Sign in to follow this  
Wiilo

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar: Argagixisada Soomaaliya joogto waa Hogaamiye kooxeedya

Recommended Posts

Wiilo   

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar: Argagixisada Soomaaliya joogto waa Hogaamiye kooxeedyada:

 

proabdis_small.jpg

 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah aqoon yahanada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa sheegay in argagaxisada Soomaaliya kusugan ay yihiin raga iyagu hoggaamiyayaasha ah ee muddada 15 sana ah shacabka ka hortaagan iney dowladnimo gaaraan.

 

 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo isagu kusugan dalka Mareykanka ayaa wareysi uu siiyey HornAfrik waxaa uu kaga hadley afkaartiisa ku aadan argagaxisada inta badan la hadal hayo ee la sheego iney joogto wadanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho oo dhowaan dagaalo arrimaahasi la xiriira ay ka dhaceen.

 

 

Waxaana uu professor-ku sheegay in laga soo bilaabo sanadii 1987-dii iyo wixii ka danbeeyaba ay argagaxisadu heysatey Soomaaliya, waxaana uu xusey in waxyaabaha iminka socda ee la leeyahay argagaxiso ayaanu soo qabaneynaa ay yihin falal aan habooneyn oo sii seeta dhereynaya nidaam la’aantii iyo is bar bar yaacii 15-kii sano ee lasoo dhaafey lagu guda jirey, isagoo tilmaamey in argagaxisada dhabta ah ay yihiin raga hoggaamiye kooxeed yada oo uu ku sheegay iney iyagu yihiin kuwa mudada dheer shacabka kala dagaalamayey iney gaaraan dowladnimo.

 

 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar waxaa uu qeexay in xubno katirsan dowlada Mareykanka uu kala hadley arrimaha ku lugta leh argagaxisada Soomaaliya, isagoo tilmaamey inuu u sheegay Mareykanku haddii uu doonayo in la qaato dimuqraadiyada wanaagsan uu ku dadaalo inaanu lumin kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ee masaakiinta, isla markaana codkooda la tixgaliyo.

 

 

Waxaana uu sidoo kale muujiyey inuu ku wargaliyey iney jiraan laba argagaxiso oo ay midood heer caalami ah tahay iyo mid kale oo xuduudaha wadamada dunida isaga talawda sida ururka Al-Qaacida oo uu tusaale usoo qaatey, isagoo argagaxisada labaadna ku tilmaamey kuwa shacabkooda had iyo goor dhibaateeya, waxaana uu tibaaxey in labadaasi argagaxiso ay is naas nuujiyaan.

 

 

Prof. Samatar ayaa waxa kale uu sheegay iney jiraan dowlado gobolka kuyaala oo iyagu qudhooda argagaxisa ah, kuwaasoo uu ku eedeeyey iney hub iyo saanadba siiyaan rag uu sheegay inuu u yaqaano argagaxiso oo ay dowladahaasi gobolka ku yaala gacan saar leeyihiin.

 

 

Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in inta uu isagu ka warqabo Soomaaliya la tuhunsan yahay inuu kusugan yahay ugu yaraan hal nin oo lala xiriirinayo inuu qaraxyo ka geystey meelo kala duwan oo kamid ah wadamada caalamka, gaar ahaan wadamda Geeska Afrika.

 

 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka hadlayey xiriirka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu qirey in Maryekanku aanu ictiraaf saneyn dowlada Soomaaliya, balse ay jirto in Mareykanku uu sheegay inuu soo dhoweynayo dowlada oo uu la shaqeynayo, waxaana uu tafaasiil ka bixiyey waxyaabaha bud dhiga u ah in dowladu ay sidii laga filayey u shaqeyn weyso.

 

 

Professor-ka oo ka jawaabayey su’aal la xiriirtey in maadaama meelo badan oo dalka kamid ah sida magaalada Muqdisho ay ka jirto amaan dari ay xiligani haboon tahay in ciidamo ajnabi ah wadanka yimaadaan ayaa wuxuu sheegay in haddii la isku raaco arrin kaasi ay tahay mid wanaagsan, waxaana uu sharaxaad ka bixiyey nooca ay noqonayaan ciidamada loo baahnaan karo, isagoo carabka ku dhuftey in ciidamadaasi ay ahaayeen kuwa loo cayimey waxa ay qabanayaan, isla markaana ilaaliya dowlada iyo baarlamaanka, markaa kadibna bilaaba sidii hubka looga dhigi lahaa magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Baydhabo.

 

 

Waana in intaasi kadib Qaramada Midoobey la weeydiisto in la dhiso ciidamo booliis ah oo ilaa 5,000 gaaraya, kuwaasoo hoggaamiye kooxeed yada iyo madaxweynaha dowlada federaalka ay ka madax banaanaadaan, dadka xukumayana ay yihiin dad gaara oo iyagu ehel u ah hawsha ciidan kaasi booliiska loogana danbeeyo, iyadoo uu xusey in shan taasi kun marka la tababarana ay noqonayaan kuwa badalaya ciidamda dowlada ilaalinaya ee ajnabiga ah.

 

 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa soo hadal qaadey sidoo kale qaabka shaqo ee Maxkamadaha Islaamiga ka jira ee magaalad Muqdisho, waxaana uu usoo direy fariin u sheegay iney iyaga gaar u tahay.

 

 

Cabdi Ismaacil Samatar ayaa ugu danbeyntii waxaa uu ka hadley arrinta ay isku hayaan maamulka Punt-Land iyo ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi ee ku wajahan qaabka heshiis yada loola galayo shirkadaha ajnabiga ah, taasoo uu xusey iney ku haboon tahay in lahor dhigo golaha wasiirada iyo baarlamaanka, si xal looga gaaro loona helo nidaam la isku waafaqsan yahay oo kala xadida labadda dhinac.

 

www.soomaalinews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this