Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay Rasaas ay ciidamo ka tirsan maxkamadaha ku fureen da

Recommended Posts

Dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay Rasaas ay ciidamo ka tirsan maxkamadaha ku fureen dad ciyaarta (Wilisaqada) ku tumanayay degmada Jowle ee gobolka Mudug

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Xaradheere ee gobolka Mudug ayaa waxa ay

sheegayaan in illaa 4 ruux ay dhaawacmeen 1 kalena uu geeriyooday kadib markii

ciidamo ka tirsan maxkamad islaami ah oo dhowaantan looga dhawaaqay degmadaasi Jowle ay Rasaas ku fureen kooxo isugu jiray rag iyo haween ku tumanayay halkaasi ciyaarta loo yaqaano Wilisaqada.

 

Arrintan ayaa timid kadib markii, dhalinyarada ku dhaqan degmadaasi Jowle ay isugu

soo baxeen goob uu ka dhacayay Aroos, ayna faraxada arooska darteed qabasadeen

ciyaartaasi Wilisaqada, waxaana Rasaasta ku furay ciidamo ka tirsan maxkamadaha oo

doonayay inay kala eryaan dhalinyaradaasi, iyadoo rasaastuna ay haleeshay Haweeney

uur laheyd iyo 4 ruux oo kale, waxaana haweeneyda ay u geeriyootay dhaawacii soo

gaaray.

 

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maxkamadaha islaamka ee ku sugan magaalada Muqdisho oo

ay la soo xiriireen waxgarad ka tirsan kuwa ku dhaqan degmada Jowle ayaa ka dalbaday

in la soo qabto Askarigii dilay haweeneyda uurka laheyd, waxaana la tilmaamay in

mas’uuliyiinta maxkamadaha islaamku ay u sheegeen odayaashaasi in aysan ka war heyn

maxkamad islaami ah oo ka dhisan degmada Jowle, isla markaana ciidamo u joogin

degmadaasi, taasoo ay aad ula yaabeen odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan degmada

Jowle ee gobolkaasi Mudug.

Garaad Salaad Xirsi

garaadcadde@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this