Paragon Posted December 6, 2006 Wiil yar oo ku nafwaayay rasaas ay fureen ciidamada Dowladda Somalia Baydhabo 06, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa waxaa maanta soo galay biyo ka soo burqaday buundada Isha Baydhabo, iyadoo dadweyne u soo daawasho tagay daadadka ku soo burqaday xaafadaha ay rasaaseeyeen ciidamada dowladda, waxaana rasaastaasi ku geeriyooday hal ruux. Wiil 15 jir ah ayaa ku geeriyooday midkalena waa uu ku dhaawacmay, ka dib markii dadweyne u soo daawasho tagay biyaha ka socda buundada ay rasaas ku fureen ciidamada dowladda sida uu sheegay Taliyaha ciidamada qeybta booliska gobolka Baay Ibraahim Xaashi Gaabow. Arintaan ayaa waxa ay timid, ka dib markii ciidamada militariga ay ka shakiyeen dadweynaha halkaasi soo buuxiyay, arimo la xiriira in qaraxyo ismiidaamin ah ay dhacaan. Daadadkaan oo ku soo burqday xaafadaha qaar ee magaalada Baydhabo ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib markii roobab lixaad leh ay ka da'een deegaano ka tirsan gobolka Baay. Il biyeed oo dhex marta magaalada Baydhabo oo lagu magacaabo Isha Baydhabo ayaa saakay soo buux-dhaafisay, iyadoo buundooyinka ku yaal magaalada Baydhabo ay biyaha ka saro mareen. Fatahaado ay sameeyeen biyahaasi ayaa waxa ay saameeyeen xaafadaha qaar ee magaalada Baydhabo, iyadoo in ka badan 20 qoys oo daganaa xaafadaha H/wadaag, Busleey iyo Isha ayaa ka barakacay guryahooda. Max'ed Caddaawe Shabelle Media Network Baay E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites