Sign in to follow this  
Fiqikhayre

PDF releases communique on recommendations regarding latest security challenges faced

Recommended Posts

Press Release by PDF on the solutions of the latest security challenges and attacks faced by the State by its enemies

 

pdf2ndAGM.jpg

 

War saxaafadeed: Talo Bixin Dhacdooyinka Nabadgelyo Darro ee Ka soo Cusboonaaday Puntland

 

Tixraac: PDF/MDC/011109 Taariikh: Nofeember 03, 2009

 

http://www.puntlanddiaspora.org publicrelations@puntlanddiaspora.org

 

1.

 

Arar

 

Waxaa usbuucyadii la soo dhaafay ku soo kordhay Puntland falal ka soo horjeeda nabadgelyada iyo xasiloonida dawladda Puntland ee Soomaaliya. Waxaa falakaas ka mid ah uguna darnaa dhacdadii foosha xumayd ee bishii Oktoobar 29‐keedii si bareer ah loo laayey dad ku howlanaa qurxinta iyo soo celinta bilicda magaalada Gaalkacyo. Waxaa falkaas ka danbeeyey dad maangaab ah oo aan ku baraarugsanayn qiimaha nabadda iyo derisnimo wanaaga, waxaana si macna daro ah dhacdadaas ugu geeriyooday inta la og yahay 14 qof, halka ay dhaawacyo soo gaadheen ku dhawaad 70 meeyo qof oo rayad ah.

 

Waxaa kale oo bam lala beegsaday saldhig Boolis oo ku yaal magaalda Boosaaso bisha Nofeembar 1deedii. Waxaa inta la ogyahay ku dhaawacmay falkaas askar gudanaysay waajibkoodii iyo xilkii ay u hayeen shacabka magaalda boosaaso iyo dadweynaha Puntland. Falkaas isagaa waxaa ka danbeeyey dad qaswadayaal ah oo ka soo horjeeda nabadgelyada Puntland.

 

Waxaa iyana daandaansi ka dhan nabadgelyada Puntland lagu soo qaaday gobolada Sanaag iyo Cayn ee dawladda Puntland. Waxaa ficiladaas ka danbeeyey dad wax ma garato ah oo ka soo horjeeda horumarka iyo midnimada Puntland.

 

Waxaa ficiladan isdabajooga ah ee ka dhacaya Puntland ugu danbeeyey afduub lasku dayey in bisha Nofeembar 2deeda lagu sameeyo diyaarad rakaab ah oo ka kacday garoonka diyaaradaha ee magaalda Boosaaso.

 

Waxaa kale oo si ka baxsan bini'aadanimada loo caburiyey oo handadaad iyo talaabooyin ka baxsan shuruucda caalamiga ah lagula dhaqmay dadweynaha degan magaalada Laascaanood ee ay sharcidarrada ku joogaan maamulka gooni isutaaga ah ee waqooyi galbeed ee Soomaaliya.

 

2.

 

Caddayn

 

Waxaa Gollaha Qurbajoogta Puntland isagoo ku hadlaya magaca dhamaan qurbajoogta reer Putland ka xunyahay weeraraai gardarada ah ee isdabajooga ah ee lagu soo qaaday shacabka nabada jecel ee Puntland, kuwaas oo lagu doonayay in khalkhal lagu geliyo xasiloonida iyo kala danbaynta Puntland.

 

Kusoo xadgudubkii Sanaag, weerarkii Gaakacayo, Jajuubka iyo caburinta Sool, bamkii iyo afduubkii Boosaaso dhamaan dhacdooyinkaasi waxay tusaale u yihiin sida cadowga jiritaanka Puntland uu uga xunyahay horumarka , xasiloonida, kala danbaynta iyo maamulka yaala Puntland, iyadoo aysan cidina caad ka saarnayn sida uu cadowgaas isbiirsaday gudo iyo dibadba ugu heelan yahay dhaawicista iyo fashilinta horumarka shacabka iyo maamulka Puntland.

 

Hadaba waxaa Gollaha Qurbajoogta Puntland uu caalamka nabada jecel u cadaynayaa in Puntland laga gardaran yahay, sidaa awgeedna ay xaq u leedahay iska difaaca kuwa caadada ka dhigtay qaska iyo qalalaasaha.

 

3.

 

Dhalleecayn

 

Waxaan marka hore dhalleecaynaynaa falalka waxashnimada ah ee ay ku dhaqaaqeen dablayda hubaysan ee weerarka ku soo qaaday hawlaha nadaafadeed oo ujeedadoodu ahayd sare u qaadida bilicda, iyo banaynta wadooyinka magaalada Galkacyo ee uu horseedka ka ahaa Duqa magaalada Galkacyo.

 

Waxaan dhaleecaynaynaa gardarada iyo duulaanka lagu soo qaaday gobolada Sanaag iyo Cayn ee Dawladda Puntland ee Soomaaliya.

 

Waxaan kaloo si adag u dhalecaynaynaa falalka xun ee lagu caburinayo dad si nabadgelya ah ku joogay magaaladadoodii iyo dhulkii ay u dhasheen.

Waxaan sidaa si la mid ah u dhaleecaynaynaa weerarkii bamka iyo isku dayga afduubkii ka dhacay magaalada Boosaaso.

 

4.

 

Baaq

 

Waxaa Gollaha Qurbajoogta Puntland ku amaanayaan maamulka iyo shacabka Puntlandba sida geesinimada iyo isku duubnida leh ee ay u wada wajaheen iska caabinta qaswadayaasha camalka ka dhigtay dhibka iyo fowdada.

 

Waxaan ugu baaqaynaa dawlada Puntland, maamulka gobolka Mudug, Golaha Deegaanka & Duqa magaalada Galkacyo, Issimada, indheergaradku in ay u hiiliyaan tallaabo kasta oo lagu adkaynayo amniga iyo degenaanshaha magaalada Gaalkacyo gaar ahaan iyo Puntland guud ahaan.

 

Waxaan taageeraynaa hawlkarnimada iyo dadaalada hawleed ee uu muujiyey Duqa cusub ee magaalada Gaalkacyo, uguna baaqaynaa shacabka, maamulka gobolka iyo kan dawlada Puntland in ay taageero buuxda ku siiyaan Duqa fulinta iyo gudashada waajibaadkiisa.

 

Waxaan ku bogaadinaynaa dadweynaha iyo maamulka gobolada Sanaag iyo Cayn oo geesinimo ah u difaacay kana hortagay falalkii nabadgelyo xumo ee lala soo beegsaday goboladooda.

 

Waxaan ugu baaqaynaa dawladda Puntland in ay gacan bir ah ku qabato nabadgelyada iyo xasiloonida Puntland. Waxaana ku ammaanaynaa tallaabooyinka ay ilaa hadda dawladdu dhankaas u qaaday.

Waxaan tacsi u diraynaa intii ku dhimatay ama ku dhaawacantay falal dambiyeedyada ka dhacay Galkacyo, Boosaaso, Buuhoodle, iyo degmooyin ka mid ah gobolka Sanaag.

 

Waxaan ugu baaqaynaa qurbajoogta Puntland, in ay ka qaataan kaalinta kaga aadan, ayna gargaar u fidiyaan dadka rayadka ah ee dhimashada iyo dhaawacu ka soo gaaray falalka axmaqnimada ah ee ka dhacay Gaalkacyo.

 

Waxaan shacabka, ganacsatada, indheergaradka, saraakiisha, cuqaasha, culimada, haweenka iyo dhalinyarada reer Puntland Dibad iyo Gudaba u soo jeedinaynaa inay muujiyaan midnimo, isku duubni, isku kalsoonaan iyo inay taageero maadi iyo macnawi ahba lala garab istaagaan naftooda hurayaasha u taagan in ay difaacaan karaamada iyo sharafta Puntland.

 

Waxaa goluhu ugu baaqayaa shacabka reer Puntland gudo iyo dibadba in ay laba jibbaaraan taageeradooda ku wajahan Maamulka Puntland iyo ciidamada amniga ee Puntlandba, kuna taageeraan sidii ay u sugi lahaayeen amniga xuduudaha iyo magaalooyinka Puntland.

 

Waxaan Soomaaliweyn meelay joogaanba ugu baaqaynaa inay ka waantoobaan dilka, gardarada iyo qaska, una soo jeestaan nolol iyo nabad. Wadadaas oo keliya ayaana lagu gaari karaa himilada midnimo, qaranimo iyo mustaqbal, taas oo aan dhamaanteen u baahanahay, waana taas midda horseedi karta horumar iyo nolol.

 

Golaha Qurbajoogta Puntland waxaa uu beesha caalamka ka codsanayaa in taageero buuxda, mid dhaqaale iyo siyaasadba la garab istaagaan dawladda iyo shacabka Puntland.

 

Guddiga Isgaarsiinta & Xiriirka Bulshada

Golaha Qurbajoogta Puntland

publicrelations@puntlanddiaspora.org | "">http://www.puntlanddiaspora.org[/i]

Share this post


Link to post
Share on other sites

It seems the PDF is pulling the right strings in there. Well done for coming out for the state in this difficult times with many parallel security challenges going on day by day and the political enemies try in upsetting the political progress of the state by this latest attacks on the peace-loving people of Puntland State.

 

I salute the PDF's Committe on Communication and Public Relations for this courages piece of writing of theirs it hit all the right tones.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Brother it's the flag of the Somali Region in Ethiopia, they adopted this part change to the flag earlier this year and replaced part of the flag with a camel instead.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this