Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Garowe Hospital receives cash Donation

Recommended Posts

Isbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe Oo La Gudoonsiiyey Deeq Lacageed

 

October 31, 20100

 

Shirkada Xawilaada Amal ee wadaniga ah ayaa lacag ugu deeqdey Isbitaalka guud ee Caasimada Puntland ee Garowe, munaasibad lacagtan lagula kala wareegayay ayaa ka dhacdey isla gudaha Isbitaalka Garowe waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame, Duqa Garowe C/casiis Nuur Cilmi, Agaasimaha Isbitaalka Maxamed Jaamac, madax ka socotey xawilaada Amal iyo martisharaf kale.

 

Agaasimaha Isbitaalka Garowe oo munaasibadan ka Hadley ayaa ka warbixiyey xaalada Isbitaalka iyo sida uu Isbitaalku ugu baahan yahay in la keelmeeyo, waxa uu agaasimuhu bogaadiyey shirkada xawilaada Amal oo uu sheegay inay soo dhaweynayaan lacagta ay isbitaalka siiyeen. Agaasimuhu waxa uu sidoo kale ka Hadley shaqada ay Isbitaalka ka wadaan dhakhaatiirta Turkida ah isagoo sheegay in labadii maalmood ee u danbeysay ay dhakhaatiirtu shaqeynayeen habeen iyo maalinba isla markaasna ay qaabileen waxna u qabteen bukaan kor u dhaafaya 1300 oo qof kuwaas oo 35 ka mid ah lagu sameeyey qaliimo aad u culus.

 

Maamulaha shirkada Amal ee Garowe Siciid M.Faarax ayaa isna halkaas ka hadley waxaana uu bogaadiyey hawsha Isbitaalka ka socota iyo wasaaradda caafimaadka oo ku guulaysatey inay Isbitaalkan kiciso isla markaasna ay wasaaraddu ka shaqeysay sidii dayactir loogu samayn lahaa Isbitaalka. Siciid waxa uu intaas ku darey in Shirkada Amal ee xawilaadu inay lacag dhan $5000 (shan kun oo doolar) ay ugu deeqdey Isbitaalka waxaana uu markaas ku wareejiyey kana gudoomey duqa magaalada Garowe C/casiis Nuur Cilmi.

 

Duqa Garowe C/casiis oo ka hadley munaasibada uu lacagta Isbitaalka Amal ugu deeqdey gudoomey waxa uu amaan iyo bogaadin usoo jeediyey marka ugu horeysa Wasaaradda Caafimaadka oo iyadu dadaal dheer ugu jirta kicinta iyo ka shaqeysiinta Isbitaalada iyo adeegyada caafimaad ee Puntland, waxa kale oo uu mahadcelin balaaran ujeediyey dhakhaatiirta Turkiga oo iyagu siweyn ugu shaqeeyey shacabka Puntland. Duqa Garowe waxa uu sidoo kale hanbalyeeyey Xawilaada Amal oo uu sheegay inay mar walba ka qaybqaadato adeegyada bulshada isagoo ka codsadey inay sii wado.

 

Ugu danbeyntii ayaa munaasibada waxaa ka hadley soona gabogabeeyey Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame isla markaasna ka warbixiyey xaalada Caafimaad ee dalka iyo hawsha adag ee hadda socota ee ay dhakhaatiirta Turkigu ka wadaan Isbitaalada Puntland.

 

Wasiirku waxa uu sheegay inay wax weyn ka tareyso hawshan caafimaadka Puntland, waxaana uu ku booriyey shacabka Puntland inay wax wada qabsadaan ayna ka shaqeeyaan sidii ay u hormarin lahaayeen adeegyadooda bulshada isagoo markaasna amaan iyo bogaadin aan lasoo koobi Karin usoo jeediyey shirkada xawilaada Amal oo uu wasiirku sheegay inay kaalin weyn ka gaystaan adeegyada bulshada isagoo carabka kudhuftey inay Amal sidoo kale lacag gudoonsiiyey Isbitaalka guud ee Garowe. Shirkadaha iyo ganacsatada Puntland ayuu wasiirku ugu baaqey inay hormariyaan dalkooda ay ka shaqeeyaan sidii loosoo saari lahaa dad ka shaqeeya Isbitaalada iyo in Isbitaalada la dayactiro lana qalabeeyo.

 

Wasaaradda Caafimaadka

Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this