Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: NRC agereement reached.

Recommended Posts

sixiixshirka.jpg

 

 

Qodobo Muhiim Ah Oo Lagu Kala Sixiixday Shirka D/Heshiisiinta

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka) 19-Agosto-2007

 

Shirkii dib u heshiisiinta beeelaha ee maalmahan ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu saxiixay todobo qodob oo ay soo diyaariyeen guddigii loo saaray iney soo habeeyaan go’aanadii ergooyinka kaasoo ay maanta saxiixeen afar beelood.

 

Qodobada ay maanta saxiixeen beelaha

 

1- In beelaha Somaliyeed ay ka heshiiyeen wixii colaad ah ee horay u dhex maray.

2 - In hubka ay dhigaan beelaha laguna wareejiyo dowladda.

3 - In la helo goobo lagu dhaqan celiyo maliishiyooyinka beelaha, ayna furto dowladda goobahaas.

4 - In la dhowro oo ay muqadas tahay midnimada Soomaaliyeed.

5 - In la isu celiyo hantidada ma guurtada ah ee muuqata.

6- In beeshii ka hortimada danta guud ay beelaha hal meel ugu soo wada jeestaan.

7 - In beesha caalamku laga codsado taageero ay u fidiso natiijada shirka beelaha.

 

 

Gudoomiye Cali Mahdi Maxamed oo kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay in ay ergooyinka beeluhu ku talaabsadeen tallaabo horumar leh

 

Kulanka ayaa baaqa loogu jediyay in la joojiyo dagalada ka socda deganada Galgadud, Hiiraan iyo Sh/Dhexe, iyadoo isimada, Suldaanada, Boqorada iyo duubabka ay hal cod ugu baaqeen dowladda Federaalka in ay kaalin ka qaadato joojinta dagaaladaasi isla markaana ay diyaariso tasiilaadka lagu aadi lahaa goobaha dagaalada ka socdaan.

 

Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King Kong) oo hadal ka jeediyay ayaa sheegay in aanu suuragal aheyn in shirku sii socdo iyadoo ay isdilayaan dad Soomaaliyeed oo wada degan degano deris wada ah, ayna haboon tahay in lagu baxo daminta coladaas.

 

Dhanka kale waxaa kulanka maanta tacsi loogu diray ehelada qaraabada iyo mushtamaca uu ka geeriyooday Nabadoon Macalin Haaruun Macallin Yuusuf oo ka mid ahaa ka qeybgalayaashii shirka.

 

 

Calanka.com: Isha Wararka Xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

1- In beelaha Somaliyeed ay ka heshiiyeen wixii colaad ah ee horay u dhex maray.

2 - In hubka ay dhigaan beelaha laguna wareejiyo dowladda.

3 - In la helo goobo lagu dhaqan celiyo maliishiyooyinka beelaha, ayna furto dowladda goobahaas.

4 - In la dhowro oo ay muqadas tahay midnimada Soomaaliyeed.

5 - In la isu celiyo hantidada ma guurtada ah ee muuqata.

6- In beeshii ka hortimada danta guud ay beelaha hal meel ugu soo wada jeestaan.

7 - In beesha caalamku laga codsado taageero ay u fidiso natiijada shirka beelaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

1- In beelaha Somaliyeed ay ka heshiiyeen wixii colaad ah ee horay u dhex maray.

2 - In hubka ay dhigaan beelaha laguna wareejiyo dowladda.

3 - In la helo goobo lagu dhaqan celiyo maliishiyooyinka beelaha, ayna furto dowladda goobahaas.

4 - In la dhowro oo ay muqadas tahay midnimada Soomaaliyeed.

5 - In la isu celiyo hantidada ma guurtada ah ee muuqata.

6- In beeshii ka hortimada danta guud ay beelaha hal meel ugu soo wada jeestaan.

7 - In beesha caalamku laga codsado taageero ay u fidiso natiijada shirka beelaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this