Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Delegation Arrive in Djibouti

Recommended Posts

Djibouti,(Qarannews)-Wafti ka socda Somaliland ayaa soo gaadhay magaalda Djibouti ee dalka Djibouti, waftigaasi oo uu hogaaminaayay wasiirka arimaha dibada mudan C/laahi Maxamed Ducaale oo uu ku waheliyo wasiirka qorshaynta qaranka Mudane Cali Ibrahim, Sanyare ayaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee magaalada Djibouti, halkaasi oo ay waftiga ku qaabileen ama soo dhaweeyeen madax sar sare oo ka tisan xukumada Djibouti ayaa booqan doona sida lagu wado wadamada Itoobiya iyo Kiiniya, ka dib marka ay dhamaystaan socdaalkooda ay ku yimaadeen dalka Djibout.

 

Socdaalkani wasiirada reer Somaliland ay ku yimaadeen dalka Djibouti ayay si kala gaar gaar ahu u sharaxeen ama warbixiyeen , wasiiraada qorshaynta Cali Ibrahim Maxamed, Sanyare iyo Wasiirka arimaha dibada mudane C/laahi Maxamed Ducaale, taasi oo ay sheegeen in socdaalkoodu uu yahay mid lagu sii xoojinaayo iskaashiga labada dal u dhaxeeya sida dhanka nabadgalyada, dhaqaalaha iyo sidii loo abuuri lahaa loona xoojin lahaa wada shaqaynta joogtada ah ee labada dhan.

 

Sideedaba xidhiidhka labada dal ayaa soo hagaagaayay mudooynkii danbe iyada oo dhawaana ay Somaliland booqdeen wafti culus oo ka socda dalka Djibouti, waftigaasi oo uu hogaaminaayay wasiirka maaliyada ee dalka Jabuuti, hadaba socdaalkan hada ay wasiirada Somaliland shalay ku yimaadeen dalka Jabuuti ayaa ay wararku sheegayaan in uu la xidiidho sii xoojinta wada shaqaynta labada dal, iyo asaasida ama hawlgalinta waxyaabahii ay dhawaan ku heshiiyeen waftigii uu hogaaminaayay wasiirka maaliyada ee Jabuuti iyo xukumada Somaliland.

 

Sida ay doontaba ha ahaatee waxa ay waftigu u sii gudbi doonaan dalka Itoobiya oo xidhiidh wanaagsani uu ka dhaxeeyo Somaliland waxa sidoo kale waftigu ay u sii dhaafi doonaan dalka Kiiniya oo baryahii ina soo dhaafayba la dhacsanaa horumarka iyo xasiloonida iyo maamul wanaaga Somaliland iyada oo ay dhawaan dalkaasi booqdeen shir gudoonka wakiilaad Somaliland oo si diiran xagaasi loogu soo dhaweeyay looguna qaabilay.

 

Socdaalka waftigan reer Somaliland ee yimid dalka Jabuuti ayaa waxa uu ku soo beegmay xili ay qaraxyadii loo gaystay magaalada Hargaysa ay ku cadaadatay in ay ka danbeeyeen ururka Al-Shabaab, ururkaasi oo ayaamahii ina dhaafayna hanjabaado hawada u marinayay dalka Jabuuti

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this