Abwaan Posted March 17, 2005 Dadweynaha magaalada Muqdisho oo ilaa iyo saaka ka war sugayeen natiijada ka soo baxaysay fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ee saaka ka bilaabaday Magaalada Nairobi ayaa mar keliya waxay bilaabeen damaashaado iyo dabaal degyo, iyadoo qalabka Warbaahinta Muqdisho laga sii deeynayay Heesihii la qaadi jiray 1977 xilligii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya. Guud ahaan Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemay guusha ka dhacaday magaalada Nairobi, sida muuqato dadka reer xamar ayaa waxay ka soo horjeedan in dalka la keeno ciidamo ka socda Itoobiya. Xaalada Xamar ayaa aad u kacsan, jidadka ayaa waxaa taag taagan dad aad u soo dhaweeyay go’aanka ka soo yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan. Dhamaan Qalabka Warbaahinta ayaa xaalada ka soo yeertay Nairobi waxay ku tilmaameen guul weyn u soo hooyatay Umadda soomaaliyed, waa sida ay hadalka u dhigeen, waxaana dhagta loo taagayaa dhanka iyo Magaalada Nairobi. Quote Share this post Link to post Share on other sites