Sign in to follow this  
Cowke

Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe) meel kasta baan ku dileynaa Al-Shabaab

Recommended Posts

Cowke   

Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe) meel kasta baan ku dileynaa Al-Shabaab

 

Posted to the Web Feb 28, 19:15

 

 

Kismaayo:-Sh.Axmed Maxamed Islaam oo ka mid ah saraakiisha Ururka Xisbul Islaam ayaa warbaahinta u sheegay inay ugaarsan doonaan madaxada iyo saraakiisha Al-shabaab,Sheekh Axmed Madoobe ayaa yiri "Dagaallada aan kula jirno Al-shabaab waxay ka dhici doonaan Muqdisho iyo goob walba oo aan ku wada sugan nahay wuxuuna noqon doonaan mid dheeraada.

 

Shiikh Axmed Madoobe ayaa baaq u diray Culumada waxgaradka iyo ganacsatada Soomaaliyeed isaga oo sheegay in laga hortago manhajka Qaloocan ee ay wadaan Al-Shabaab .

 

Shiikh Axmed Madoobe ayaa waxa uu sheegay in ay xoojin doonaan dagaalada ka socda gobollada Jubbooyinka, cid walba oo xiriir la leh Ururka Al-Shabaabna ay dili doonaan.

 

Ahmed Madoobe ayaa beeniyey hadal ka soo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab ee J/hoose Xassan Yacquub isaga oo sheegay in ay dagaal kula jiraan Ururka ONLF waxaana uu yiri "Jabhadda ONLF waxaan u aqaan inay ka dagaalanto dalka Itoobiya, mana jirto wax garab ah oo aan ka helno, " .

 

Ahmed Madoobe ayaa ka hadlay qof ay ku gowraceen Al-Shabaab deegaanka Diif wuxuuna ku tilmaamay mid waxshnimo ah ,hadalka Sh Ahmed Madoobe ayaa yimid xili miino loo dhigay Suuqa Bakaaraha Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay ka bad baad een iyadoo saraakiil ka mid ah Al-shabaab ay sheegeen in raggii ku dhintay qarax ay ka tirsanaayeen Xisbul Islaam walow arinkaas ay beeniyeen Xisbul Islaam.

 

Ma jiro war ka soo baxay dhinac Al-shabaab oo ku saabsan hadalka maanta ka soo yeeray Sh Axmed Madoobe oo ah Sarkaal ka tirsan ururka Xisbul Islaam oo iyagu lagha saaray magaalada Kismaayo.

 

Cabdi Yare

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this