Jacaylbaro Posted April 20, 2008 Hal abuurka gabaygiyo Hawraarta maansadu Hibo eebe keeniyo Hida dhaxala weeyee Cabdiyow hasheenii Waagii halowdee Muddo badan lahaybshee Cadow lagu hujuumee Lagu hoogay diriree Lagu waayay hanaddee Lagu dilay halyayee Hoga lagu daboolee Nafta loogu hurayee Hanti loogu bixiyee Hingaf loogu qaadee Dhiig lagu hagoogtee Gudin iyo hangool iyo Hootadiyo warankiyo Hubka lagu dhacsiiyee Gaajiyo haraad iyo Hanfi iyo kaliil iyo Holac iyo kulayl iyo Loo maray habaasee Horor iyo shabeel iyo Aar hamaansanaayiyo Halaq iyo abeesiyo Inta bahal hadaafiyo Loo jiidhay hawdkee Lagu helay dhibaatada Wixii hawl igaadhiyo Waxa haara kugu yaal Anoon haakah odhan iyo Adoon diifi kaa hadhin Markii aan hargeysiyo Xaruntii ku hooyee Xeradii ku hubiyee Kahadhgalay cadceedee Ku hakaday ardaagee Uhogeeyay gaawaha Ninba meel ka how yidhi Ninba meel ka hanqaltaag Murti iyo halhays iyo Maah maah nin hore yidhi Hadduu geelu baratamo Duqda iyo horwayntuna Ka hor orodo qaalmaha Aarankuna ma hadhayaa Hadalkaasi waa maya Anoon hebel ujeedada Hebel kale u jiidayn Hadafkiyo ujeedada Hees aan ku sheegee Ninka jecel hogaankow Ninka raba hashaydow Ka kalee ku haystow HANTI WEEYE MAANTEEQ Haween iyo caruur iyo Danyarbaa u heegana Waxa maanta hagi kara Waxa maanta hayn kara Waxa magac kuheli kara Waxa sharaf ku hanan kara Haaneedka qaban kara Hadhuub xoorle shubi kara Taariikh la hadhi kara Ninka daacad lagu hubo Ismaaciil Maxamed-cali Ibraahin Quote Share this post Link to post Share on other sites