Jacaylbaro Posted November 29, 2007 War maanta ka soo baxay xafiiska Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ogolaatay isticmaalka Baasaboorkii hore ee cagaarnaa. Afhayeen u hadlay Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in la tixgeliyay waajibaadka Xajka iyadoo la guda galay xiligii la aadi lahaa Xajka, sidaa darteed loo ogolaaday dadka heysta Baasaboorka cagaaran ee ku dhufsan Fiisaha inay ku soo xajiyaan Baasaboorkaas, sidoo kalena Baasaboorka cusub la qaadan karo iyo weliba waraaq lagu magacaabo Laasha Basaare oo ah mid u dhiganta Baasaboor oo Dowladda Sacuudiga u ogolaatay Soomaalida inay ku soo xajiyaan oo kaliya. "Intii lagu jiray khilaafkii siyaasadeed ee dowladda ayaa la mamnuucay Baasaboorkii cagaarnaa iyadoo kadib iyo kahorba ay u dalbanaayeen shirkadaha Fiisooyinka Xajka, iyadoo ay jiraan dad badan oo helay Fiisahaasi, sidaa daraadeed ayay dowladdu tixgelin ugu sameysay in loo isticmaalo gudashada Xajka oo kaliya" ayuu yidhi afhayeenka dowladda Soomaaliya Cabdi Xaaji Goobdoon oo intaa raaciyay in sharcigii lagu mamnuucay Baasaboorkii hore uu sidiisii yahay uuna dhacayo Baasaboorkii hore marka Xajka laga soo laabto. Dhawaan ayay ahayd markii Guddiga Amniga dowladda Soomaaliya, Waaxda Socdaalka iyo mas'uuliyiin ka socotay shirkadaha duulimaadyada ay go'aansadeen in la qaato warqad Sacuudiga lagu tegi karo. Widhwidh Online News Desk..Media Center Quote Share this post Link to post Share on other sites