Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Britain Donates Vehicles for Somaliland Navy

Recommended Posts

Berbera(Togaherer.com):- Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Cimaan Jibriil Xagar, ayaa maanta 12 Baabuur oo ka mid ahaa 14 Gaadhi oo ay dawladda Ingiriisku ugu deeqday Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ka guddoomay Sarkaal sare oo dhinaca arrimaha Millatariga u qaabbilsan Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

 

12-kaas Gaadhi ayaa Taliyuhu ku guddoomay kulan lagu qabtay Taliska Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ee magaalada Berbera. “Aad iyo aad baannu ugu mahadnaqaynaa dawladda Ingiriiska iyo Mr. Brown oo ah ninka Millatariga Ingiriiska u fadhiya Safaaraddooda Addis Ababa ee xarunta waddanka Itoobiya. Runtii dhibaato badan ayaa naga haysatay xagga qalabka hadday tahay xagga Badda iyo hadday tahay gaadiidka Dhulkaba, wax badan oo dhibaatooyinkii baahiyeed ee aannu qabnay wax badan bay ka tari doonaan gaadiidkani.” Sidaa waxa yidhi Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland Gen. Xagar.

 

Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland Gen. Cismaan Jibriil Xagar, waxa uu sheegay inay deeqdani hordhac u tahay deeqo kala duwan oo dawladda Ingiriisku ku ballan qaadday inay ku horumarinayso ilaalada Xeebaha Somaliland, kuwaasoo loogu talagalay in lagu sugayo ammaanka guud ahaanba xeebaha dalka iyo la dagaallanka Budhcad-Badeedda Maraakiibta iyo Doonyaha ka qafaasha Biyaha Gacanka.

 

Dhinaca kale, Sarkaalkan Millatariga Ingiriiska u fadhiya Safaaradda Addis Ababa ee dawladdiisa, ayaa sheegay in Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland door wayn oo muuqda ka qaataan la dagaallanka Budhcad-Badeedka.

 

Sarkaal oo arrimahaas ka hadlayaana, waxa uu yidhi; “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay hadyaddan aannu ilaalada Xeebaha Somaliland ugu deeqnay inaannu maanta idin soo gaadhsiinno, isla markaana si rasmiya idiinku wareejinno, taasoo aannu filayno inay wax tar ka noqonayso deddaalka aad ugu jirtaan adkaynta nabadgalyadda xeebta dheer ee Somaliland.”

 

Si kastaba ha ahaatee, Kulankaa Taliyuhu ku guddoomay 12-ka Baabuur, waxa iyaguna goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah Saraakiisha iyo Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland, kuwaasoo iyaguna madashaas ku soo bandhigay qaybo ka mid ah awooddooda iyo aqoontooda Ciidan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this