Sign in to follow this  
General Duke

Halgankii Madaxweyne Muxamed Cabdi Xaashi Kooxda Reer Sool ee loo soo igmaday

Recommended Posts

Halgankii Madaxweyne Muxamed Cabdi Xaashi & Kooxda Reer Sool ee loo soo igmaday

 

By Ladan Haaji Posted to the web 01-01-2005, 17:00:57

 

Afeef: (Qormadan waxaa masuul ka ah ama xikmadeedu ku egtahay qoraaga,

masuuliyadeeduna ma quseyso mulkiilaha jariiradan ama websitekan. waa fikrad ku

kooban qoraaga keliya).

 

Taariikhdu Heerka ay doonto ha noqotee waa aqoon wax lagu tixraaco, xasuusto, waayoarko, ama wax lagu qiimeeyo, Gaar ahaan waa aqoon ka dhalata dalkastaa ama shaksi walba waxa laga arko.

 

intaas kadib, waxaan rabaa akhristow in qormadan aan ku tixraaco ama aan wax ka

taabto halgankii uu Madaxweyne Mohamed Abdi Hashi uu u soo galay Umada Soomaliyeed,Gaar ahaan dadka ku nool Dawlad goboleedka Puntland. Mr. Xaashi isla haddana u cararaya Jagada Madaxweyninimada Dawlad goboleedka Puntland sadexda Sano ee soo socota. Intaas dabadeed, waxaan soo koobayaa dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee shakhsiyaadka loo adeegsanayo in ay majaxaabiyaan ololaha doorashade ee Mudane Xaashi iyo cawaaqib xumada aya ku keeni karaan maadaama ay ahaayeen niman u xusul duubnaa muddo dheer sida ay halgalkaas gacanta ugu gelin lahaayeen Jamhada SNM ee ka talisa gobolada waqooyiga Soomaliya qaarka mid ah, isla markaana weerar joogto ah ku soo qaaday degaanada Puntland ee Sool, Sanaag bari, iyo ceyn, weerarkii ugu danbeeyeyna dhacay bishii Oct, 29, 2004.

 

Waa kuma Moxamed Cabdi Xaashi?

 

Ugu horeyntii, hadii aan soo koobo aqoontayda gaaban ee aan ka ogahay shakhsiyada Mudane Mohamed A. Hashi. Waa Nin daacad ah, yaqaan waxa uu rabo,waa aqoonyahan Midnimada Soomaliya meel fog kaga taal, waa Halyey doonaya Qaranimo Soomaaliyeed oo timaada. Waa mid ka mid ah aqoonyahanadii Soomaliyeed ee dhaliyey gobonimadii Soomaliya, kadibna burburkii dalkeena Hooyo, waxa uu gudoomiye ka noqday Urrur siyaasadeedkii la oran jiray USP, (oo ay ku bahoobeen *****da degta Waqooyiga Soomaliya, Gudabiirsay iyo Ciise). Ururkan oo ay aheyd hadafkiisu in lagu ilaaliyo Midnimada Soomaaliya. 1998 Ururkii uu gudoomiyaha ka ahaa iyo SSDF iyo Beelaha kalle ee dega Puntland ayaa ku bahoobay in la dhiso maamul lagu suggo midnimo iyo Qaran Soomaliyeed. Maamul goboleedkaas oo uu Madaxweyne ka noqday Madaxweynaha Dawlada Federaaliga ah ee Haatan, Mudane Cabdulahi Yusuf, Mudane Mohamed A. Hashi isaguna ka noqday Madaxweyne ku xigeen.

 

(Madaxweyne Yusuf iyo Xaashi ayaa taariikhdu ku sheegtaa aabayaashii Maamulkii

Puntland). Ka dib, Guushii weynayd ee uu Madaxweyne A. Yusuf ku guulaystay jagada ugu sareysa ee Soomaliya, ayaa Mudane Xaashi uu noqday Madaxweynaha Dalwad goboleedka Punland.

 

Nimanka loo adeegsanayaa waa kuwee??

 

Hadii aan wax ka taabto nimankaas iyagu cadowga mar walba ku ahaa hadafka (Goal) Madaxweyne Mohamed Abdi Haashi, isla markaana u heelan in ay noqdaan sababtii meesha ka saari laheyd ayaan halkan ku soo koobayaa qaar ka mid ah magacyadooda, Xilalkooda iyo dhaqdhaqaaqoodii siyaasadeed ee ugu danbeeyey.

 

1. Xasan Faarax Jaamac (Xasan Geerash):(1995-2004) Wuxuu ahaa mudo yar ka hor

taliyihii ciidanka aaga bari ee maamulka lamagac baxay Soomaliland. Gaar ahaan wuxuu ka mid ahaa nimankii soo dejiyey ciidamada beesha ***** deegaanka Yagoori iyo dhulka ku xeerdaansan. (hadana waxa uu isku soo sharaxay madaxweyninimada Puntland)!!

 

2. Baashe Cali Jaamac: (1991-1998) Mr. Baashe wax masuul ah kama noqon dawladii

Soomaaliyeed ee Burburtey 1991 iyo kuwii ka horeeyey. laakiin Wuxuu noqday wasiir ka mid ah wasiiradii Jamhadii SNM ee uu horkici jireen C/iRahman Tuur iyo Ina Cigaal ee lamagac baxday Somaliland.

 

3. Cabdisamad Cali Shire:(1995-1999) Wuxuu ahaa taliyihii Ciidamadii Ina Cigaal ee iskugu yeeri jiray Soomaliland Gaar ahaan waqtigii Gerxejis iyo ***** intiisa kalle dagaalku ka dhex socday.

 

4. CabdiXamiid Garaad Jaamac: (2000-2004). Wuxuu ka mid ahaa qurbo joogtii

Soomaaliyeed, ka dibna u jago raadsaday Dawladii Carta (2000), Ka dib markii uu jago ka waayey dawladaas, waxaa uu shaqo u raadsaday tii Ina Cigaal, ee mabda'eeedu ahaa SNM. wuxuuna u noqday Wasiirka arimaha dibeda, wuxuuna in badan ku dooday In Sool,Sanaag iyo Ceyn ay ka mid tahay SNM.

 

Hadaba kooxdan iyo kuwa kalle oo badan waxa ay u heelan yihiin sidii ay Mr. Xaashi meesha uga saari lahaayeen. Nimanka oo aan weli ka soo dhamaan dhinaca SNM iyo Soomali diidnimada. Waxa ay soo gashanayaan shaatiyo kala duwan oo ay ku khayaamaynayaa shacabka reer Puntland.

 

Maxaa la gudboon Dadka u dhashay Puntland:

 

maxaa inala gudboon dhamaan reer Puntland?? Waa su'aal muhiim ah, oo jawaabteeda lagaga gaashaaman karo cawaaqib xumada ay keeni karaan nimankan siyaasiyiinta ah.

 

Dadka iyagu danaynaya Masiirka iyo horumarka deegaankaas, waa in ay si wadajir ah MR. Xaashi iyo Ku xigeenkiisa Mr. Mohamed A. Yusuf (GAAGAAB) taageeraan. Waa in ay wax beerlaxawsi yo raas-raas ah isugu fiirsan. Waa in si Cad oo waadaxa looga hortagaa nimankaas in ay ku matelin kuraasta Puntland dibna u eegaan hagardaamada iyo ciidamada ay soo tubeen duleedka laascaanood iyo furfurka bulshada wada dhalatay ay ku wadaan.

 

Isimada Maxaa la gudboon??

 

(GeboGebo): Isimada Puntland oo dhami waa in ay u dhabar adeegaan qadiyada oo aanay dhegaysan talo raaseed hadimo ku danbeyn doonta. Waa in ay doortaan qofka isku heyn kara Puntland, si daacadana ula shaqeyn kara dawlada Federaalka Soomaliyeed. Waa in ay ka hortagaan shakhsiyaadka loo soo igmaday burburinta ama kala qeybinta Puntland.

 

 

Wabilaahi Tawfiiq

 

Qore: Ladan Haaji

 

Seara, SD. USA

 

e-mail: ladanhj@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

USP.........Ku bahoobeen midnimada Somalia.Funny saaxiib.Anaa waxaan islahaa wuxuu ururku u dhashey sidii reer Waqooyi leysgugu diri lahaa.I dont know how anyone in their right mind would misinterpret that as part of preserving unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this