Sign in to follow this  
Che -Guevara

Cabdillahi Ducaale, oo mar kale la kulmay fadeexad diblomaasiyadeed

Recommended Posts

Washington DC USA, Somaliland.Org) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillahi Maxamed Ducaale, ayaa muddo laba todobaad ah u joogay magaalada Washington ee Caasimadda Maraykanka raajicinayayna sidii uu ula kulmi lahaa Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Maraykanka, Congress man Donald Payne. Haseyeeshee Wasiirka waxaa la ogaysiiyay inaan wakhti loo hayn lagu arko, arrintan oo fadeexad hor leh oo diblomaasiyadeed u soo jiiday Somaliland.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun doloola siyaasadda maamulka Maraykanka ayaa ****olka ka qaaday in saraakiisha la talisa Mudane Donalad Payne ay seddex jeer u sheegeen in aan wakhtio loo ahayn Mr. Cabdillahi Maxamed Ducaale iyo wakiilkiisaba.

 

Waxay arrintan diidmada ah ee Guddoomiye Donald Payne daba socotaa balan ka bixii hore ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland uu kaga baxay balantii uu hore ula qaatay congress ka Maraykanka. Wuxuu warku sheegay in Cabdillahi Maxamed Ducaale uu hore u ogaaladay inuu balantaasi shirka ahayd ee bishii hore uu ogalaaday inuu ka soo qaybgalo isagoo og dadka kale ee shirka lagu casuumay. Markii denbese uu ka noqday balanataasi. Arrimaha laga hadalayay shirkaasi waxaa u badnaayeen kawa la xidhiidha nabadgalyada iyo la dagaalanka budhcada badeedda iyo argagixisada.

 

Waxaa warkuu sheegay in wasiir Cabdillahi uu marti u yahay wakiilka dawlada Somaliland ee Maraykanka Dr. Sa’ad Sheekh Nuur. Wararka imanaya maamulka Somaliladna waxay sheegayaan in Madaxwayne Daahir Rayaale aanu raali ka ahayn sida bahdilaadda ah ee uu u dhaqmayo Cabdilaahi Maxamed Ducaale, oo iyadoon wali laga bogsan khasaarihii hore ee go’aamadiisiii kale duwanaan ee uu ka qaatay arrintii shirka Washington ay Somaliland u keentay, uu haddana maanta soo jiiday fadeexadan kale ooh or leh.

 

Dhacdadani waxay Somaliland u keentay fadeexad siyaasadeed oo xagga diblomaasiyadda ah, halka dhinaca kalena ay muujinayso kartida iyo qorshe xumada Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland.

 

Washington DC, USA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Oodweyne is in dormant state that was at least the last word I heard from someone I dispached for discovering the whereabouts of the Odayga

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che -Guevara:

Somaliland.Org is having fun with this.
Where's Oodweyne?

According to NGONGE, Oodwayne’s political stamina has lately been hindered by the rather surprising diplomatic clumsiness of people like Ducaale who are not heeding that which Oodwayne often repeats, albeit covert, in his daily political counsel. Had the Somaliland foreign mission suitably harvested the guru’s keen political insight, Faroole and his corpulent son would still be sleeping at that infamous Super 8 motel in Washington waiting for someone to bail them out.

 

It is not an easy process, but folks need to be patient. The Mujahid will be back.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's clearly very hard to nock Oodweyne off his sacred rite of Dee Somaliland waa dawlad gooniyya,even when political realities in the power centers that matter to his question say the opposite. He is a born orator to be sure but it's sad when an intelligent man like him misreads the big political picture of his own region. Anytime we tell him the truth of the matter, our friend Oodwenyne turns red with rage, his resolve on the absurdity of secession getting even firmer. Living in a world of denial is destructive. Oodweyne is beyond advocating for a just cause at this point, his is setting up an apparatus of death that would eventually destroy whatever system he prides with himself, in an ironic twist...

Share this post


Link to post
Share on other sites

I told you guys but u never listen ,,,, the real politics start here in a higher level this time weliba ...............

 

 

More to come ,,,,,,, (i'm not talking about somaliland.org issue) :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukumadii Riyaale oo Beenisay In Wasiirkoodii Uu Waji-gabax Kala Kulmay Maraykanka.

July 23rd, 2009 Comments Off

 

(Hargeisa, Somaliland.Org)- Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland ayaa beenisay warar sheegayay in Wasiirkii Arrimaha dibada Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, uu waji-gabax siyaasadeed kala kulmay socdaalka uu iminka ku joogo dalka Maraykna. Ka dib markii jariidadada Haatus daabacay maanta war ay ka soo xigatay shabakada Somaliland.Org.

 

Wasiirul dawlaha Arrimaha dibada Md. Siciid Maxamed Nuur, ayaa war-saxaafadeed uu maanta ka soo saaray warkaa lagu daabacay Haatuf waxa uu u qornaa sidatan:-

 

“Wasiirul dawlaha Arrimaha dibada Somaliland oo ku hadlaya afka wasaaradu waxa uu ku tilmaamay waxba kama jiraan war ku soo baxay wargeyska Haatuf, cadadkiisii 2099 ee maanta oo bishu tahay 23-kii bisha July 2009-ka, maalintuna tahay khamiis. Warkaasi oo tilmaamay in wasiirka Arrimaha dibadu kala kulmay waji gabax hawshii uu u tagay wadanka Maraykanka.

 

Markii aanu la xidhiidhnay Wasiirka waxa uu noo sheegay in shaqadiisii uu si habsami ah oo wax ku ool ah u socoto, dibna uu ka soo faafin doono markay u dhamaato inshaalaah. Haddaba, waxaanu u sheegaynaa Saxaafada madaxa banaan in wararka ay dadweynaha u gudbinaysaa uu noqdo mid xaqiiqada ku fadhiya, iskana ilaalinayaan inay meel kaga dhacaan sharciga saxaafada Somaliland.”

 

Shabkada Somaliland.Org ayaa iyadu maalintii Arbacada sii daysay war sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillahi Maxamed Ducaale, oo jooga iminka muddo laba todobaad ah magaalada Washington ee Caasimadda Maraykanka, raajicinayayna sidii uu ula kulmi lahaa Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Maraykanka, Congress man Donald Payne. Haseyeeshee Wasiirka waxaa la ogaysiiyay inaan wakhti loo hayn lagu arko, arrintan oo fadeexad hor leh oo diblomaasiyadeed u soo jiiday Somaliland.

 

Inkasta oo xukumadi isku dayday in ay beeniso warkan lagu daabacay Somaliland.Org iyo Haatuf News, hadana ilaa iminka ma ay bayaamin ujeedada socdaalka Wasiirka iyo sababta uu ilaa iminka u joogo halkaa, iyada oo aanu ilaa iminka la kulmin wax masuuliyiin ah oo ka socda dalka Maraykanka.

 

Somaliland.Org

Hargeisa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its just opposition versus the government I have to add that haatuf and Somaliland.org are very radical the passed few months towards the government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this