Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu battles enter third day..Shiekh Sharif injured?

Recommended Posts

Dagaaladii SIISII oo galay maalintii saddexaad & qaar ka mida madaxda Isbaheysiga oo dagaal ku qabsaday KM4

 

Shariif Maxamed (Email: shariif55@yahoo.com)

 

Isgoyska KM4

 

Dagaalkii ka socday Degaanka SIISII ee degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa galay maalintii saddexaad iyadoo saaka mar kale rasaas culus iyo hubka waaweyn ay is weydaarsadeen labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyo.

 

Khasaaraha ayaa u badan dadka rayidka ah, waxaana shalay ay ahayd maalintii ugu dhimashada iyo dhaawaca badneyd ee dagaalka, laakiin saaka markii uu dib u bilowday dagaalka ayaa la dareemay in inta badan dadkii degaankaas ku noolaa ay isaga qaxeen marka laga reebo dad socon waayay iyo kuwo ilaalo ahaa loogu reebay guryaha laga qaxay.

 

Wadooyinka magaalada waxaa buuxiyay dadka ka soo qaxaya degaankaasi, iyadoo aan wax horumar ah laga gaarin waanwaan laga dhex waday labada dhinac oo la sheegay inay diideen maleeshiyada degaanka ee taageerada ka heysata Isbaheysiga Argagixiso la dirirka.

 

Dhacdooyinka xanuunka leh ee shacabka waxyeeladu soo gaartay, kuwo ay madaafiic guryahooda ku habsadeen, qaar kala lumay iyo kuwo aan garaneyn meel ay u qaxaan ayaa ka baxaya Warbaahinta Muqdisho, waxaana iska soo daba dahcaya baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo labada dhinac.

 

Dagaalka ayaa weli ka socda inta u dhaxeysa Sanca, SIISII ilaa Fagax, laakiin madaafiicda ayaa gaareys degaano ka fogfog goobta dagaalka.

 

Dhinaca kale rasaas xoog leh ayaa goor dhoweyd la isku weydaarsaday Isgoyska KM4 oo magaalada Muqdisho kadib markii ay isku dayeen kolonyo gawaarida dagaalka oo Isbaheysiga Argagixiso la dirirka leeyihiin inay halkasi maraan, iyadoo ay isbaaro u taallay maleeshiyo beeleed oo uu wato nin lagu magacaabo Liibaan Xersi Caweeye, kuwaasoo hore u shaaciyay inaysan halkaasi soo mari karin gawaarida dagaalka labada dhinac.

 

Iska hor imaadkaasi oo muddo ka badan 30 daqiiqo socday ayaa sababtay in goobtaasi lagu kala yaaco isla markaana ay xirmaan goobihii Ganacsiga iyo Dugsiyadii waxbarashada, xiisadda ayaa kacsan inkastoo rasaastii joogsatay.

 

Kolonyada Baabuurta dagaalka ee iska hor imaadka dhalisay ayaa la sheegay inay galbineysay qaar ka mida madaxda Isbaheysiga oo ay ka mid yihiin Cabdi Qeybdiid, Cabdi-Shukri Cali Xersi, Cabdi Waal iyo xubno kale oo ka soo laabtay shir qarsoodi ahaa oo Isbaheysigu saaka ku yeeshay Deyniile, iyagoo ku socday degmada Kaaraan.

 

Markii dagaalka ka dhex qarxay maleeshiyada KM4 iyo gawaaridii dagaalka ee galbineysay madaxda Isbaheysiga ayaa la sheegay inay kala jabeen oo laba qeybood u kala baxeen, qeyb ka mida ayaa u baxsatay dhinaca garoonka diyaaradaha ee Muqdisho halka dhinaca kale ay afka saareen dhinaca Wadadii Maka Al-mukarama.

 

Qof ayaa la sheegay inuu iska hor imaadkaasi ku dhintay saddex kalena dhaawac ka soo gaaray, xaaladda Isgoyska KM4 oo ka mida meelaha ugu mashquulsan magaalada ayaa xaaladiisa degan tahay kadib dagaalkaas ka dhacay, laakiin waxaa jirta xiisad weyn oo waddada ku xirantay.

 

 

Wixii ku soo kordha kala soco Goobjoog Insha Allaah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalka oo sii xoogastay iyo Sheekh shariif sheekh Axmed oo ku dhaawacmay

 

 

 

Muqdisho:-Ugu ayaraan 8 ruux ayaa ku geeriyootay , 17 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal kharaar maalintii sadaxaad ka soconaya Waqooyiga Magaalada Muqdisho ,gaar ahaan Deegaanka Siisii , iyadoo dagaalku saameeyay Suuqii Hilbka iyo Balka ee Isgoyska Fagax .

 

Dagaalka oo ah mid maanta la isku adeegsanayay Madaafiicda hoobiyaasha iyo B-10 oo dad ku laayay agagaarka warshada baastada oo ay ku dhaawacmeen saaka 8 ruux .

 

Maalintii Sadaxaad ayuu galay dagaalka ka socda Degmooyinka Yaqshiid iyo Kaaraan, waxayna labada dhinac ku isku adeegsanayeen hubka culus iyo midka fudud, waxa uuna dagaalkaani u dhexeeyaa Midowga Maxakiimta Islaamiga ah iyo koox iyana taageero ka heleysa dhinaca Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, waxaana dagaalkaasi shalay ku geeryooday ilaa iyo 9-qofood oo u badnaa dad rayid ah oo ay rasaastu ugu tagtay guryahooda.

 

Dagaalka ayaa waxa uu ku baahay Xaafadaha Jamhuuriya oo ka tirsan Degmada Karaan, Arjantiin iyo Sanca, waxaana la arkayay dad aad u fara badan oo ka qaxaya guryahooda, una cararayay meel ay kaga gabaadaan rasaasta habowga ah.

 

Ilaa iyo haatan ma jiraan wax isku xilqaamay joojinta dagaalkaasi oo isagu ka socda xaafado si aad ah loo degan yahay, lagana cabsi qabo in Xaafadahaasi oo dhan ay noqdaan kuwo lagu kala cararay, balse waxaa soo baxaya baaqyo laga dalabanayo labada dhinac in ay dagaalka joojiyaan.

 

Warar isburinaya ayaa soo baxaya oo ku saabsab xaaladda caafimaad ee uu ku sugan yahay Gudoomiyaha Midowga maxaaimta Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed , iyadoo mar aan tagay goobta dagaalka ay ii sheegeen Maleeshiyo ilaalisa gudoomiyaha Maxaakimta in shariifka uu ku dhaawacmay dagaalka , laakiin dhaawiciisa uu yahay mid fudud oo xagga garabka ah , dagaalkuna uu ku jiro , kuna dagaalamayay qori Ak47.

 

Cali Cabdi Cali (Suxayfa)

Waayaha,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this