Sign in to follow this  
General Duke

Djibouti: Dr Faroole's official visit and deep talks with leaders

Recommended Posts

Jabuuti: Madaxweynaha Puntland oo maanta la kulmaya madaxda Jabuuti

19. marts 2009

 

Jabuuti (AllPuntland)- Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo maalintii shalay gaaray dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa inuu maanta kulamo la qaato madaxda dalka Jabuuti.

 

Warar wafdiga madaxweynaha ka imaanaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland uu maanta la kulmi doono madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo waliba masuuliyiin kale oo ka tirsan dalkaasi Jabuuti.

 

Labada dhinaca ayaa ka wada hadlaya xiriirkooda iyo arimaha Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa safarka Jabuuti ka hor soo maray dalka Itoobiya oo uu ku joogay booqasho soo qaadatay dhowr maalmood.

 

Muuse Cali

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faroole oo ka dagey Jabuti

18 Mar 18, 2009 - 4:25:06 PM

 

Madaxweynaha DGPL Dr.Cabdiraxman Farole iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta duhurkii ka dagey wadanka Jabuti halkaas oo uu ka jawaabayey casumaad uga timid Madaxweyne Ismaacil Cumar Geele.

 

Madaxweynaha Puntland oo kasoo duuley magaalada Addis Ababa halkaasoo uu booqasho qadatey 9 cisho ku joogey wadanka Ethiopia ayaa waxaa ku soo dhoweyey Jabuti Wasiiro ka tirsan Xukuumada Ismaaciil Cumar Geele.

 

Mr. Farole ayaa intii uu ku sugnaa wadanka Ethiopia kulamo kula yeeshay madaxda dalka Ethiopia sida Raísal wasaare Meles Zenawi iyo Wasiirkiisa arrimaha dibada Sayoum Mesfin.

 

Waftiga Madaxweynaha Puntland hogaaminayo ayaa kulamo la yeelan doona madaxda dalka Jabuti oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele maalmaha soo socda.

 

Magaalada Jabuti ayaa waxaa sidoo kale ka dhici doona kulan ay isugu imaan donaan ganacsatada Somalia kaasoo ay soo qaban qaabisay QM.

 

Puntland ayaa ah mid aan ka go'in Somalia balse shacabkiisu tageersan yahay nimaadka Federaalka.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this