Sign in to follow this  
Wiil Cusub

Mandheera: Wasiirka Daakhiliga oo Salaan Sharaf ku Qaatay Xabsigii uu ku Jiray 2 Sann

Recommended Posts

Jamhuuriya - Dr. Gabboose iyo xog-warankiisa xusuusta maalmaha Isbeddelay, qiraynka in aannu xilka ku aargoosan doonin

 

Mandheera (Jam)- Wasiirka Daakhiliga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa tan iyo intii xilka loo magacaabay markii ugu horreysay shalay booqday dugsiga tababarka ciidanka booliska ee Mandheera, halkaas oo uu laba sanno ka hor ku ahaa maxbuus siyaasadeed xukuman.

 

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey dufcaddii 25-aad ee ciidanka bilayska oo tababar looga furay dugsiga tababarka, waxa uu halkaasi salaan-sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka bilayska.

 

Haddaba, weriye ka tirsan Jamhuuriya oo ka qaybgalay xafladda xidhitaanka tababarka ciidanka bilayska, isla markaana si gaar ah isha ugu hayey shucuurta ka muuqatay Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa Dr. Gabboose xog-warran kooban kala yeeshay dareenkiisa ku wajahan xusuusta maalmihii uu maxbuuska ku ahaa xabsiga Mandheera iyo maamuuska uu maanta huwan yahay ee uu salaan-sharafta ciidanku ku sharfay.

 

Ugu horreyn, waxa weriyuhu waydiiyey Wasiir Gabboose sida uu dareenkiisu yahay markuu isbarbardhigo maalmihii uu xidhnaa ee boolisku gacmaha jiidayeen iyo shalay oo uu salaan-sharaf isla halkii ku qaatay, waxaannu ku jawaabay; “Horta qofka bini’aadamka ah noloshiisu waa khibrad iyo qadar, markaa in aan waqtigaasi soo maro way qornayd, wixii aannu u dagaalamaynayna waxay ahayd xorriyatul qawl, xoriyad in qofku wax doona karo, lana dooran karo, xoriyad in aannu dalkayaga gudihiisa si nabadgelyo ah wax ku doonan karno, tiina waxay dhalisay xadhig, markaa dareenka ay ugu reebtay wuxuu ahaa kii aan khudbadda ku akhriyayey in ficilkii iyo mabdi’ii maalintaasi yaallay uu noqdo mid dalka ka suula oo loo kala saaro dambiga mid dalka iyo dadka laga galay ee aannu qofku dambiile ku noqon fikirkiisa iyo dareenkiisa inuu ku dhiiban karo qoraal.

 

Markaa aniga iyo saaxiibaday way na korisay oo bisayl wayn ayey noo kordhisay oo ah dulqaad oo waxa laga yaabaa weriyaha wax naga sheega haddii aanan soo marin tan (xadhigoodii) waxa dhici kari lahayd in aannu cadhoon kari lahayn, laakiin hadda ma cadhoono, waayo ma doonayno in dambigii nalaga galay in aannu cid kale ka galno.”

 

Wasiir Gabboose oo ka sheekaynayey xusuustii maalintii la xukumay iyo waxa uu ka bartay, waxa uu yidhi, “Sawirka soo baxayaa waxa weeye kii hore ee la is takhaantukhinayey, qolkii maxkamadda madow nalagu xukumay halkaasuu ku yaalaa (inta uu gacanta ku tilmaamay), qaadigii la keenay isaguna mid madow buu ahaa oo aannu meesha kala kulnay, sharciguna mid madow buu ahaa oo meesha lagu wada qoray, wax wada madow baa la yidhi xuquuqdii waa laga qaaday. Markaa waxaan aad iyo aad ugu mahadinayaa shacabka reer Somaliland oo dullinimadii noocaas ahayd ka doortay inay maamul dhaqankiisu ka duwan yahay ay doortaan, waxaanan hubaa in Madaxweynaha maanta joogaa in aannu marna qaab-dhismeedkiisu dareen ahaan iyo qof ahaan lahayn dhaqan noocaas ah. Aniguna haddii aan lahaan iyo haddii kaleba waxa iga masaxay dariiqa dheer ee nolosha ee i bisleeyey ee aan u leeyahay dulqaadka, tixgelinta iyo sharciga ilaalintiisa. Dareenku faan maaha ee waa guul i dareensiinaysa inaan hore u socono oo ummadu garato in aan qori la qaadan, waayo maalintaas dadweynuhu way cadhoon karayeen oo dhiig baa daadan karayey, laakiin way samreen oo cod bay ku beddeleen inay abaalmarin noo siiyaan, Madaxweynaha maanta joogana si gaar ah ayaanu ugu mahadnaqaynaa, waayo qof ahaan wuxuu leeyahay inuu ficilkii shalay ee tukhaantukhada ahaa ku beddelo salaan.”

 

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo la waydiiyey, maadaama uu waqtigan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha in laga yaabo inuu cid ka mid ah masuuliyiintii xukuumaddii hore ee xidhay inuu kaga aargoosto, waxa uu ku jawaabay, “Wallaahi kolay bini’aadamku qof waliba in buu iska ogyahay intaan anigu iska ogahay in aanay dhici doonin, waayo waa kow Ilaahay baa ii hiiliyey oo kuwii dulmiga waday hoosta geeyey, kuwii la dulmayna sarreysiiyey, shacbiyaga ayaa noo hiiliyey oo iyagoon dhib, dhiig iyo mushkilad marin cod ku beddelay duligii, wanaagana doortay, sidaa awgeed waxaan ku gefayaa hiilka shacbigayga iyo hiilka Ilaahay haddii aan noqdo shakhsi daciif ah oo aarsada oo aan wax ilaawin oo ficillada tirsada, Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu noo koriya aniga, saaxiibkay Maxamed Xaashi iyo raggii kaleba naga koriyo oo aannu noqon dad dareenkaas Ilaahay ka koriyey oo madax wanaagsan oo dareen ka duwan qabta iyo qaab ka duwan uu na siiyey. Markaa lagama yaabo, maanta ayaad iga qoraysaan waa wax aan dhici karin.”

5429DSC08059.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this