Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: TFG to create new currency for Somalia

Recommended Posts

DF oo lacago cusub sameynaysa

9 Apr 9, 2008 - 9:01:32 AM

 

Wasiirka ganacsiga Somalia Xuseen Ceelaabe Faahiye oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay Dowladda Somalia sameysanayso lacago cusub oo uu sheegay inay badalayso lacagta minka la isticmaalo.

 

Dr. Ceelaabe ayaa sheegay in DF ay ugu talogashay in ganacsiga Somalia inuu ahaado mid xor ah oo aysan gacanta ku hayn Dowladda, taasina ay keentay inay ganacsatadu intii ay tartami lahaayen ay goosten inay dadka cunno qabteyn ku soo rogaan.

 

"Waxan sameynaynaa lacago cusub oo ka tayo wanaagsan kana qiimo sarreya midda hadda jirta, dhawaan ayaana laga istcimaali doonaan dalka" ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Somalia oo shirkiisa jraa'id kaga hadlay sicir-bararka taagan.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in sicir-bararka taagan intiisa badan uu yahay mid ka taagan dunida, taasina ay sababtay kororka iibka shidaalka oo uu sheegay inuu ka gaaray caalamka lacag dhan 105-Dollar barmiilkiiba.

 

Lacagaha cusub ee ay sameynayso DF ayuu ku sheegay wasiirku inay noqon doonaan kuwo isugu jira 5-shillin, 10-shillin, 20-shillin, 50-shillin iyo 100-shilling, kuwaasoo uu sheegay inay noqon doonan sarif, isagoo tilmamay in DF ay muddo dheer ka fikiraysay sidii looga gudbi lahaa lacagta aan sarifka lahayn ee ku eg 1000-shilling kana bilabaanaysa.

 

Hadalka Wasiirka Ganacsiga ayaa wuxuu kusoo beegmay iyadoo sicir-bararka ka taagan dalka uu gaaray heerkii ugu sareeyay, ayna ka sameeyeen dadka Muqdisho isku soo baxyo ay kaga cabanayaan arrintaas, kuwaasoo boobay raashin iyo goobo ganacsi isla markaana dhaawacyo gaarsiiyay ganacsato howlahooda hakiyay mudaaharadyada awgood.

 

Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ayaa waxay iyaguna codsadeen dhawaan inuu Wasiirka Ganacsiga horyimaado Baarlamaanka si wax looga weydiiyo sicir-bararka ka taagan Somalia oo ay sheegeen inuu noqday mid aan xadkiiisii dhaafay.

 

Iibka cunnooyinka quutul-daruuriga ah, sarifka lacagaha qalaad iyo qiimaha shidaalka ayaa waxay ka gaareen Somalia heerkii ugu sarreeyay ee ay abid gaaraan, waxaana tan iyo wixii ka dambeeyay 1991-kii oo ay dhacday Dowladdii dhexe dhaqaalaha Somalia uu ahaa mid isbadbadalayay.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada Soomaalia Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Smaynayso Lacag Cusub

 

Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay shaaca ka qaaday in ay Dowladda Federaalka soo sameyn doonto lacag cusub oo Shilin Soomaali ah,

 

Wasiirka Ganacsiga,Warshadaha iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa wuxuu sheegay in ay Wasaaraddiisa Golaha Wasiirrada u gudbin doonto qorshaha soo sameynta lacagta cusub,

 

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ka hadlay sicir bararka ka taagan Soomaaliya wuxuu sheegay in sicir bararka jira uu xiriir la leeyahay Sicirka Suuqyada Caalamka oo sare u kacay iyo weliba midka wax soo saarka Dalka aad u yaraaday,

 

Hadalka Wasiirkan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay sii duugoobeyso lacagta Kunka Shilin Soomaaliga ah ee ka soo hartay Lacagtii Shilinka Soomaaliga, isla markaana ay haatan bilaabeen ganacsatada in ay diidaan in ay wax ku iibsadaan lacagta Kunka Shilin ee duugowday,

 

Hadalkaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili ay soo badanayaan cabashooyinka ay daweynuhu ka muujinayaa sicir baranka ka taagan Dalka iyadoona ay soo badanayeen dadka banaan baxa ka samaynaya Gobalada dalka soomaalia qaarkood oo kacabanayay sicir bararka lacagta,

 

Xafiiska Warqabadka allmudug.or ee Dalka Malaysia saciidnadaara@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this