Sign in to follow this  
General Duke

New York: President Yusuf landmark interview...Audio

Recommended Posts

Madaxweynaha DFKMG ah oo ka hadlay dib-u-heshiisiinta

15 Apr 15, 2008 - 7:04:50 PM

 

DHAGEYSO

 

Madaxweynaha DFKMG ah oo wareysi siiyey wariye ka tirsan Idaacada BBC-da ayaa warbixin ka baxshay shirka la filayo in golaha amaanka isugu yimaadaan April 17,2008 isaga oo sheegey in uu rajeynayo in Somalia xaaladeeda qalafsan wax laga qabto.

 

Cabdulahi Yusuf oo waresyigaan kaga hadlay arrimaha dib-u-hehsiisiinta ayaa xusey in dowladiisu xal nabadeed raadineysay in muddo ah si wadanku uga baxo 17 sano ee dagaalka sokeeye ku jirtay balse ay jiraan dad aan yeeleen wax kasta oo lagu dayo kuwaas-na uu filayo in shacabka iyo beesha caalamka meel uga soo wada jeestaan.

 

Mr.Yusuf ayaa sheegey in loo baahan yahay in caalamku wax ka qabto xaalada Somalia isaga oo meesha ka saarey in uu jiro balan qaad ah in ciidamo la geynayo balse ay codsi u gudbin doonaan golaha amaanka.

 

Madaxweynaha DFKMG ah oo hadalkiisa dib-u-heshiisiinta sii wata ayaa sheegey in dagaalka hadda ka socda Somalia uusan aheyn mid qabali ah balse yahay mid u dhexeeya mucaradka iyo dowlada.

 

Madaxweynaha ayaa meesha ka saarey in wadahadalada socda aysan aheyn kuwa lagaga hadlayo jiritaanka dowlada iyo axdiga balse laga hadli doono wixii kale oo leysku hayo.

 

Mr. Yusuf oo la waydiiyey in mucaaradka rumeysan yihiin in hadii dib-u-hehsiisiin la galayo in waxkasta miiska la saaro ama laga wada hadlo ayaa ku jawaabey " dib u heshiisiinta dowladan ayaa ku dhisan, Power sharing iyo axdigiina waa lagu heshiiyey, Power sharing waa 4.5 formula la yiraahdo ayuu ku dhisan yahay, qolo aan qaybteeda haysan Power-ka ma jirto, dee qoladii dooneysa in ay iyadu badalato dadka Barlamanka uga jira oo kuwa kale soo gashato hadee iyaga ayay u taal mase ah in argagixiso Barlamanka soo gasho."

 

Madaxweynaha oo aragagixisada la waydiiyey ayaa sheegey in ay yihiin kuwa la yaqaan sida Al-Shabaab iyo al- Qaacida.

 

Cabdulahi Yusuf oo la waydiiyey in isaga iyo Ra'isal Wasaaraha fikirka ku kala duwan yihiin marka la eego dib-u-heshiisiinta madaama uu dhowr jeer ku celiyey in mucaradka uusan kala sooceyn ayaa yiri " Anniga waxa ay ila tahay Ra'isal Wasaarahu sida uu wax u fahmayo iyo si kala ma aqaan, wuu cusub yahay anagu waxaan ogahay in ay ogoleyn-ba, isaga-se gacan baan ku siiyey waxaan ku iri cida kula hadleysa oo nabad ogol, nabadda soo ogoleysii waan-ba ogolahaye, hadey diidaana waad eed la'aan waxaan isku haynana ma jirto"

 

Madaxweynaha DFKMG ayaa hoosta ka xariiqey in dowlada oo dhan kula socota dhaq dhaqaqa nabadeed ee uu wado Ra'isal Wasaraha isaga oo sheegey in dib-u-heshiisiinta Somalia qof kaliya xil ka saarneyn.

 

Madaxweynaha Somalia oo la waydiiyey in wadahalada lagula jiro mucaaradka ku jirto in ciidamada Ethiopia wadanka Somalia ka baxaan ayaa yiri "Maya meel ka soo gali meyso, maxaa yeeley ciidamada Ethiopia iyagaa u yeeray nimankan argagixsada ah, maxaa yeeley iyagaa Ethiopia dagaal ka joojin waayey dowladana dagaal ka joojin waayey, Ethiopianka marka iyagaaba is daafacaya ee iskama soo galin, anaagaana u yeerey, Somaliyana waxba kama rabaan, anaagaana u yeerney jeer aan niraahno waan idinka kaaftooney tagi mayaan"

 

Yusuf oo la waydiiyey hadii ciidamada Ethiopia laga wadahadleyn, dowladii & Dasturkii laga hadleyn muxuu noqon karaa dariiqa furan ee dib u heshiisiinta ayaa yiri " Intaa laga hadli mayee nimanku wixii kale oo ay hayaan ha keeneen"

 

Cabdulahi Yusuf oo ka jawaabaya su'aal aheyd in jagada Madaxweynanimo eee uu hayo la dhafsado nabada Somalia ayaa sheegey in Madaxweynaha dorasho ku yimado balse xabad caaradeed lagu helin, Ra'isal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Barlamanka waa lamid isaga oo intaas raacshey in dad mucaarad ah oo laga tiro badan yahay xilalkan raadiyaan wax la aqabli karo aheyn.

 

Wareysiga Madxaweynaha ayaa ku soo beegmay xili Ra'isal Wasaaraha Somalia iyo kooxaha mucaaradka ah wadahadal aan toos aheyn uga socda wadanka Jabuuti.

 

DHAGEYSO

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Mr. Yusuf oo la waydiiyey in mucaaradka rumeysan yihiin in hadii dib-u-hehsiisiin la galayo in waxkasta miiska la saaro ama laga wada hadlo ayaa ku jawaabey " dib u heshiisiinta dowladan ayaa ku dhisan, Power sharing iyo axdigiina waa lagu heshiiyey, Power sharing waa 4.5 formula la yiraahdo ayuu ku dhisan yahay, qolo aan qaybteeda haysan Power-ka ma jirto, dee qoladii dooneysa in ay iyadu badalato dadka Barlamanka uga jira oo kuwa kale soo gashato hadee iyaga ayay u taal mase ah in argagixiso Barlamanka soo gasho."

Horta waa run wadaadadu dad baey ka dhasheen oo cid baa metesha, laakin for the sake of peace, let them have more seats than everyone else.

Once our coutnry settles down, we should be getting to debate constitutinoally issues of Porportionate representation

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this