Xaaji Xunjuf Posted November 15, 2010 Dibadbax looga soo horjeedey Xukuumada KMG oo ka dhacay Garoowe. Garoowe : (Sh. M. Network) Dibadbax looga soo horjeeday Xukuumada Cusub ee Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamul goboleedka Puntland. Dibadbaxaani oo ahaa mid looga soo horjeeday wasiirada Cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Max’ed ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garoowe, waxaana dibadbaxa soo qaban qaabiyay Maamulka Puntland ee gobolka Nugaal iyo kan Magaalada Garoowe. Dadkii ka qeyb qaadanayay Banaanbax ayaa ku qeylinayay hadalo ka dhan ah xukuumada Ra’iisul wasaare Farmaajo iyagoo sheegay inay ka soo horjeedaan habka Wasiirada uu u magacaabay Ra’iisul wasaaraha iyagoo dhinaca kale soo dhaweeyay hadalkii Maamulka Puntland uu ku sheegay in uu ka fiirsanayo wadashaqeynta uu la leeyahay dowladda KMG Soomaaliya. Qaar ka mid ah Banaanbaxayaashaasi oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in fikir ahaan ay raacsanyihiin maamul goboleedka Puntland, waxaana ay sheegeen in Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ay ku diidanyihiin habka Maamulka Puntland uu wax ugu qeybiyay Xukuumada Cusub. Banaanbaxaani looga soo horjeedo Xukuumada Cusub ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa daba socda banaanbaxyo sidaan oo kale looga soo horjeeday Wasiirada Cusub kuwaasi oo maalintii shalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag. Quote Share this post Link to post Share on other sites