ANTARA Posted May 29, 2010 XAALKA MAANTA Waxaan u daynayaa ,qurub joogta Jibaysan ,ee ubadka, dumarka iyo dhalinyarada leh,ee caruurtoodii iskuulada wanaagsan iyo meelaha nabada joogaan ee qaxinya caruurta nabada uun haysatay ee aan wax kale haysan, aanay awood difaac iyo mid siyaasadeed toona u ahayn... Faallo :Garaad C/Qani G.Jaamac Iyo Col. Bashiir Baydan, Laba Marxuum oo la Tabey!! Marka shayga siyaasada la yidhaahdo oo macnaheedu yahay qaabka Hogaaminta,Qaran,Gobol,Degmo,beel iwm..Hadii marka ay hagaagsan tahay siyaasada Hogaamiyaha,ama masuulka sare,waxaa dhacaysa umadaas,ha ahaato qaran,Gobol,degmo ama Beel in ay gaadhayso horumar ama dhibaatooyin badan oo soo wajaha xilliga colaada,abaarta iyo wakhti kastoo adag ay si sahlan uga badbaado,hadii eebe lala kaashado. Waxaan filayaa ma jiro Hogaamiye 100% siyaasadiisu najax tahay ,marka laga reebo rusushii iyo anbiyadii ilaah soo diray ee iyaga uu hagayey waxyiga samaawiga ah. Waxaa ku xigta cidii wax hogaamisay ee raacday dariiqooda,sida khulafadii ama qof kasta oo raaca wadadii rususha,laakiin hogaamiyayaasha ka soo hadhaa hogaamintoodu ma noqon karto 100%,oo mar walba waxbaa dhiman, laakiin mid bay noqon kartaa 60% ,mid bay noqon kartaa 50%,..ilaa bashiir .......0%. Umaada hogaankeedu ku dhaco wax ka yar 50% ,waxay u dhowdahay in ay baabado ama ay ku dhacdo dhibaato fara badan, ha ahaato,qaran,gobol,degmo ,ama beelba. Hogaamiyuhu waa in leeyahay karti, xili walabana uu garan karaa ,xili walaba habka ku haboon ee loo xalin karo dhibka markaa jira. Xiliyada ugu daran ee uu soo baxaana hogaamiyahaasu waxa uu yahay,waa xiliga colaada ,abaarta,khilaaf baahsan oo ku yimaada bulshada uu markaa Hogaamiyo ama isaga laga horyimaado tabashaba ha jirtee. Hadaba waxaynu qormadan ku eegaynaa laba hogaamiye oo ka mid ahaa dadka ku dhaqan Gobalda hada loo bixiyey SSC, siyaasadii ay ku dhaqmi jireen xili duruufo colaado abaaro iyo dhibaatooyinba ay soo wajaheen dhamaan somaaliya oo ay ku jirto mandaqada ay u dhasheen. 1.Garaad C/qani wuxuu ahaa oo lagu sifayn karaa Garaadkii Nabada xilliga colaada iyo xilliga Nabadaba wuxuuna jeclaa wax kasta uu tabanayo ama bedel u baahan in wado siyaasadeed loo maro. wuxuu jeclaa dadkiisa in ay nabad ku wada noolaadaan ,dadka ay deriska la yihiina nabad ku noolaadaan ,wixii xuquuq la kala tabanayana wada hadal iyo wada wanaagsan loo maro ,wixii uu arko in ayna sharaf u ahayn isaga iyo dadka uu matalana wuxuu nin aan qaadan. Waxaan xusi karnaa nabadii danood ee hirgashay ee uu hogaanka ka ahaa taas oo ay mudo badan is laynayeen beelaha waqooyiga wada dega oo qaar SNM ahaayeen qaarna ka soo horjeedeen oo ay taageersanaayeen dawldii markaa jirtey. Waxaan soo qaadi karnaa markii dawladii dhaxe burburtay ,isagoo lasanod jooga hawshii uu halkaa ka qabtay ee ahayd isagoo duulaan uu ku soo wajahan yahay lasanod in uu isagu la hadlay oo iyidhi lasanod aniga ayaa gacanta ku haya ,aan kawada hadalo wixii inoo dana labadeenaba. Waxaa dhacday garaadku inuu tegay burco,ka dibna hargaysa,maamulkii halka lagu soo dhidsay markuu arkay in dadka uu matelo aanay cuntamin ,wuxuu xilligaa si cad ugu sheegay c/raxaan maxamud cali(TUUR) in aan qaadanayn qaybtaa beeshiisa u cuntamin. Waxaa lagu xusuustaa qaybtii uu ku lahaa Ethoipia inuu la hadlo tuso usheego degaanka SSC wixii dhiba ee ay ka tirsanayso inuu masuul ka yahay kala soo xidhiidho,waxaanan xusi karnaa shirirkii uu wardheer kula qaatay taas oo ujeedadu ahayd in aan Ethopia oo dawlada iyo shacabka SSC isku dhicin. Waxaan xusi karnaa qaybtii siyaasdeed ee uu ku lahaa dhisada maamulka p/land,isagoo taa macnaheedu ahaa haday is fahmi waayeen Somaliland in uu helo maamul la mid ah oo uu kaga maarmo. Waxaan xusi karnaa xiligii ay is fahmi waayeen maamulka p/land ,in aanu dhibaato samayn laakiin uu doonayey in la helo dawlad somaaliyeed oo uu maamulada kaga maarmo,markastana hadafkiisa wuxuu umarayey waji siyaasadeed caqli ku salaysan. Garaad C/QANI ilaah janadii ha ka waraabiyo waxaan ku sifayn karaa inuu ahaa,Garaadkii Nabada ...Garaadkii aqoonta...........ala janadii firdowsa ha ka waraabiyo. 2-Col.Bashiir Jaamac (Beydan) ,wuxuu ahaa sariikiishii dawladii dhaxe ee somaliya ,markii ay burburtay dawladii ,dhamaan hubkii uu gacanta ku hayey iyo ciidankiisii oo ka koobnaa somali oo dhan wuxuu keenay magaalada buuhoodle,taas oo degaanka u noqotay awood dheeriya oo lagaga gabado cidii dhibaato la maagan. Bashiir al ha unaxariisto ma ahayn askari keliya wuxuu ahaa nin ku fiican hogaaminta dadka uu dhex joogo ,wuxuu aad yaqaanay dabaysha siyaasadeed meesha ay socoto iyo meesha ay ka imnayso,isagoo aminsanaa in gacan qoriga lagu hayso ,gacana siyaasada lagu maamulo,wuxuuna mar walba isku dayi jirey in aanay wax gacan ka hadal ah dhex marin derisyada sida s/land ..EThopia hadii aanay kalifin,sabab taas oo u diidanaa in aan culays ka xoog weyni soo fuulin dadka shacabka ah ee degaanka. taasna waxay ahayd awoodiisa ciidan iyo kartidiisa siyaasadeed mid ay ku qiimeyaan ,ETHOPIA ,SLAND IYO P/LAND. inta badana ETHOPIA wuxuu tusayey in uu isagu masuul ka yahay Buuhoodle iyo degaanka ku xeeran markasta oo ay wax tabtaana ay la soo xidhiidhaan ,ciidana aanay keenin,taas oo ula jeeday in uu dadkiisa iyo kala badabaadiyo ciidan dawladeed oo ka xoog weyn. waxaan filayaa maanta in ay dhacday wixii bashiir hortaagnaa ,dhimasho ,barakac . Col. Bashiir jamac (baydan) waxaan ku sifayn karaa inuu ahaaa , Geesi xilliga dagaalka ,Nabadoon xili walba ,Siyaasi Xilliga siyaasada. Ilaahay janadii firdowsa ha ka waraabiyo, 3. XAALKA MAANTA Waxaan u daynayaa ,qurub joogta Jibaysan ,ee ubadan dumarka iyo dhalinyarada,ee caruurtoodii iskuulada wanaagsan iyo meelaha nabada joogaan ee qaxinya caruurta nabada uun haysatay ee aan wax kale haysan, aanay awood difaac iyo mid siyaasadeed toona u ahayn... 4.Talo ku socota wax Garadka Buuhoodle Arinta dhibka yaala ilaahay ha fududeeyo,ha idinka kor qaado,intaa ka dib maanta waxaad u baahantihiin,taladii QORWAA.IYO TALADII SII ARAG CABDULLE !! Mataan Cumar (Budhyar) SANJOS,USA. Afnugaal Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 29, 2010 Nin dhintay kabihisa dhama bay somalidu tirahda Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 30, 2010 qurub joogta Jibaysan ,ee ubadka, dumarka iyo dhalinyarada leh,ee caruurtoodii iskuulada wanaagsan iyo meelaha nabada joogaan ee qaxinya caruurta nabada uun haysatay ee aan wax kale haysan, aanay awood difaac iyo mid siyaasadeed toona u ahayn Indeed ............... Quote Share this post Link to post Share on other sites