who-me Posted December 12, 2009 Wasiir katirsan Dowladda Federaalka KMG Somalia ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ka qoomameeyay Dagaalkii ay lagaleen Dowladii C/laahi Yuusuf. C/raxmaan Janaqoow Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Diinta Dowladda Federaalka KMG Somalia kana mid ahaa Xubnihii dowlada kasoo galay dhanka ARS-ta ayaa sheegay in ay ku qaldanaayeen dagaalkii ay lagaleen dowladii uu Hogaaminayay C/laahi Yuusuf. Janaqow oo Habeenadii ugu dambeeyay soo fariisanayay Idaacad ku hadasha Afka dowlada ee Muqdisho ku taal ayaa sheegay in waxa socda markii ay arkeen ay yaqiinsadeen in Dowladii C/laahi Yuusuf ay saxneed. “Al Shabaab in aan dilno Ajir ayaan ka helaynaa dowladuna way ku saxantahay in ay ladagaasho”ayuu yiri Janaqow. Wasiirka oo Fatwooyin diini ah ka jeedinayay Idaacadda Dowladda ayaa si kulul u weeraray Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo uu ku tilmaamay kuwo Sharwadayaal ah. “In qof walba uu Nolosho ku dilo Shabaab iyo Xisbul Islaam waa Waajib diini ah Nabiga ayaa nafaray in aan dilno kuwan ay isku dhaqanka yihiin khawaarijta”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Janaqow. Wasiirkan katirsan dowlada ayaa soo hadal qaaday Dagaalkii ay Islaamiyiinta Somalia lagaleen Dowladii uu Hogaaminayay C/laahi Yuusuf iyo Ciidankii Itoobiya. “Khalad ayay aheed in lala dagaalo Xukuumadii C/laahi Yuusuf in latoosiyo ayay aheed maxaa yeelay Cadawgan ayay hortaagneed” Janaqoow. Sheekh C/raxmaan Janaqoow wuxuu Ciidanka Dowlada ugu Fatwooday in ay yihiin Mujaahidiin hadii ay dhintaana ay gelayaan Janada. “Ciidanka Dowladda waa Shuhado hadii ay dagaalka ka dhanka ah qaswadayaasha ku dhintaan”. Laakin Janaqow ayaa la weydiiyay sharcinimada in Dowladu ay kaashato ciidan shisheeye oo aan Muslim lahayn wuxuuna sheegay in arrinkaasi yahay mid sharci ah. “kuwa dowlada ku ceebeeya gaalo ayay wadataa ka jooga ayaan leenahay, dowlada way u banaantahay in ay u yeerato ciddii qaranka bad baadinaysa”ayuu yiri Najaqoow. Waa markii ugu horaysay oo Wasiir dowlada katirsan sheego in ay ku qaldameen Dagaaladii ay lagaleen Dowladii uu Hogaaminayay C/laahi Yuusuf xili Shariif Sheekh Axmed iyo Maleeshiyaadkii Maxaakimta ay dagaal lageli jireen dowladii Hore. Jamaa Sheekh Maxmed RBC Radio Xafiiska magaalada Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
UZTAAD Posted December 12, 2009 it is a lesson learnt , "markaan tabar hayana talo ma hayn hadda oo aan talo hayana tabar ma hayo" weeye xaalkiisu Quote Share this post Link to post Share on other sites
who-me Posted December 12, 2009 Waa kow dheh.. Bal aanu ka war dhowrno sida xaal ku dambeeyo ileen weli hada waxaa lagu jira bilowgii xalaad cusube. Dharigu weli sifiican uma karin balse marku uu karo maxaa xigi doona hadalkan? I cant stop imagining Adeer cabdullahi sipping some coconut juice at a yemani beach while observing the horizon with a big smile on his face. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 12, 2009 And ????? Quote Share this post Link to post Share on other sites
UZTAAD Posted December 12, 2009 Originally posted by who-me: I cant stop imagining Adeer cabdullahi sipping some coconut juice at a yemani beach while observing the horizon with a big smile on his face. he is definitely following this developments with amazement of these jirjiroole Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mr. Somalia Posted December 12, 2009 Janaqow is a retard but he makes more sense than the rest those apes. Quote Share this post Link to post Share on other sites