Liibaan Posted September 12, 2009 BAAQ KU SOCDA SARAAKIISHA QAYBAHA KALA DUWAN EE CIIDANKA SOMALILAND Minnasota ( Sooyaalnews ) 12/09/09 :- Aniga oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadda S/land ee Minnesota kuna hadlaya magaca Gudida fulinta iyo ka Jaaliyadda labada , Waxaan ugu baaqayaa Dhamaan saraakiisha iyo ciidanka qaranka oo ay kow ka yihiin masuuliyiinta hoos ku qoran in aan loo adeegsan shacabka S/land , Ciidanku waa ciidan qaran waxaad ilaalisaan dalka iyo dadka , waa inaad fahantaan inaad tihiin ciidankii qaranka ee aydana ahayn Ciidan qof iyo mid qabiiltoona. Waxaan idiinku baaqayaa in aad dalka iyo dadka badbaadisaan lana wareegtaan waajibaadka aad xaqa u leedihiin kana samatabixiaan dalka duruufaha qalafsan ee soo wajahay iyo colaadaha siyaasadeed ee uu hogaaminayo Kelidii Taliye Dahir Riyaale iyo Wasiirkiisa arimaha guduhu. Baaqani wuxuu si toos ugu socdaa Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Taani, Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Mudane Dhabdhable , Taliyaha Ciidanka Jiida hore Mudane Dhancade iyo dhamaan saraakiisha ciidanka qaranka. Karaamada , sharafta , jiritaanka iyo badbaadadinta dimoqradiyada S/land waxaa waajibkeeda koobaad saaran yahay waa idinka , Sharaftiina iyo karaamadiinuna waxay ku jirtaa sida aad u gudataan masuuliyaadkiina idinaka oo aan cidna uga haybaysanayn shacabkiinuna wuxuu idinku ixtiraami doonaa kolba sida aad u gudataan waajibaadkiina qaran sidaa aawadeed waxaan mar labaad , sadexaad iyo afraadba diiinku baaqayaa inaad sida ugu dhakhso badan u gudataan waajibaadkiina ulana wareegtaan masuuliyada dalka iyo awooda qaranka isla markaana aad qabataan doorasho xor ah .. Mar labaad wuxuu baaqani si toos ah ugu socdaa dhamaan masuuliyiinta ciidanka qaranka oo ay hurmood ka yihiin masuuliyiintani:- Taliyaha Ciidanka Qaranka Mundane Nuux Taani Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Mudane Dhabdhable Hawl gelinta Ciidanka Qaranka Mudane Shiine ****** Hogaanka Madaafiicda Qaranka Mudane Yusuf Hogaanka Baaqyada Mudane Husein Osman Hogaanka Gaadiidka Ciidanka Mudane Abdi Abdilahi Hogaanka isgaadhsiinta Mudane Ahmed Karaaciin Hogaanka Tawaangida Mudan Cabdi Odowaa Taliyaha Qarbta 31 aad Mudane Indha Balac Abaanduulka 31aad Mudane Xasan Caqli Hawl gelinta 31aad Mudane Ismacil Dable Taliyaha Guutada 1aad Mudane Guled Gabaarey Taliyaha Guutada 2aad Mudane Ahmed Dahir Dudub Taliyaha Guutada 17aad Mudane M. Iman Geele Taliyaha Guutada 18aad Mudane Gahayr Taliyaha Guutada 24aad Mudane Ahmed Indhayare Taliyaha Guutada 26aad Mudane M.M Shulaac Taliyaha Guutada 99aad Mudane Nasir M. Omar Taliyaha Guutada 114aad M. M. Qalinle Taliyaha Qaybta 12aad Mudane AFQurux( Af-DH) Abaanduulka Qaybta 12aad Mudane Deeq Afcad Hawl gelinta Qaybta 12aad Mudane Sardheeye Taliyaha Guutada 8aad Mudane Mahad Abdi Egeh Taliyaha Guutada 9aad Mudane Ahmed Aar Taliyaha Koofiyad Casta Mudane Faysal Abdi Bootaan Taliyaha Tawaangida Mudane Ahmed Hurre Haariye Taliyaha Guutada Madaafiicda Mudane Ciise Liba Special Forces Taliyaha Koofiyad Casta Ahmed Ali Taliyaha Guutada Tawaangida Mudane Ali Jaakuli Taliyaha Guutada 12aad A. A. Qaasaali Taliyaha Guutada 6aad Mudane Xaashi Dheere Taliyaha Guutada keydka Mudane Cabdi Cali Taliyaha Guutada Gurmadka Mudane Abiib Baaqani wuxuu ku socdaa askari kasta , masuul kasta iyo nin kasta oo maanta dalka iyo dadka u haya masuuliyad Qaran hana ogaadaan in dalkii meel xun marayo iyo in aan loo adeegsan dadkooda oo aan dhiig faraha loo gelin aan masuuliyadiisa aakhiyo iyo aduun midna lala wadaagayn Saeed Suleiman Gudoomiyaha Jaaliyadda S/land Minnesota Saeed Suleiaman Minnesota Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted September 12, 2009 Is military rule next? Is Mr. Taani the new leader of the revolution Sheekadu ma kacaan kala Quote Share this post Link to post Share on other sites
djibsomali Posted September 12, 2009 see when i told you they are all hallucinating, i wasn't wrong. since 4 travellers who happened just to be a certain clan have been slaughtered with the blessing of then Taliyaha Ciidanka Qaranka Mundane Nuux Taani. The geezer gacan ku dhiglay (Nuux Taani) have lost his job! but then how will they know reality cause fantasy is name of the game in my neighbourd marfash Quote Share this post Link to post Share on other sites