Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Protests in the pirate state against the TFG

Recommended Posts

Dibadbax looga soo horjeedey Xukuumada KMG oo ka dhacay Garoowe.

 

Garoowe : (Sh. M. Network) Dibadbax looga soo horjeeday Xukuumada Cusub ee Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamul goboleedka Puntland.

 

Dibadbaxaani oo ahaa mid looga soo horjeeday wasiirada Cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Max’ed ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garoowe, waxaana dibadbaxa soo qaban qaabiyay Maamulka Puntland ee gobolka Nugaal iyo kan Magaalada Garoowe.

 

Dadkii ka qeyb qaadanayay Banaanbax ayaa ku qeylinayay hadalo ka dhan ah xukuumada Ra’iisul wasaare Farmaajo iyagoo sheegay inay ka soo horjeedaan habka Wasiirada uu u magacaabay Ra’iisul wasaaraha iyagoo dhinaca kale soo dhaweeyay hadalkii Maamulka Puntland uu ku sheegay in uu ka fiirsanayo wadashaqeynta uu la leeyahay dowladda KMG Soomaaliya.

 

Qaar ka mid ah Banaanbaxayaashaasi oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in fikir ahaan ay raacsanyihiin maamul goboleedka Puntland, waxaana ay sheegeen in Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ay ku diidanyihiin habka Maamulka Puntland uu wax ugu qeybiyay Xukuumada Cusub.

 

Banaanbaxaani looga soo horjeedo Xukuumada Cusub ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa daba socda banaanbaxyo sidaan oo kale looga soo horjeeday Wasiirada Cusub kuwaasi oo maalintii shalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this