Sign in to follow this  
Che -Guevara

Col.C/risaaq Afguduud oo xilkii laga qaaday

Recommended Posts

Kismaayo:- Col. C/risaaq Afguduud oo ahaa taliyaha guutada 1aad ee ciidamada DF ayaa laga xayuubiyey xilkii uu horey u hayey.

 

Col.Afguduud oo dhawaan laga saaray magaalada Kismaayo asaga iyo Ciidamadii uu watayba ayaa eedeyn kulul u jeediyay xildhibaan Barre Hiiraale, isagoo sheegay in uu masuul ka yahay qalalahaasa ka jira gobolka Jubbada hoose.

 

C/risaaq Afguduud oo waraysi siiyay mid ka mid ah idaacadaha Muqdishoisaga oo sheegay in xilka laga qaaday isaga oo sheegay in Barre Hiiraale uu ka soo horjeedo DF, isagoo xusay in uusan jecleyn in DF ay maamusho dalka Soomaaliya.

 

"Barre weligiiba ma taageerin DF mana jecla in DF ay maamusho dalka sida uu afkiisa ka qirayo waxa uuna safka hore kaga jiraa dhidada ka taagan magaalada Kismaayo" ayuu yiri C/risaaq Afguduud.

 

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga ayaa dhawaan sheegay in DF ay u dirtay magaalada Kismaayo dad aan ehel u ahayn xalinta xiisada ka taagan Kismaayo isagoo sheegay in ay habooneyd in loo diro Kismaayo xildhibaanada iyo wasiirada ka soo jeeda gobolka Jubbada hoose si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Kismaayo.

 

Xilka laga qaaday Afguduud ayaa si kumeel gaar ah loogu wareejiyey saraakiil kale, ayadoo ay arritan astaan u tahay dhaliilaha ku aadan Col.Afguduud oo la sheegay in uusan ahayn nin xilka loo dhiibay kasoo bixi kara, sida uu sheegay mid kamid ah Saraakiisha ku sugan J/hoose.

 

Col.C/risaaq Afguduud ayaa asagu sheegay inuusan kasoo horjeedin in xilka laga qaado, walow uu sheegay inuusan asagu wax lug ah ku lahayn khilaafkii ka dhacay Kismaayo.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyiihii gutada 1aad oo xilka laga qaadey

22 May 22, 2007 - 3:38:22 AM

 

 

 

 

Col. Cabdirisaaq Afgaduud ayaa xilkii taliyaha guutada kowaad ee ciidamada gobolada Jubbooyinka DF laga qaaday.

 

Afgaduud oo saakay GO ay la xiriirtay isagoo ku sugan tuulada Buulo Gaduud ayaa beeniyay in xil ka qaadista lagu sameeyay ay ku lug laheyd dagaalkii Kismaayo ka dhacay, isagoo shegey in uu qaadanayo amarka ka soo baxey DFKMG ah.

 

Afgaduud waxuu qiray in jagadiisa taliyaha guutada kowaad ee ciiidamada DF ee gobolada Jubbooyinka uu la wareegay taliye cusub oo si KMG ah u heyn doona inta taliye cusub loogu magacaabayo.

 

"Aniga waxaan wali ahay sarkaal ka tirsan ciidamada DF, hadii xilkaan la iga qaadayna wax dhibaata ah uma arko waxaana dhici karta in xil kale aan ka qabto ciidamada DF" ayuu yiri Afgaduud.

 

Afgaduud waxuu sheegay inuu isaga mar kasta dhinaca wanaaga uu ka shaqeeyo isla markaana ay soo gaareen warar isaga ku tilmaamay mid diidan wada hadal ay labadii dhinac oo Kismaayo ku dagaalamay gaaraan, waxuuna sheegay inay wararkaasi been abuur yihiin isla markaana isaga yahay ninka ugu horeeya ee dadaalka ugu jira sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka jira Kismaayo.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Afguduud lagu badaley sarkaal kale oo ay ku qanceen ciidamada ku sugan degaanka Buulo Guduud.

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali government fires the commander of the armed forces

Aweys Osman Yusuf

 

Mogadishu 22, May.07 ( Sh.M.Network) The Somali government sacked the first commander of the national armed forces after he was accused of instigating the disturbances that took place in the port city of Kismayu, 500 km south of the capital Mogadishu, late last month.

 

Col. Abdirizak Afgadud, told Shabelle by phone from Bulo Gadud settlement in Kismayu, that the clan fighting which happened in port town had nothing to do with his being fired.

 

“I am a Somali soldier who has been ordered to step down. I took the orders and I am not angry but I was not involved in Kismayu fighting,” he said.

 

He has indicated that he transferred the responsibility to another officer temporarily, stressing that he did not know why he was laid off.

 

The situation in Kismayu is relatively calm lately after a government delegation arrived in the area and successfully mediated the two rival clans that fought over leadership.

 

Somalia’s Defence Minster, Barre Hirakle was also sacked early this month as he was related to violence.

 

Hirale, a former warlord, was in control of the port city before the Union of Islamic Courts, which were routed by the Ethiopian and Somalia troops, forcefully evicted the General out of the town.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

He is not the commander of the armed forces, he was a commander of a brigade.

 

The commander of the armed forces is Gen Abdullahi Ali Omar..

 

Anyhow Afgaduud has been told to relocate to Baidoa.

 

But here are his remarks..

 

"Ma garanayo sababta dhabta ah ee xilka la iiga qaaday, balse waxaan ogolahay in amar walba oo ka soo baxaya Dowladda aan qaato, isla markaana aan ku camalfalo, mana jirto sabab aan uga hor-imaado maadaama amarka uu yahay mid Dowli ah" ayuu yiri C/risaaq Afguduud oo haatan ku sugan Jubbooyinka.

 

Thats the way saxib..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

On the contrary Libaax, Hiiraale's firing was scheduled for sometime now but it is Afgaduud that is a true casualty of his own actions.

 

Political analysts would allege this is Abdullahi Yusuf's attempt at garnering back the confidence he lost from the Kismaayo populace especially in light of Ethiopia's refusal to engage militarily in that area and the political/military standoff that had occurred there as a result. How much he succeeds, we can only see.

 

I say Yusuf's entrapment between a rock and a hard place must have been to great for him to fire his only man. Only exhausting all other cards could have made him come to this point, including analyzing the feasibility of military incursion.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Col.Ismaaciil Khalif Shire Oo Beeniyay Eedaymo Uu Col.Afgaduud U Jeediyay Barre Hiiraale

May 22,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

Taliyahii Guutada Saddexaad ee ciidamada dawladda federaalka ku meel gaarka ah Col. Ismaaciil Khaliif Shire ayaa meesha ka saaray eedayn uu taliyahii guutada koowaad Col.C/risaaq Afgaduud uu ujeediyay Xildhibaan Barre Hiiraale oo uu kum tilmaamay maskaxda ka dambaysay xiisadaha Kismaayo.

 

Col. Ismaaciil oo qabtay shir Jaraaid ka dib eedaymaha ka soo yeeray Afgaduud ayaa waxaa uu sheegay in eedayntaasi ay tahay mid lagu sumcad dilayo Xildhibaanka oo mudo badan isku dayay in ay nabad kuwada noolaadaan dadka walaalaha ah ee J/hoose.

 

"Barre Aden Shire wasiirkii Gaashaandhiga ayuu ahaa mana galin arrimaha Kismaayo, Afgaduudna meel ka dhac ayuu ku sameeyay Xildhibaanka, isaga ayaana ka leexday habki dawladnimo oo galay hab qabiil waana midda uu ku fashilmay” ayuu yiri Col. Ismaaciil Khaliif Shire oo dagaalkii 23kii April la safnaa C/risaaq Afgaduud.

 

Col.Afgaduud ayaa waxaa uu ku sheegay waraysi uu siiyay saxaafada in Barre Hiiraale oo abaaulay dagaalkii looga saaray magaalada kismaayo islamarkaana uu abaabul cusub ka wado gobolka Gedo. Eedaynta C/risaaq Afgaduud ayaa timid maalin ka dib markii xilkii ay hayeen laga qaaday C/risaaq Afgaduud iyo saraakiishii kale ee hogaaminaysay ciidamada dawlada marki ay dhacayeen dagaaladii 23kii April. Saarkiishaan ayaa lagu wadaa in ay u ambabaxaan Magaalada Baydhabo ee xarunta taliska Xooga dalka Soomaliyeed.

 

GEDO-NN-Kismaayo-News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afgaduud is gone, Hiiraale has been demoted and is sitting in Bardheere. The Kismayu issue is yet to be resolved though again the admin shall return regardless of personalities.

 

Anyhow who was named?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxa siyaasada Guutada 1aad ee ciidamada dowlada oo sheegay in saacadaha soo socda Kismaayo ay weerarayaan

May 22, 2007 Markacadeey

 

 

 

"Wax aan u ogol nahay ma jirto beeshaas, iyo wax ka qaban karaan gobolka" sidaasi waxaa yiri C/nuur jaamac Jookar oo sheegtay in uu yahay madaxa siyaasada ee ciidamada qeybta koowaad ee dowlada federaalka kmg-ka SOomaaliyeed.

 

"Waxaan isugu tashaneynaa, dadkii soo qaxay oo caruur, waayeel iyo haween isugu jira baa meesha noo dhooban, waxaa batay kufsigii, dadkii soo barakacay ayaa la kufsanayaa, ganacsigii waa la dhacayaa, meeshii waa la nacay, ganacsigii waa la nacay, meeshii salka hoose baa laga gooyay" ayuu yiri.

 

C/nuur ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay ku soo jeedaan ciidamada ku sugan deegaanka Buulo Gaduud gudaha magaalada Kismaayo, isaga oo tilmaamay in ay xoog ku sifeynayaan magaalada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

"Waxa ka dhacaya Kismaayo wax Soomaaliya horey u soo marey maaha oo been ma sheegeyno" ayuu hadana yiri.

 

"Waa ku qasban nahay in aan maatada iyo deegaanka aan Bad-baadino oo aan ka bad-baadino dadka cawaanta ah ee waa ku qasban nahay" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

 

 

Maxamed Cali Madka

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

How I love it when the wolves are not getting along with themselves....

 

Next thing we r looking forward to hearing is Maxamed Kirishbooy dheere telling the Yeey Vampire to sit down and keep his trap shut or....or did that already happen once?? Xaqqu fiiraha buu ka iftiimaa...we r waiting more.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wallaahi this dude Joocar is funny! Shaaciroole at his best! signs of defeat on his face.

 

Anyway common sense prevailed. Afgudduud is told to come to Baidao and given a local map of Baidao with marfishka jaadka locations :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No need for a new map. He will be using Hiiraale's old one Baidoa marfish's are much better than the one's in Bardheere I hear. So Barre will have to make good this time in the dirt. :D Though these reports of attacks are becoming quite silly now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke....Maybe they might be silly Duke, but still Kismayo is not under TFG rule. What's TFG gonna do in regards to this city.

 

Allamgan....Afguduud is going to the Baydhabo Hilton where likes of Atto and Hiiraale once resided.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Che, Kismayu is a minor issue, the TFG will have to clean it up. Though I am not privy to the inside info on this.

 

For now there are bigger fish to fry than this small clan militia that are working over time to get something out of despair.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this