Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Heavy fighting erupts with little or no gain for TFG.

Recommended Posts

Iska hor imaadyo ka soconaya qeybo ka mid ah waqooyiga Muqdisho & kooxaha mucaaradka oo saaka soo buuxiyay aagaga

 

(24-11-2009)Iska hor imaadyo xoogan ayaa goor dhow ka bilowday qeybo ka mid ah waqooyiga Muqdisho, xilli saaka aagagii dagaalka ee waqooyiga ay soo buuxiyeen kooxaha mucaaradka, kadib markii ay ka war heleen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo dowladda soomaaliya maalmahan waday.

 

Iska hor imaadyada ayaa ka soconaya xaafado ka tirsan degmooyinka Shibis iyo C/casiis oo labaduba ah goobaha ugu daran ee iska hor imaadyadu halakeeyeen bilihii la soo dhaafay, kadib markii ay furun dagaal u noqotay dhinacyada iska soo horjeeda.

 

Kooxaha mucaaradka ayaa la sheegay in ay weerar ku soo qaadeen ciidamada dowladda ee aaga difaac ku leh Hotelka Galobal nawaaxigiisa, taasoo dagaalka ka dhigtay mid dhowr jiho uu ka qarxo.

 

Sidoo kale dagaalka ayaa si xoogan uga socda agagaarka Stadium Koonis ee degmada C/casiis, waxaana dagaalka uu is heystaa ilaa wadada Liido aada.

 

Lama oga ilaa iyo hada qasaaraha ay geysanayaan dagaalka, hase ahaatee rasaasta wiiftada ayaa soo gaareysa degmooyinka Shangaani iyo Xamar weyne oo dadka qaar wadooyinka ay ka carareen.

 

Dhinaca kale waabarigii saaka ayaa mar kaliya waxay dadka reer Muqdisho hurdada kaga salaleen madaafiic xoogan oo la isku weydaarsanayay magaalada Muqdisho, waxaana kooxaha mucaaradka weeraro hoobiyeyaal ku qaadeen Kulyadii hore ee Jaalle siyaad oo saldhig u ah ciidamada Amisom, waxaana jiray jawaabo culus oo ay ka bixiyeen.

 

Ilaa iyo hada ma cada qasaaraha ay geysteen duqeymahaas iyo dagaal xalay isla aagaas, ka dhacay, waxaana magaalada Muqdisho 24-kii saac ee la soo dhaafay ay marti gelisay dagaalo iyo duqeymo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac u badan dad rayid ah.

 

Dalkanews.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Dagaalkii ugu horeeyey oo ay qaadaan ciidamadii DF loogu tababaray Jabuuti oo maanta dhacay iyo Guulo dagaal oo ay kala sheegteen dhinacyada ku dagaalamay Muqdisho.

24. november 2009

 

Muqdisho(AllPuntland)- Dawladda Faderaalka KMG ah ee Soomaaliya oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku jirtay iclaaminta dagaal xoog leh oo ay lagalayaan Kooxaha Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda ayaa saakadii hore bilowday weeraro ay ku qaadeen xarumaha ay Mucaaradku ku leeyihiin Waqooyiga iyo Koonfurta Muqdisho.

 

Saraakiisha dawladda KMG ah ayaa sheegay in ay dagaal galiyeen markii ugu horeysay ciidamo mudo gaaban tababar uga socday dalka Jabuuti, kuwaas oo dhawaan lasoo galiyey gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadaas ayay sheegtay dawladda KMG ah in ay maanta dagaalkii dhacay ka gaareen guulo la taaban karo, isla markaasna ay qabsadeen Aagag dagaal, inkastoo ay taasi beeniyeen mucaaradyada awooda leh ee ka soo horjeeda dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Afhayeenka Milateriga ee dawladda Soomaaliya Kaalmooy oo ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay qabsadeen aagag dagaal oo cusub, wuxuuna sheegay in ay sii wadayaan dagaalada uu ku sheegay kuwa Jihaad ah oo ay ku difaacayaan Shacabka Soomaaliyeed.

 

Mr, Kaalmooy wuxuu ku eedeeyey mucaaradka dawladda KMG ah in ay madaafiic toos ah ku garaaceen xeryo dad Shacab ah, wuxuuna tilmaamay in ay dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed, oo aan qeyb ku laheyn dagaaladii dhacayay.

 

Dhinaca kalena Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah dhinacyada ka soo horjeeda dawladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa beeniyey wararka dawladda KMG ah, waxa ayna sheegeen in ay qabsadeen deegaano kaal duwan, ayagoo sheegay in ay sameeyeen horumar dagaal oo ku aadan deegaanadaasi.

 

Afhayeen uhadlay Xisbul Islaam oo la yiraahdo Maxamed Cusmaan Caruus ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin in laga qabsaday deegaanadii ay dagaaladu ka bilowdeen saaka, isla markaasna ay rasaasta dagaalkaas gaartay deegaanada Koonfureed ee caasumada Soomaaliya.

 

Wararka dhinacyada ka madax banaan ayaa sheegaya in ay dawladda KMG ah ay saakadii hore mar durjiyeen ciidamada Ururka Xisbul Islaam, balse ay dib uga baxeen deegaanadii ay soo galeen ee ay ka bixiyeen ciidamada Xisbul Islaam, waxa ayna sheegayaan Wararku in hada deegaanadii horay loo kala joogay ay kala yihiin Fariisimaha dagaal ee dhinacyadan.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

11 ku dhintay dagaalkii Muqdisho

23 Nov 23, 2009 - 12:18:10 PM

 

Ugu yaraan 11-qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan kuwa DF iyo Xisbul Islam ayaa ku dhintay dagaalo shalay ilaa xalay ka socday Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku dhaawacmeen 18-qof, sida laga soo xigtay Isbitaalada Dayniile iyo Madiina.

 

Dagaalkan ayaa waxaa sheegtay inay ka dambeeyeen Ururka Xisbul Islam, iyadoo mas'uul u hadlay uu sheegay inay dileen askar badan oo kuwa DF ka tirsan, ayna gubeen gaadiid dagaal oo ay ciidamadaas wateen.

 

"Weerar aan ku qaadnay saldhiyo ay ku sugan yihiin AMISOM iyo DF ayuu dagaalku ka bilowday, kadib markii ay ciidamada Uganda dageen Isb. Digfeer, halkaasoo aan ka saarnay" ayuu yiri Afhayeenka guud ee Xisbul Islam Sh. Max'ed Cusmaan Caruus.

 

Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamo kuwa dowlada ah ay ka saareen aagag ay kaga jireen xaafada Taleex ee degmada Hodan, ayna iyagu gacanta ku hayaan, isagoo sheegay in taasi ay keentay in ciidankii AMISOM ay ka baxaan Isbitaalka Digfeer.

 

Dagaalka oo ku fiday jidka Maka Al-Mukaramah ayaa waxaa barbar socday madaafic xoogan oo ku dhacayay xaafado ay dad rayid ah dagan yihiin, kuwaasoo aan u dhaweyn halka uu dagaalku ka socday.

 

Afhayeen u hadlay DF ayaa isaguna sheegay in dagaalkaas ay iyagu guulo ka gaareen, ayna iska caabiyeen xoogagii Xisbul Islam ee weerarka soo qaaday, wuxuuna sheegay in dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmay ay mas'uul ka tahay Xisbul Islam.

 

Ciidamada AMISOM iyo gaadiidkood dagaalka ayaa intii uu socday dagaalka marqribnimadii shalay dib uga baxay Isbitaalka Digfeer oo ku dhow fagaaraha Tarabuunka, halkaasoo ay saldhig ka sameysteen ciidanka AMISOM galinkii hore.

 

Dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee Muqdisho ka dhaca mudo todobaadyo ah, iyadoo dhinacyada dagaalkamay ay khasaarooyin gaareen xalay, inkastoo ay ka gaabsadeen inay sheegaan.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this