Cowke Posted June 22, 2010 Daahir Rayaale: Xisbiga Kulmiye Waa Xagjir Aargoosi Doonaya Hargeysa (RBC) Madaxweynaha maamulka Somaaliland Daahir Rayaale Kaahin oo u sharaxan jagada madaxweynaha ee xisbiga UDUB ayaa maanta khudbad uu u jeediyey dadweyne taageerayaashiisa ah wuxuu eedeyn ugu jeediyey Xisbiga mucaaradka ee Kulmiye. Daahir Rayaale waxaa uu dadweynaha taageerayaashiisa uga jeediyey fagaaraha Kheyriyada ee Hargeysa khudbad ku aadan ololaha xisbigiisa oo maanta ay ugu dambeysay isagoo halkaasi a jeediyey waxyaabo uu ku amaanayo xisbigiisa. “Walaalayaal UDUB waa hooyadii dimuqraadiyada Somaliland waa tii horseeday nabada iyo horumarka ka jirta degaanka. Laakiin Kulmiye waxaa ka buux rag xagjiriin ah oo doonaya aargoosi”, ayuu yiri Rayaale. Daahir Rayaale wuxuu sheegay in haddii Kulmiye loo doorto jagada madaxweynaha ay bilaabi doonaan aargoosi uu sheegay inay kula kici doonaan raggii horey uga tirsanaa UDUB, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu intaa ku daray Daahir Rayaale in haddii uu ku guuleysto doorashada isagu uu horseedi doono horumar, wuxuuna taageerayaashii ka codsaday in isaga la doorto. “Intii ay UDUB talada heysay dalka wax nabadgelyo xumo ah miyaa ka dhacay?……. maya kama dhicin”, ayuu yiri isagoo ka hadlay mudada 8 sano ah ee uu madaxweynaha ahaa oo uu sheegay inuu nabada ku dadaalay. Daahir Rayaale wuxuu ballanqaaday inuu wax ka bedeli doono khaladaad badan oo uu lahaa maamulkiisa taasoo uu sheegay inuu fursad u heli doono isagoo ka faa’ideysanaya waayo aragnimada, taasoo loo fasirtay in waxyaabo badan hareer mareen intii uu kursiga ku fadhiyey. Hadalka Rayaale ayaa ahaa midkii ugu dambeeyey xisbigiisa ololaha doorashada oo haatan dhamaan soo gaaray, Waxaana maalinta berito iska leh xisbiga Kulmiye oo la filayo inay masuuliyiintooda hadalo u jeediyaan. RBC Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites