Saalax Posted October 25, 2010 Ciidama 300 gaaraya oo ka goostay Uruurka SSC sheegayna in aysan ka mid ahayn Uruurka (Widh Widh ) RBC: Ciidama gaaraya 300 oo asgari oo ka tirsanaa Uruurka SSC ayaa la sheegay in ay Uruurkaa iskaga baxeen sida uu Cadeeyay Yaasiin Xirse Faarax oo ahaa sargaal ciidamadaa ka tirsanaa oo waraysi siinayay warabaahinta Magalada Garowe . Sargaalkaa ka tirsanaa Saraakiisha Uruurka SSC ayaa sheegay in ciidamadaa tira ahaan gaaraya 300 oo asgari ay Uruurkaa maanta iskaga baxeen kidib markii ay ******** in Uruurkaa uu ahay mid kala dhantaalaya Puntland waa sida uu hadalka u dhigay. “ Aniga iyo ciidan gaaraya 300 ayaa ka baxay uruurka SSC, waxaana uga baxnay markii aan ogaanay xaqiida dhabta ah ee jirta, oo ah in Uruurkaa uusan ahayn mid in uu Gobaalo xureeya raba, balsa uu yaha hadafkiisa in Puntland uu kala dhantaalo” sidaa waxaa yiri Yaasiin Xirse Faarax. Yaasin ayaa sheegay in aay iminka asaga iyo ciidan uu hugaaminayo ay ku sugan yihiin deegaanka Balacade ee degmada Widh Widh hoos yimaada, waxuuna sheegay in degmadaa Widh Widh oo gacanta uu ku hayo Maamulka Soomaliland ay ka saari doonaan . Degmada Widh Widh ayaa muda dhoor maalmood laga joogo waxaa xoog ku qabsaday Maamulka Soomaliland Ciidama ka amar qaata waxuuna sargaalkaa arintaa ku eedeeyay in ay ka danbeeyay Uruurka SSC sida uu hadalka u yiri . Uruurka SSC ayaa muda sanad ku dhawaad ah dhisan waxaana ururkaa lagu dhisay Magaalada Narobi ee Dalka Kenya hasayeeshee dhoor jeer oo hore ayay dhacday in khilaaf nuucaan ah soo kala dhaxgalo beelaha ku midasan Uruurka . RBC NEWS Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 25, 2010 oo ma budhcad badeedki bay isku dhibeen 300 oo ciidan waba ciidankooodi oo dhan eh Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted October 25, 2010 Something like that... Quote Share this post Link to post Share on other sites