Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President silanyo sends his condolences to the people of Uganda

Recommended Posts

Madaxweynaha La Doortay Oo Ciidamada Iyo Shacbiga Ugu Baaqay Inay Ka Feejignaadaan Weerarada Argagixisada Dawlada Uganda-Na Tacsi U Diray

 

Hargeysa, July 14, 2010 (Haatuf) - Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiga Somaliland iyo ciidama ammaanka ugu baaqay inay ka feejignaadaan weerarada argagixiso. Waxa kale oo uu madaxweynuhu shacbiga iyo dawlada Uganda ka tacsiyadeeyey weeraradii is qarxinta ahaa ee ururka Al Shabaab ku qaadeen dad fara badan oo daawanayay ciyaartii ugu dambeysay koobka aduunka, taasoo ilaa imika la xaqiijiyay inay ku naf waayeen dad ku dhow 80 qof.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo aanu xalay khadka tilifoonka kula xidhiidhnay ayaa sidoo kale sheegay inuu aad uga xun yahay dhimashada dadka aan waxba galabsan ee sida gaadmada ah argagixisadu ku laysay.

 

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isagoo arrimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi “ shacbiga reer Uganda iyo dawladooda tacsi baan u dirayaa, aad iyo aad baan uga xumahay dhibaatada soo gaadhay, Ilaahay waxan uga baryayaa inuu dadkii ay ka baxeen samir iyo iimaan ka siiyo, dad aan waxba ka geysan in dhibaato loo geysto aad baan uga xumahay”.

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu fariin u diray shacbiga iyo ciidamada Somaliland “ ciidamada qalabka sida iyo shacbiga waxan leeyahay waad arkaysaan waxa ka dhacaya mandaqada ee ah weeraro argagixiso, sidaa darteed waxan idiinku baaqayaa inaad feejignaataan oo siddii dhaqanka iyo caadada inoo ahayd xasiloonideena iyo wadajirkeena aad ilaalisaan, ciidamada waxan aad ugu boorinayaa maadaama aynu xili kala guur ku jiro inay si dheeraad ah u shaqeeyaan si nabadgelyada loo xoojiyo” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey madaxweynaha la doortay.

 

Dhanka kale xukuumadda talada wareejinaysa ayaa iyadu aan ka hadal qaraxyadii ka dhacay caasimada dalka Uganda ee Kampala.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

How is somali language going to be understood by president of uganda? somaliland doesnt have officials in uganda to translate it for him.

 

More propaganda from the dreaming from qowdhanland yaan loo bixin. I will wait for an official recognized response from wasirka arimaha dibadda ee somalia. Qofkas baa la dhegaysaneya not hargeisa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Do you really think Uganda cares about a government they have on life support in Mogadishu their troops are protecting it for heaven sake and thanks to the failed tfg , explosions struck civilians watching the world cup finals in the capital city of uganda kampala.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Xaji if you think the world doesn't support the tfg, war sxb intas dooda nagu soo xidh nin walan waqti uma haayo.

 

And know this dhowr wasiro iyo xildhibaano baad hamar ku lee dahay waan la aqoonsan yahay dadkas adiguna bay ku mateelan even hadad diido ama oglaado noone cares. Xog weeye!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reread what I wrote , I never said anything about the world supporting who or not , but I said The TFG is a total failure the so called international community also agrees with me, a government that barely breaths on its own, has no credibility what’s so ever it’s a government that only controls vila Somalia thanks to the Amison Ugandan troops ,but the world they have no other choice but to support this failed TFG , its either the tfg or xisbal xasuuq and alshabaab., why would I care about xildibaano xammar jooga they can hardly move outside vila Somalia maxay matali karan war kuwasi kabahooda xita ma Matalan adna dad baad ka hadlaysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha la doortay oo ka hadlay Qaraxyadii Kampala, tacsina u diray shacabka Uganda

July 16th, 2010 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horreysay ka talo-bixiyey siyaabaha loo xakamayn karo, loona fashilin karo shirqoollada kooxaha argagixisada ah ee isqarxiyaa ka fuliyaan dalalka mandaqada Geeska Afrika.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo dabajoogay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya horraantii toddobaadkan ka fuliyeen caasimadda dalka Uganda ee Kampala, waxa uu madaxda waddamada Midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD ugu baaqay in ay si wadajir ah iskaga kaashadaan la socoshada dhaqdhaqaaqyada kooxaha xagjirka ah iyo ka hortagga falalka qaraxyada ah ee ay maleegayaan, isla markaana loo helo xogo sugan oo ku jihaysan meelaha laga soo abaabulo.

 

Sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo soo saaray shalay oo xambaarsan tacsi uu u diray Madaxweynaha iyo shacabka dalka Uganda iyo baaq uu u jeediyey dalalka deriska iyo kuwa Afrika.

 

Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiranina waxa uu u qornaa sidan;

 

“Waxaan aad uga xumaaday falalkii argagixiso ee ka dhacay caasimada dalka Ugaandha ee Kampala kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac labadaba. Waxaan anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan shacabka Somalilanba u dirayaa tacsi eheladii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka reer Ugaandha geerida naxdinta leh ee ku timi shacabkooda. Waxaan cambaareynayaa dadkii ka dambeeyey falal-dambiyeedkani; waxaanan ku talinayaa in dadkii ku kacay dambiyadani la kor keeno sharciga.

 

Falalkaasi foosha xun oo ay sheegteen ururka Al-Shabaab ee Somalia waxa maalintii Axadda ee bisha July aheyd 11ka sannadka 2010 lala beegsaday laba goobood oo lagu daawanayey ciyaartii kama dambaysta aheyd ee kubbada cagta adduunka ee ay wada ciyaarayeen dalalka Spain iyo Holland; waxaana falalkaa argagixiso ku dhintay in ka badan toddobaatan (70) qof, iyadoo in ka badan siddeetanna (80) ku dhaawacantay.

 

Waxaynu ogsoonahay inay aad ugu soo badanayaan dunida maanta gaar ahaan dalalka ku yaal Geeska Afrika falalka is-miidaaminta ee laga fuliyo xafiisyada dawladda, dugsiyada iyo goobaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ah sida goobaha ganacsiga, hoteellada iyo meelaha dadweynuhu ku kulmaan. Somaliland waxay ka mid tahay dalalka dhibaatadu ka soo gaadhay falalka argagixiso. Waxa ka dhacday masiibo aad u ballaadhan magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeysa bishii Oktoobar 29dii ee sannadkii 2008, kadib markii ay ka dhaceen saddex qarax oo is-dabajooga oo xooggan, lana doonayey in lagu burburiyo nabbadda, xassilloonida iyo dimoqraadiyadda koraysa ee Somaliland, waxana halkaasi ku naf-waayey dad tiradoodu kor u dhaaftay 29 qof, tiro intaasi ka badanina ku dhaawacantay. Falalka noocaas ah waxa kaloo laga fuliyey dalalka mandaqadda ku yaal sida Ethiopia, Kenya iyo Tanzania.

 

Si haddaba loo ogaado, loogana hortago shirqoollada ay maleegayaan ururrada xag-jiraa waxa lagama maarmaana in si wadajira ay isaga kaashadaan waddamada ku bahoobay Ururka Midowga Afrika iyo IGAD dhinaca xuuraanka iyo dabagalka dadka ka dambeeya qorshaha iyo fulinta falalkani halista ah oo maanta cabsi fara badan iyo werwerba ku haya shucuubta ku nool Geeska Afrika.

 

Waxaannu diyaar u nahay haddii aanu nahay madaxda iyo shacabweynaha Somaliland inaanu gacan ka geysano wax alla wixii lagu xakamaynayo ama lagaga hortegayo mu’aamaraadka iyo falalka aragagixiso ee la doonayo in laga fuliyo dalalka Geeska Afrika.”

 

Somaliland.Org

 

Hargeisa News Desk

 

wararkasomaliland@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this