Jacaylbaro Posted October 3, 2010 Madaxweynaha Maamul-goboleedka la magac-baxay Ximan iyo Xeeb ee badhtamaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Macallin Aadan (Tiiceey) oo socdaal ku jooga Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa Bulshada Caalamka ugu baaqay inay tixgeliyaan jiritaanka iyo rabitaanka qaddiyadda madaxbannaannida shacka Somaliland. Madaxweyne Tiiceey oo shalay shir jaraa’id ku qabtay huteelka Maansoor, ayaa sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho martiqaad rasmiya oo uu ka helay xukuumadda Somaliland, isagoo shacabkana ku hambalyeeyey horumarka ay gaadheen iyo nabadgelyada. Ugu horayn waxa Maxweynaha Ximan iyo Xeeb uu faahfahin ka bixiyey ujeeddad Safarkiisa oo ay ku weheliyaan laba Wasiir oo maamulkiisa ka tirsan, goortii la aas-aasay maamulka uu Madaxweynaha ka yahay iyo sababihii dhaliyey dhismaha maamulkiisa. “Anigoo ku hadlaya magaca maamul-goboleedka Ximan iyo Xeeb oo ka tirsan Gobollada dhexe ee Soomaaliya, Baaxaddiisuna tahay 480 Km, dhinaca balacana ah 180 km, waxaan hambalyo u dirayaa shacabka iyo xukuumadda Somaliland, anigoo hambalyo iyo sallaan ay u soo direen walaalahooda Somaliland uga wada shacabka Ximan iyo Xeeb. Socdaalkaygu wuxu khuseeyaa sidii Xukuumadda Somaliland iyo maamulka Ximan iyo Xeeb xidhiidh dhinaca amniga iyo ganacsiga ahba u wada yeelan lahaayeen.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha maammulka la magac-baxay Ximan iyo Xeeb Md. Tiiceey, waxaanu intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Waxaan shacabka Somaliland ku bogaadinayaa doorashadii xorta ahayd iyo sidii ay u dhacday oo aan u arkayey inaanay ka dhicin meel kale o Afrikada xorta ah ka mid ah, islamarkaana aan lahayn qalalaase oo si wanaagsan u dhacday iyo dhinaca amniga ee ka jira Somaliland, waxaan leeyahay walaalahayaga Somaliland inay xejistaan nimcadaa ay haystaan. Bulshada caalamka waxaan ugu baaqayaa inay tixgeliyaan rabitaanka shacabka iyo xukuumadda Somaliland.” Hadalkaa uu jeediyey Madaxweynaha maamul-goboleedka Ximan iyo Xeeb Md. Maxamed Cabdillaahi Macallin Aadan (Tiiceey) markii uu dhammeeyey, ayaa Weriyayaashii Shirkiisa Jaraa’id ka qaybgalay waxay waydiiyeen su’aalo kala duwan. Su’aalahaas iyo Jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sedan:- Su’aal: Madaxweyne, miyey jiraan Masuulliyiin Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo kugu qaabbilay halkan, goormaase la aas-aasay maamulka aad hoggaamiso ee Ximan iyo Xeeb? Jawaab: Maamulka Ximan iyo Xeeb waxaa la aas-aasay 2008 bishii afraad, waxaana magaalo madax u ah Cadaado, waxaanay fikraddu ka timi rabitaanka shacabka, islamarkaana waxaa majaraha u hayey dad qurba-joog ah, si amni iyo kala danbeyn loo helo. Intii ka horraysey 2008-dii deegaankaasi wuxuu ahaa mid dhinaca amniga iyo kala danbayntiisu ay aad u xumayd oo aanay ka jirin waxyaabihii kaabaha u ahaa nolosha aas-aasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka. Muddadii aan xilka heyney ugu yaraan shan kun oo Arday ayaa hadda iskuula tagta, amniguna meel fiican ayuu marayaa oo noloshii ayaa dib u soo noqotay. Intii aan joogey Hargeysa Madax badan waan la kulmay, inkastoo aanan jecleyn inaan magacaabo, laakiin, madax badan oo Somaliland ah ayaan la kulmay. Su’aal: Madaxweyne, dadku waxay is-weydiinayaan xidhiidhka ka dhaxeyn kara Somaliland iyo maamul-goblolleedka Ximan iyo Xeeb ee ka jira Soomaaliya, markaa xidhiidhkaasi muxuu noqonayaa? Jawaab: Xidhiidhkaasi wuxuu noqon karaa wacyi badan, waxaannu wada degganahay hal Qaarad, weliba haddaan dib u soo noqdo hal dal oo Soomaalia laysku odhan jiray ayaannu wada deggannahey, waxaa imanaya xidhiidh badan oo dhinaca Ganacsga iyo Amniga ah, waayo? Waxa laga yaabaa amni-darrada ku timaadda maammullada kale inay u soo gudbi karto Somaliland. Halkan [somaliland] waxaan ku imi casuumad aan ka helay Somalilad, Safarkaygana waxaa igu weheliya laba Wasiir oo ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb. Su’aal: Maamulkiinnu, ma leeyahay Ciidan, Calan iyo Lacag u gaara, mise wuxuu hoos tegayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya, side baad-se u aragtaan Madax-bannaanida Somaliland? Jawaab: Maamul iyo dawlad way kala duwanyihiin, Somaliland waa dawlad, Ximan iyo Xeeb-na waa maamul-gobleed, markaa maamulku lacag khaasa ma yeelan karo, wuxuuse yeelan karaa Ciidan khaasa oo amniga ilaaliya. Arrinta jiritaanka Somaliland waxaan u arkaa muqaddas, sababtoo ah dimuqraadiyaddu waa wuxuu shacbku rabo, hadday shacbku dawladnimadooda rabaan cid u diidi kartaa ma jirto, 20-kii sanno ee la soo dhaafay shacabka Somaliland inay ka sii horumaraan halkay joogan mooyee waxba dib ugama dhicin, waxaan qabaa in caalamku indho gaara ku eego oo rabitaanka shacbku wuxuu yahay la tixgeliyo. Hargeisa star Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 3, 2010 Arrinta jiritaanka Somaliland waxaan u arkaa muqaddas, sababtoo ah dimuqraadiyaddu waa wuxuu shacbku rabo, hadday shacbku dawladnimadooda rabaan cid u diidi kartaa ma jirto, 20-kii sanno ee la soo dhaafay shacabka Somaliland inay ka sii horumaraan halkay joogan mooyee waxba dib ugama dhicin, waxaan qabaa in caalamku indho gaara ku eego oo rabitaanka shacbku wuxuu yahay la tixgeliyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted October 3, 2010 lol@JB... are you kidding me? Ximan iyo Xeeb? naga daa yaaqoo! Waxaan dhihi lahaa reerkaas "gobanimado yeey jabin, dalka yaan laka jarin"... (jawaabteyda) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 3, 2010 Wuu yaabay dee ,,, Inuu Nairobi joogo uun buu is mooday ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 3, 2010 Markuu mijin ku dhuftay laba habloodna hareeraha ka soo galeen uun buu bilaabay: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 3, 2010 Ximan iyo xeeb looooooooool iyaga na siminaar beynu u furnay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted October 3, 2010 More banana states are in the pipe Quote Share this post Link to post Share on other sites
sahal Posted October 3, 2010 Markuu mijin ku dhuftay laba habloodna hareeraha ka soo galeen uun buu bilaabay: that's why he said Xidhiidhkaasi wuxuu noqon karaa wacyi badan, waxaannu wada degganahay hal Qaarad .... war kanoo kale weli lama arag :confused: Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted October 3, 2010 waaw at last recognition has come. ooops, its only from Ximan & Xeeb. Weldone president Siilaanyo. At least you now have some achievment on your first 100 days. Next state to recognise will be Waadi & Waax state. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 3, 2010 ^^^Not as big as when Maryan Mursal recognised Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted October 3, 2010 Originally posted by MoonLight1: waaw at last recognition has come. ooops, its only from Ximan & Xeeb. Weldone president Siilaanyo. At least you now have some achievment on your first 100 days. Next state to recognise will be Waadi & Waax state. Well done. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 3, 2010 Ximan iyo xeeb galmudug the clan chief of banadir all of them respect and support somaliland add it all up and the koonfurians are getting the picture Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted October 3, 2010 Koonfurians kalama jecla runtii, kii baxaayo ha sii socdo, laakiin SL, AS yaysan nagu soo daayiin, waxaan maqley Hargeisa ayey ka soo dagaan foreign fighters-ka iyo caruurta maskaxda laga xaday kadibna Mogadishu ayey ku soo qulqulaan. Shaqo fiican ka qabta kuwaas, aqoonsina waa nagu ogtihiin (hadaad Godane hore u wadataana sida u dhaqsaha badan ayaad ku heleysiin aqoonsi). Ximan iyo Xeeb ku lahaa, waan ku qoslaa these strange names la isugu yeer yeeraayo nowadays in Somalia. Ximani iyo Xeebi miyaa id-ga...lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 3, 2010 Nina Newyorkcityey Abusubeyr sheikh godane wuxu idinka xoreynaya Amison iyo qoladan africanka eeh xammar ku so duulay maxaad ku diidantahay maanta amisomti shacabki xammar wey xasuuqeen run ahaanti kuwasi waxba idin ma so wadan hadaad tihin reer konfureed. Anagu argagxiso lama shaqeyno dhulkayaga na ma so maran awoow marka sida ula soco Nina newyorkcityyey. Ximan iyo xeeb iyo galmudug siminaar baanu u bilabayna Quote Share this post Link to post Share on other sites