Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland Vice President Saylici hits out at ONLF sympathizers

Recommended Posts

Saalax   

Cabdiraxman Saylici oo reer Awdal ku eedeeyey inay waligoodka Argagixisada tageeri jireen

 

Borama(Saylac.com)- Madaxweyne Kuxigeenka Jamuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxman Cabdilahi Saylici ayaa Habeen Madaw soo galay magaalada Borama isagoo wata ciidamo aad u badan oo ilaalo ah. Madaxweyne kuxigeenka oo gurigiisa kusugan ayaa cidaacada u sheegay wareysi ay dadka Borama dhegaha faraha gashadeen ka dib markii uu gobolka Awdal ee uu kasoo jeedo ku tilmaamay gobol ay argagixisadu waligeedba kala soo deji jirtey hubka iyo ciidamada ka dagaalama dalka Itoobiya ee OLNF.

 

Hadaladan kasoo yeedhay Madaxweyne kuxigeenku waxa kale oo uu eeda rabshadihii shalay Borama ka dhacay dhabarka u saaray inay wadeen waxa uu ku tilmaamay tageerayaasha xisbiga UDUB. Madaxweyne kuxigeenka Jamuuriyada Somaliland oo aan shacabka la hadal isla markaana ku sugan gurigiisa ku yaala Borama ayey dadweynaha Borama kusugani la yaabeen sababta uu gobolka uu kasoo jeedo ee Awdal u huwiyey eedaymo aan qaban isla markaana cadawtinimo u kala dhex dhigay dawladaha dariska ah ee ay ka midyihiin Jabuuti iyo Itoobiya oo xidhiidh wanaagsan la leh Gobolada Awdal iyo Selel.

 

Ciidamada ilaalada ee ku xeeran guriga madaxweyne kuxigeenka Jamuuriyada Somaliland ayaa iyaguna dadweynaha Borama ka yaabiyey kadib markii ay Saladiin iyo Cuqaal isku dayday inay Booqdaan madaxweyne kuxigeen Cabdiraxman Saylici ay u diideen inay galaan guriga uu kusugan yahay ee magaalada Borama.

 

Dadweyne aad u badan oo aanu waxka weydiinay sida ay u arkaan hadaladan eedaymaha ah ee uu Cabdiraxman Saylici gobolka dhakada ka saarey ayaa waxay saxaafada u sheegeen inay aad uga xunyihiin nin Masuul ah oo waliba kasoo jeeda gobolku inuu waxaas oo kale cidaacadaha caalamka kula hadlo waxayna intaa ku dareen inay dadweynaha gobolada AWdal iyo Selel ka rabaan cadaymo inuu Cabdiraxman Saylici caalamka tuso in gobolka Awdal uu yahay gobol Argagixasu hub kala soo deji jirtey waligeedba.

Waa markii ugu horeysay ee uu Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici socdaal ku yimaado gobolka laga doortey ee Awdal abaalkii iyo codkii shacabka reer Awdal ay u galeena waxa uu maanta bedelkooda uga dhigay inuu gobolka Awdal ka dhigo xarunta argagixisadu hubka kala soo degto

 

Borama Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Libaahe u know man i have no problem if onlf is willing to fight Ethiopia it’s a cause which they are fighting for their dignity and land , we should not fight Ethiopia’s war how ever, we do not allow people going through our land and then attacking Ethiopia , Ethiopia is our neighbouring country and Somaliland policy towards Ethiopia is one of mutual interest living peace next to each other.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Exactly i have the same perspective i have no problem with the ONLF aslong as they do not go through our land without permission to attack other neighbours.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Seylici is a good leader he today said opposition doesn’t mean ,you have to be destructive when you are pointing out the errors of the administration you can be critical yet also be constructive.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mucaaridadu Inay Mid Wax Dhista Noqoto Weeyaan In La Isku Dhaliilo Maaha

Monday, 20 September 2010

 

jhgjhgjb.jpg

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Xisbiyada Mucaaridka ku eedeeyay hadalada ka soo yeedhaya baryahan u dambeeyay ee ka dhanka ah xukuumada talada haysa, taas oo ay ku dhaliilayaan dhacdadii xeebta Galbeed ee dalka, isaga oo sheegay

in mucaaradka looga baahan yahay inay mucaaridnimadoodu noqoto mid wax dhisaysa, balse aanay noqonin in dhibta dalka ku timaada mid lagu ceebeeyo xukuumada.

 

C/raxmaan Saylici waxa kale oo uu sheegay in xilligii uu xisbigooda talada hayaa mucaaridka ahaa wakhtigii qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay madaxtooyada, Safaarada Itoobiya iyo xarunta UNDP-da lagu soo weeraray aanay xukuumaddii jirtay ku ceebaynin, balse ay ka tacsiyadeeyeen dhibaatadaa dalka ku timid, isaga oo xusay in mucaaridku toosiyaan xukuumada, islamarkaana tilmaamaan, balse inay ku ceebeeyaan laga fiican yahay.

 

C/raxmaan Saylici waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay ka hadlayey Munaasibad loo sameeyey arday ka qalinjabisay Jaamacada ADMAS oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

 

C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) mar uu ka hadlayay nabadgalyada waxa uu sheegay in Somaliland nabadgalyada kusoo caano maalaysay, isla markaana xukuumadii hore nabadgalyada ku dhisnayd, balse haatan xukuumadan cusubi nabadgalyadii jirtay ku darayso cadaalad, wax-soo-saar iyo shaqo abuuris waxanu yidhi “Ka dawladd ahaan in badan ayay Somaliland nabad ku soo caano maalaysay Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa nabad iyo caano qoladii hore haday nabad uun ku joogtay anaguna waxa aanu rabnaa in aanu ku daro caanihii, hadaan nabadi caano lahayn nabadi ma soconayso, waa in caano lagu daraa sababtu waxa weeyaan, nabadu waxa ay u baahan tahay in cadaalad loo sameeyo, in ummadda shaqo loo abuuro si nabadii seeskeedu u adkaado”.

 

C/raxmaan Saylici mar uu ka hadlayay ardaydan ka qalin jabisay Jaamacada iyo sida dawlada Itoobiya uga qayb qaadatay inay Cilmigeeda inoo soo gudbiso ee waxtarka leh waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa dawlada Itoobiya ee aynu jaarka nahay ee maanta iskaashigeedu gaadhay nabadgalyada oo qudha aan eekaanin ee inay Cilmigeeda inoo soo gudbiyaan ee wax inoo taraan. Maanta Jaamacadan aan joogno ee 240-ka arday ka qalin jabinayso waa wax aad iyo aad loogu mahadnaqo dawlada Itoobiya, jaarkuna xaq bay isku leeyihiin oo Diinteena Islaamkaa sheegtay”

 

Madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Saylici mar uu ka hadlayay dawladaha aynu jaarka nahay Itoobiya iyo Jabuuti, islamarkaana xaqa Jaarnimadu leedahay iyo iskaashiga ka dhaxayn kara dhinacyo badan loo baahan yahay in la iska kaashado, islamarkaana dhibaato marka ay dhacdo loo baahan yahay mucaaridadu inaanay dawlada ku dhaliilin, balse in la is toosiyaa ama la is tilmaama qurux badan tahay, isaga oo xusay xilligii Xisbigoodu mucaridka ahaa, in qaraxyadii lagu soo weeraray madaxtooyada, safaarda Itoobiya iyo xarunta UNDP inaanay dhibaatada soo gaadhay dalka ku ceebayn xukuumada, balse in la is toosiyaa qurux badan tahay waxanu yidhi “Waxa weeye dawladaha jaarka aynu nahay xaq gaar ah baynu isku leeyihiin haday Itoobiya tahay, haday Jabuuti xaq baynu isku leenahay in wax alla wixii xumaan ah aynu ka wada dagaalanana waajib ina saaran weeyeen. Markastaba dhacdaa dhacda haday wadan gudihii ka dhacdo iyo haddii kaleba, waxa jirta maanta dhacdaa dhacday, dhacdadaa sidii la sheegay mucaaridadu inay mid wax dhista noqoto weeyaan, in la isku dhaliilo maaha ee halkaa wax ka toosi baa qurux badan markaa mucaaridadu inaanay noqonin haday dhibi dhacdo in la is toosiyaa qurux badan, markaa mucaaridadu, laakiinse in la isku ceebeeyo maaha sababta oo ah fal mar walba wuu dhici doona hore ayuu u dhacay oo madaxtooyada la soo weeraray, Safaaradan Itoobiya ayaa la soo weeraray iyo UNDP-da ayaa la soo weeraray maanu ceebayn xukuumadii ee ragii tagay iyada oon saacad laga joogin madaxweynaha iyo dadkii dhibtu gaadhay soo eegay baanu ahayn, markaa waxa weeye dhacdo markasta way dhacaysaa wixii dhacayna anaga iyo dawlada Itoobiya iskaashi fiican baanu ka wada yeelanay, iskaashigeeniina wax ku kordhay mooye wax ka dhimani ma jiro. Waxa inoo balan ah waynu wada shaqaynaynaa ummada reer Somaliland waxaan ku guubaaninayaa miyi iyo magaalaba in maanta nabadgalyada la wada ilaashado oo gacmaha is wada qabsano oo Ilaahay la kaashano inaan dalkeena maanta wax badan ka bedelo oo aynu horumar gaadhsiino.

 

Waxaan kusoo gabagabaynayaa aad iyo aad bad u mahadsan tihiin dhalinyartiinan Jaamacada ka baxday ee qalin jabisayna waxaan idin leeyahay hambalyo halkaa ka sii wada dadaalkiina’ Sidaas ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici.

 

Source Haatuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this