Cowke Posted March 26, 2010 Qaliin Dhanka Caafimaadka Ah oo ka Socday Isbitaalka Jaamacada ee Bosaaso oo Lasoo gaba gabeeyey(Sawirro) March 26, 2010| FEATURED STORIES, NEWS: Category | 11 comments Qaliin socday mudo sadex todobaad ah ayaa waxaa uu si rasmi ah kusoo gaba gaboobay Isbitaalka Jaamacada Manhal ee ku taalla duleedka magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari. Waxaana uu qaliinkaan ahaa mid loo fidinaayay dad isugu jira danyar iyo kuwa kale,waxaana fulinaysay dhaqaatiir ku takhasusay qaliinada guud kuwaas oo u dhashay dalka Soomaaliya. Qaliinadaas oo ka koobnaa kuwa fudud iyo kuwa dhexe ayaa mudadaas loo sameeyey dad tiradooda gaaraysa 272-qof.waxaana ay kala ahaayeen:qaliinka dhuunta sida fiixda,qaliinka jirka dhushiisa burooyinka iyo baabasiirka(qeybta gudaha iyo dibada) iyo qaliino kale sida Eerno oo laba nooc ah iyo xabaddo laga soo saaray jirka gudihiisa,qaliino dhanka sanka ah iyo faruurta oo isugu jira carrurta iyo dad waa weyn ah. Isbitaalka Jaamacada Manhal ayaa waxaa dhistay Jimciyadda Kheyriga ee Manhal fadhigeedu yahay Soomaaliya gaar ahaan degaanada Puntland oo ay ka howlgasho.waxaana dhismaha Isbitaalka la furay 26-ki Bisha Febraayo ee Sanadkaan 2010-ka. Dhismaha Isbitaalka ayaa waxaa uu ka kooban yahay 3-dhisme oo kala ah: 1-Qeybta Bukaan Jiifka(Inpatient) 2-Qeybta Booqashada(Outpatient) 3-Qeybta Maamulka(Adminstration) Waxaana ay dhismahaan dhamaan yihin kuwa si fiican u qalabaysan,iyadoo qalabka Isbitaalka ay yihin kuwi ugu dambeeyey.waxaana ka howlgala Shaqaale u tababaran adeegyada Caafimaad ay qabato Isbitaalka. Munaasabad Shahaado Sharaf lagu gudoonsinaayay Dhaqaatirti iyo kooxdi fulisay qaliinadi Caafimaadka,waxaana goobjoog ka ahaa Masuuliyin ka socotay Maamulka gobolka Bari oo ugu horeeyey Gudoomiyaha Sheikh C/xaafid Cali Yuusuf,Maamulka Isbitaalka iyo Marti sharaf kala duwan. Dr.AxmedSaadiq Maxamed Axmed oo ah Madaxa guud ee Isbitaalka Manhal ayaa ka hadlay munaasabadaas,wuxuuna ka sheekeyey qaabka loo aas aasay Isbitaalka iyo weliba adeegyada ay fuliso. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay masuuliyinta Puntland in ay gacan siiyaan Isbitaalka isla markaana ay ka qayb qaatan adeegyada ay fulinayso. Gudoomiyaha gobolka Bari Sheikh C/xaafid Cali Yuusuf oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhoweeyey furitaanka iyo weliba adeegyada uu Isbitaalka u fulinaayo dadweynaha.wuxuuna sheegay in maamulka ay garab istaaganyihin Isbitaalka mar weliba.Munaasabada ayaa gacan ka geystay isla markaana isku xirkiisa maamulaayay Al-Ustaad Axmed C/qaadir Warsame(Qodax).sidoo kale munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ganacsade Liibaan Yuusuf Axmed(Tropical). Waxaana mahadcelin gaar ah loo soo jeediyey Madaxa Hay’adda Manhal C/waaxid Xaashi Xassan iyo Madaxa Caafimaadka Manhal Dr.Maxamuud Shiino iyo Ku xigeenka Manhal Maxamed Xassan Ciise. Dhaqaatiirta qaliimad kala duwan fulinaysay ayaa iyagu lagu kala magacaaba; Dr.Maxamed Salaad Maxamuud Dr.AxmedSaadiq Maxamed Axmed(Hospital General Director) Dr.C/laahi Cumar Asad Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka oo kala ah: Mukhtaar Xuseen Maxamed Maxamuud C/laahi Khuurshe Cumar Cali Cadow Faduma iyo Xamdi Waxaana xusid mudan in 2-da Bisha April ee soo socota lagu wada in Isbitaalka laga bilaabo adeegyo Caafimaad oo isugu jira qaliinka indho fiqista,daawooyinka indhaha iyo muraayadaha araga indhaha. Dadweynaha ayaa iyagu soo dhoweeyey adeegyada uu fuliyey Isbitaalka,iyadoo adeegyada socday mudada Saddexda asbuuc uu kusoo dhamaaday si guul ah. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 27, 2010 Waa arrin wanaagsan oo waxtar weyn u leh bulshada. Isbitaalka iyo dadka ka shaqeeya muuqaalladooduna waa kuwo aad u bilicsan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 28, 2010 Masha Allah, Manhal org, need to be comended for their great work. Quote Share this post Link to post Share on other sites