rasmin ah looga taagay aqalka looga arrimiyo gobolka Ohio ee looyaqaan Ohio State House. Calan saarida ayaa lagu maamuusayay maanta oo ku aadan maalintii xoriyada iyo midnimada ummada Soomaaliyeed ee 1da Luuliyo ama sanad guuradii 49 aad ee maalintaas ummada Soomaaliyeed qaaliga ku ah. Waa markii ugu horeysay ee calanka ummada iyo dalka Soomaaliya si rasmi looga maamuuso ama xuso dalka dibadiisa, ayadoo si rasmi maalintaan qaaligaa uu uga ruxanayo rugta looga taliyo gobalkan Ohio oo ay Soomaali badani dagan tahay. Dadkii munaasabadaan ka soo qeyb-galay oo ay ka muuqatay farxad aad u saraysa ayaa muujiyay sida buuxda ee ay ugu mahad celinayaan dadkii iska xilqaamay ama suurto galiyay xuska maalintaan taariikhigaa iyo in calanka Soomaaliyeed laga garab lulo midka dalka Mareykanka iyo kan gobolka Ohio. Hawshan qirada weyn ee sida buuxda ay u soo dhaweeyeen ummada Soomaaliyeed ayaa waxaa gacan weyn ka gaystay inay suurto gasho mudane Carlton Weddington oo ah mudane aqalka hoose ee gobolka Ohio laga soo doortay matalana degmada 27 aad oo ay u badan yihiin Soomaalida ku sugan gobolka Ohio. Waxaa sidoo kale gacan ka gaystay Eileen Y. Paley oo iyana xubin ka ah gollaha gobolka ee dowlada hoose. Dhanka kale waxaa dadaal buuxa hawshan inay suurto gasho u galay guoodmiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Columbus, Xasan Cumar iyo madaxa hayda Helping Africans New Direction HAND isla markaana ahna tifaftiraha wargayska Somalilink Mudane Mahdi Taakilo. Waxaan sidoo kale kaalin muqadasa hawshaan ka qaatay dhalinyarada una badan ardayda jaamacda Soomaaliyeed ee gobolkan Ohio iyo shaqsiyaad dadaal dheeri ah hawshan ka gaystay oo aan halkaan lagu soo koobi karin. Si kastaba ha ahaatee ka soo qeyb-galayaashii munaasabadan ayaa ahaa kuwo fikirka calan saarida ee gobolkani ku maamusay ummada Soomaaliyeed aad ulla dhacsanaa. Ibrahim Xarfi oo kamid ah ardayda jaamcada OSU oo aan dareenkiisa waydiiyay waxaa uu iigu jawaabay ” dhab ahaantii waa arrin aad loogu farxo oo ka duwan wajigii hore ee Soomaalida looga bartay, waana arrin ku dayasho mudan” Hooyooyinka iyo duqayda Soomaaliyeed ee halkaasi isugu soo baxay ayaa ayaguna muujiyay dareen farxadeed oo aad u sareeya. Waxayna dhamaan ka soo qeyb-galayaashu halkaasi ku wadaageen waqti aad qaali u ah oo farxadeed. 1da luuliyo ayaa ah maalin qaali ku ah ummada Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaanba, waa maalinta midnimada iyo xoriyada Soomaaliyeed. Dalka Soomaaliya ayaa mudo aad u dheer waxaa ka aloosan colaado wajiyo badan oo aan joogsan. Taasina waxay keentay in malaayiin Soomaali ahi caalamka intiisa kale nolol ka samaystaan. Magaalda Columbus ee gobolka Ohio ayaa lagu tilmaamaa inay tahay magaalda ugu Soomaalida badan dalkan Mareykanka, waxaana ku nool ummada Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso 45,000. Soomaalida reer Columbs gabi ahaan waxay u arkaan xuskan iyo calankooda ka babanaya magaalo madaxda gobolkay horumar aad u weyn. Luuliyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 2, 2009 A warm feeling comes over one when he gets such news. Thanks and may Allah SWT bless our country and people. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted July 2, 2009 Indeed sxb, indeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted July 2, 2009 Yup! Long live to all true Somalis and down with all the fake enemy cheerleaders!! Amin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted July 2, 2009 Viva the blue flag! Viva Faroole! Down with the narrow-minded! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted July 2, 2009 Great news, and God bless Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted July 2, 2009 Wonderful news! Thanks for sharing with us Horn. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted July 2, 2009 The UK has marked the 1st of July by raising the blue flag over major town halls. including the one in my borough. Such a sight and the one above sure revive the hope in us all. May Allah bless Somalia and its people. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted July 2, 2009 Calm down Calm down guys, its just a peice of cloth, somalia is still somalia, bloodshed, terror, tahriib, piracy, and suffering, at the end of the day its people who have to turn this mess around not that peice of cloth, with respect to it. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted July 3, 2009 The next generation already aware of their responsibility. THanks Che! Quote Share this post Link to post Share on other sites