Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu 4 day : 120 dead contradictory reports....

Recommended Posts

Warbixin ku saabsan dagaalkii ka socday Magaalada Muqdisho...

 

Dagaalkaan waxaa ku dhintay saddexdii maalmood ee uu socday dad gaaraya 120 qof...

 

Maalinii saddexaad ayuu galay dagaalkii u dhexeeyay isbahaysiga la magacabacay la dagaalanka Argagixisada iyo Maxkamadaha Islaamiga ah, waxaana dagaalkaan lagu waramay in uu yahay kii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca Muqdisho waaydaaan iyadoo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Haddii aan warbixin kooban idinka siino kii dhacay Maalintii Khamiista ahayd waxa uu xooggiisu ka dhacay Waxara-Cadde, Cali Tucaaye, Geed Timir iyo Baqalo waxaana dagaalkaas isna uu ahaa mid aad u xooganaa waxaana Maxkamadaha Islaamiga ah u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan bar koontarool oo ku taalay halkaasi oo tagta Dekedda Ceel Macaan.

 

Dagaalkaas ayaa waxaa soo galay dhowr Tikniko ah oo uu leeyahay Max’ed Dheere waxayna la sheegay in gacanta looga dhigay labo Gaari oo Tikniko ah, iyadoo Maleeshiyooyinkii kaga dhaawacmay dagaalkaasi loo qaaday Magaalada Jowhar, dagaalkaan waxaa kalloo ku lug lahaa wasiirka hub ka dhigista Bootaan Ciise Caalin, oo isagu xubin ka ah Isbahaysiga la dagalanka Argagixisada, waxaana la sheegay in hal gaari oo Tikniko ah looga qabsaday dagaalkaasi, balse waxay gubeen gaari ay lahaayeen Maxkamadaha Islaamiga ah.

 

Odoyaal ka tirsan beesha uu ka soo jeedo Wasiirka hub ka dhigista Bootaan Ciise ayaa iyagu heshiis xabad joojin ah la galay dhinaca Maxkamadda, taasin waxay suuragelisay in dagaalku ka is taago dhinaca Waxara-Cadde.

 

Dagalkaan shalay (Jimacdii) oo xoogiisu ka dhacay Deegaanka Galgalato, Kaawooyinka iyo Mowlacaha Shiikh Cali Cabdule ayaa waxaa la isku adeegsaday hub culculus waxaana si aad ah looga maqlayay hubkaasi Magaaalada Muqdisho oo dhan waxaana la sheegay in Maxkamadaha Islaamiga ah oo gacan siinaya Ganacsade Abuukar Cumar Caddaani ay u suuragashay in ay la wareegaan deegaanadii saddex bilood ka hor dagaalku ka dhacay. Dagaalkaan ayaa waxaa ku dhintay saddexdii maalmood ee uu socday dad gaaraya 120 qof, wadaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, iyadoo Isbitaalada Magaalada Muqdisho ay buux dhaafiyeen dad dhaawac oo laga keenay goobihii uu dagaalku ka dhacay.

 

Dagaalkaan ayaa waxaa ku dhaawacmay saraakiil ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada waxaana ka mid ah nin ay walaalo yihiin Bashiir Raage oo lagu magacaabo Cabdi Raage, waxaa kalloo ku dhaawacmay Ibraahim Jeebe, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay C/qaadir Beebe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garabka Cumar Caddaan Oo Sheegtay In Ay La Wareegen Degada Ceelmacaan Iyo Garabka Bashiir Raage Oo Beeninaya.

 

Posted to the MOL March 25, 2006, 8:43 am

 

 

Muqdisho:- Iyadoo mid kamidah garabyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho uu maanta shaaca ka qaaday in dagaalku u joogsaday ayaa haddana dhawaaqa hubka nocyadiisa kala duwan laga maqlayaa Muqdisho.

 

Afhayeen u hadlay dhanka Ganacsade Cumar Caddaan ayaa waqti sii horeeyay oo rasaastu ay u muuqatay mid yara joogsatay uu shaaca ka qaaday in ay la wareegeen gacan ku hayenta Degadaha dabiciga ah ee Ceelmacan, Cel Cadde iyo garoonka Cisaley.

 

Afhayenka lagu magacaabo Maxamud Caddaan ayaa ku nuux nuuxsaday in dharbaaxo xoogan ay ku dhufteen garabka kale.

 

Xuseen Gutaale oo isna ah afhayeenka dhanka kale ayaa isna carabka ku dhajiyay in aan laga itaal roonaan ayna dagaalka ku xoog badan yihiin iminkana dagaalku uu yara istaagay.

 

Mr Gutaale waxa uu sheegay in dagaalkaani ay ku jiraan maleshiyooyin daacad u ah wadaad dimeedka Soomaaliyed Xasan Dahir Aweys, Yusuf Indha Cadde gudoomiyaha gobalka Shabelada Hoose iyo Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ah taliyaha cidamada isbaheysiga dooxada jubba.

 

Iyadoo uu socdo dagaalkani ayaa waxaa dhanka kale bar bar socda bara kac aad u xoogan oo an Muqdisho soo marin sanadihii ugu dambeeyay.

 

Xiliga warkaani uu ka baxayo Shabakada Mudugonline waxaa la maqlayaa dhawaaqa rasaasta inkastoo aysan la mid ahayn dagaalkii shalay.

 

Cismaan Xasan Cali (fantastic)

Xafiiska Wararka Mudug Ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho oo sheegayana inay guulo ka soo hoyiyeen dagaalkii maanta iyo is bahaysiga kasoo horjeeda oo arintaasi diiddan

- Saturday, March 25, 2006 at 14:30

 

Muqdisho(AllPuntland)-Dagaalkii ka soconayay magaalada Muqdisho oo xaaladdiisu sii aadkaatay , walina ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Hotel Ramadaan ee magaalada Muqdisho Maxamuud Cumar Caddaan oo kamid garabka Maxaakiimta Islaamiga ah ee magaalada Muqdisho.

 

Maxamuud wuxuu shirkiisa jaraa'id ku sheegay inay dagaalkii ugu danbeeyay ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku awood roonaayeen oo ay gacanta kusoo dhigeen Dekedda Ceel Macaan , Ceel Cadde iyo Garoonka Cisaley.

 

Maxamuud wuxuu sheegay in kooxihii dagaalka uga soo hor jeeday ee la daagallanka argagixisada oo uu Maxamed Cumar Xabeeb kamid yahay inay dagaalka uga guulasyteen oo aan la garanayn meesha ay iminkada kusugan yihiin.

 

Dhinaca garabka la dagaallanka argagixisada oo uu u hadlay afhayeen ay dhawaan samaysteen oo lagu magacaabo Xuseen Guutaale ayaa sheegay in dagaalku uu wali soconayo , aysanna jirin khasaare loo gaystay.

 

Wuxuu sheegay Guutaale inay dagaalka sii wadi donaan inta ay magaalada Muqdisho ka saarayaan kooxda kasoo horjeedda ee maxaakiimta Muqdisho.

 

Illaa iyo hadda ma jirto cid dhex dhexaad ah oo xaqiijinaysa khasaaraha ka dhashay dagaalkii ugu danbeeyay ee maanta , cidda guulaysatay iyo waxyaabaha la kala qabsaday toonna.

 

Wararkii ugu danbeeyay ee AllPuntland kasoo gaaraya Muqdisho waxay sheegayaan in dagaalku uu si xooggan uga soconayo deegaannadii uu ka bilowday ayadoo hadba xabbadu ay dhinac u durkayso.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Maybe Suldaanka had a point earlier, you seem to like counting the dead in Xamar. And next time provide the source.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^That's not necessarily fair. Duke has a history of positing multiple news reports on any one subject. He has done it constantly, why should this, even though it's very suddening, cause suspicion?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abu Jamal, there are two sides to every story.. The news posted are from sites that might support one side or another, it would be unfair if I just posted what one said without the other..

 

Xaaladda Magaalada Muqdisho oo Degan

 

(Muqdisho}26.03-06

Xaalada magaalada muqdisho ayaa maanta degan kadib markii afar maalmood ay soconayeen dagaalo faraha lagaga gubtay oo u dhexeeyey milayshiyaadka taabacsan ganacsade abuukar cumar cadaan oo ay taageero la garab taagan yihiin qaar ka tirsan maxaakiimta islaamiga ee magaalada muqdisho iyo ganacsade bashiir raage oo ay taageero la garab taagan yihiin ururka la dagaalanka argagixisada....................

 

Dagaaladan ayaa waxay gaysteen khasaaro naf iyo maalba leh oo laga dareemayo deeganadii ay dagaaladu ka socdeen taasoo saaka laga dheehanayo in saaka dib loo furay iskuuladii iyo dugsi quraanadii iyo waxyaalihii adeega bulshada ayaa dib usoo noqday iyadoo aad ku arkayso baabuurta gaadiidka dadweynaha oo saaka shaqadoodii dib u bilaabay kadib markii mudodii afarta maalmood ee dagaaladu soconayeen ay wax shaqo ah qaban deeganada ay kamid yihiin gubadleey, waxara cade ,suuqa xoolaha iyo deegaanka kaaraan ilaa galgalato .

 

Sidoo kale ma jiraan wax waan waan iyo xabad joojin lagu heshiiyey oo ay kala saxiixdeen kooxaha dagaalamaya waloow ay kala itaal roonaadeen oo ay deeganada qaarkood ay gacanta ku dhigeen kooxaha abuukar cumnar cadaan iyo maxaakiimta islaamiga ah ,balse warar qaarkood ayaa waxay sheegayaan in laysu hub urursanayo oo aysan jirin wax soo gabagaboobay sida uu noo xaqiijiyey sarkaal u hadlay ururka la magac baxay la dagaalanka argagixisada oo magaciisa la yidhaahdo xuseen guutaale rooble.

 

Si kastaba ha ahaatee dagaaladan oo ahaa kuwo lagu riiqday ayaa waxaa degan goobihii ay ku dagaalamyeen dhinacyada is hayay

 

Yaasiin maxamed cali (faytin)

 

Yaasiin2006@hotmail.com

 

Magaalada muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this