Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Electoral Commission Invited in Lebanon

Recommended Posts

Hargeysa(Qarannews)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa markii u horeysay lagu Marti qaaday Doorashada Ka Dhacaysa Dal kamida dalalka Carabta, si ay Waayo aragnimo iyo Khibarad uga soo faa'iidaystaan Qaabka ay u Qabsoomayso Codbixinta iyo Natiijada ka soo baxdaba.

 

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Commissioner Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac-Sweden), ayaa ka Baqoolay Dalka isaga oo u sii jeeda Wadanka Lubnaan oo la filayo inay Dhawaan shacbigiisu u dareeri doonaan Doorashooyin.

 

Socdaalkan Gudoomiyaha oo ayaa ka dambeeyay Marti qaad Rasmi ah oo uu Komishanka Doorashooyinka Somaliland ka helay Hay'adda ‘Caalamiga ah ee Carter Foundation oo dalkaasi ka taageeraysa dhinaca Dimuqraadiyadda iyo Doorashada. Hay'addaas oo uu Gudoomiye ka yahay Madaxweynihii hore ee Wadanka Maraykanka Jimmy Carter Saldhigeeduna yahay Wadanka Ethiopia.

 

Safarkan Guddoomiyaha Komishanka ee dalka Lubnaan oo qaadank doona Muddo 15 Maalmood ah waxa inta uu ku sugan yahay uu si mug leh u soo indho indhayn doonaa qaabka iyo hanaanka ay doorashooyinka dalalka Caalamiga ahi u dhacaan, iyo Farsamooyinka Casriga ah ee lagu xaliyo Haddiiba ay ka horyimaadaan Cillado Farsamo ama Muran dhinaca tirinta Codadka ah, kuwaasi oo la dhawrayo in Gudoomiyaha Komishanka Somaliland ku Dabaqi Doono Doorashada Madaxtooyada ee dalka Somaliland ka qabsoomi doonta Dabayaaqada Bisha September ee Sanadkan.

 

Commissioner Jaamac Maxamuud Cumar oo safarkiisani noqonayo kii ugu horeeyey uu socdaal debadeed ugu baxo tan iyo intii loo doortay Guddoomyah Guddiga Doorashooyinka waxa uu noqon doonaa Socdaalkii Labaad ee Komishanka Doorashooyinka Wakhtigani ugu baxaan Wadan ay doorasho ka dhacdo iyadoo ay hore uga qayb galeen doorashooyinkii Dhiigu ku daatay ee ka qabsoomay wadanka Kenya Dabayaaqadii Sanadkii 2007-dii.

 

Si kastaba ha ahaatee safarkan Gudoomiyaha Komishanku Waa markii ugu horeysay ee wefti ka socda Jamhuuriyadda Somaliland uu booqasho ku tago dalka Lubnaan, waxana uu safarkiisani ku soo beegmay xili dhawaan la filayo inay dalka Somaliland ka qabsoonto Doorashadii Madaxtinimadu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is good that the Somaliland electoral commission is going beyond the African context to get broader understanding of the elections elsewhere in the world.

 

 

It shows how the world is looking at Somaliland right now ................

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Way duushay...

 

Maxaa dacar lay ii walaaqay

waabayda ku caafimaaday

 

Who would have thought.

 

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this