Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: PM names national health emergency commitee

Recommended Posts

RW Cali Geedi oo maantey magacaabey Gudiga qaranka ee howlaha gurmadka deg dega iyo Caafimaadka

 

January 03- 2007 HornAfrik, Mogadishu

 

 

RW Cali Maxamed geedi ayaa magacaabey Gudiga qaranka ee howlaha gurmadka deg dega iyo Caafimaadka kasoo ka kooban ilaa iyo sideed xubnood

 

Gudigaasi oo uu magacaabey RW Cali Maxamed geedi ayaa yihiin isku xirka dhamaanba howlaha la xariira adeegyada caafimaad ee marxalada deg dega ah .

 

Xariirka hay'adaha Caalamiga ah ee arrimaha Caafimaadka ku shaqada leh iyo daryeelka bu kaanada iyo dhaawacyada ay waxyeelada ka soo gaartay dagaalada.

 

Gudigaasi oo uu gudoomiye u yahay wasiirka Caafimaadka ee dowlada Fadaraalka DR Cabdi Casiis sheik Yuusuf ayaa waxa ay ka koobanyihiin sideed xubnood Pro: Cismaan xaaji Maxamuud Dufle oo ah gudoomiye ku xigeenka gudiga qaranka ee howlaha Gurmad deg dega iyo Caafimaadka ayaa sheegay in howlha gudigu uu qabanayo ay yihiin Gurmad Caafimaad oo deg deg ah oo ay ugu muhiim sanyihiin xiligaani in dib loogu soo celiyo isbtitaalada dadka dhaawacyada ah ee ku dacdaraysan Guryaha islamarkaana la keeno isbitaalada Magalaada Muqdisho gaar ahaan isbitaal Kaydsanaay iyo Isbitaal Madiina .

 

Dr dufle ayaa waxaa kale uu sheegay in gudiga mas'uuliyiintiisa aysan ku koobnayn oo kaliyah Magaaladaan Muqdisho oo ay ka howl gali doonaan guud ahaan dalka Soomaaliya islamarkaana ay wax ka qaban doonaan cudurada faafa ee ka dhashay fatahaadii biyaha iyo howlaha kale ee Caafimaadka la xariira .

 

Gudigaasi oo maantey ku yeeshay fadhigiisii ugu horeeyey magaalada Muqdisho ayaa falan qeeyey sidii markaasi loo daryeeli lahaa dadka dhaawacyada ah ee ku taac daraysan guryaha ku yaala Magaalada muqdisho.islamarkaana laga bixiyey isbitaalada magaalada xaalad ka haysata xaga Amaan darada waxaana Dr dufle uu ugu baaqay shacabiga Soomaaliyeed ama dadka haaya dadkaasi dhaawacyada ah inay keenaan isbitaalada Magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in dadkaasi ay helayaan kalsooni xaga Amaanka ah iyadoo uu sheegay in horey cafis loogu fidiyey dadka dhaawacyada ah islamarkaana qof kastaa oo dhaawac ah uu xaq u leeayhay in uu helo Caafimaad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this