General Duke Posted August 25, 2007 Madaxda Qaranka Oo Kulan La Qaatay 250-Ergo Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 25-Augosto-2007 Xaflad casuumaad oo si weyn loo soo agaasimay oo ey ku casuumeen madaxda sare ee dowladda 250-ergo oo ka qeybgalayay shirka dib u heshiisiinta ayaa waxaa ey ka dhacday safaaradii hore ee Shiinaha ee degmada Xamarweyne. Casuumaaddan oo ey hadalo ka jeediyeen madaxweynaha Somaliya iyo ra`iisal wasaaraha ayaa waxay isugu jirtay anaam iyo dardaaran ey kula dardaarmayeen madaxda ergooyinkan. "Shirkan dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed wuxuu noqonayaa mid looga hadlayo qaarkood aan filayo in laga wada hadlay yoolka Qaranka sidii loo tiigsan lahaa loona gaari lahaa tubta nabadda, Midnimo iyo heshiis Soomaali oo dhan isku raacsan tahay", ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf . Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ergooyinkan in ey daba qabtaan qaranimada Somalia ee sii dhaceysa eyna kasoo saaraan shirkan go`aano Somali wax u tara dibna ugu soo celiya dowladnimadoodii iyo isjeclaantii la aqoon jiray. Waxaa sidoo kale ka hadlay halkaa ra`iisal wasaaraha Somaliya mudane Cali Maxamed Geedi oo isna dardaaran iyo guubaabo la mid ah kuwii madaxweynaha usoo jeediyay ergooyinkan. "Waa hubaal inay idinka go’an tahay inaad shirka Qaran ee beelaha Soomaaliyeed ka miro dhalisaan, waana idinku taageersannahay haddaan nahay madaxda sarsare ee Dowladda Federaalka, wax walba waxay u baahan yihiin isku dayid, wax aan laga meel gaaraynna ma jirto, sida aad haddana uga gudbeen qaybtii hore ee shirka",ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geeddi. Ergooyinka qaarkood oo iyana ka hadlay casuumaadan ayaa sheegay in ey ka go`an tahay in kuligood sidii qaranimadii Somaliyeed dib loogu soo celin lahaa, waxeyna ku amaaneen madaxda qaranka sida ey ugu howlan yihiin sidii dalkan sharaftuu lahaa dib loogu soo celin lahaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted August 25, 2007 this thing still going on!! yo dukie, aint seen 4 a while homie. u disappeared... whaddaup.! did u get that apt in addis yet?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 25, 2007 Madaxweynaha jamhuuriyada oo taageeray natiijooyinka ilaa iminka laga gaaray kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran. Madaxweynaha Jamhuuriyada federalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa taageeray si weyna usoo dhaweeyay natiijooyinka ilaa iyo iminka laga gaaray kulan weynaha dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo galay wajigiisii labaad. Madaxweynha qaranka oo la hadlayay ka qeyb galayaasha oo uu shalay qado sharaf usameeyay ayaa sheegay in uu aad u amaanayo qaabka uu us oconayo shirku,isagoo intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay sida haatan ay u soo dhaweysay oo kale usoo dhaweyn doonto una dhaqangelin doonto go’aanada kama dambeynta ah ee shirka lagu gaaro. “Shirku waa mid beesha caalamka iyo Soomaalida inteeda badani ay taageersanyihiin kuwa maqana waxaan rajeynayaa in ay kusoo biiraan “ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo shegay in lasoo dhaweynayo cid kasta oo kulanka ka maqan kunasoo biirta haatan kaddib. “Xabad iyo qori caradii wax guul ah laguma gaarayo”ayuu mar kale yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda fedralka Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in shirkani uu yahay dhameystirka shir weynihii ka dhcay Kenya ee lagusoo dhameeyay khilaafaadkii xagga siyaasadda. Waxaa madaxweynaha Umada Soomaaliyeed C/llaahi Yuusuf uu amaan ballaaran ujeediyay madaxweyne Hore cali mahdi iyo guddigiisa shir guddoonka,oo u sheegay in habka ay wax u maamulayaan uu yahay mid lagu wada qanacsanyahay . “Aad ayaan ugu rajo weynahay in shirka qeybaha ka harsan lagu guuleysan doono”ayuu yiri madaxweynaha Soomaliya oo kuwa wali maqan ugu baaqay in ay nabada kusoo biiraan hadii ay wax tabanayaana ay soo bandhigtaan si looga qanciyo Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Mqudisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites