General Duke Posted August 20, 2007 Qodobo Muhiim Ah Oo Lagu Kala Sixiixday Shirka D/Heshiisiinta Muqdisho, Somaliya (Calanka) 19-Agosto-2007 Shirkii dib u heshiisiinta beeelaha ee maalmahan ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu saxiixay todobo qodob oo ay soo diyaariyeen guddigii loo saaray iney soo habeeyaan go’aanadii ergooyinka kaasoo ay maanta saxiixeen afar beelood. Qodobada ay maanta saxiixeen beelaha 1- In beelaha Somaliyeed ay ka heshiiyeen wixii colaad ah ee horay u dhex maray. 2 - In hubka ay dhigaan beelaha laguna wareejiyo dowladda. 3 - In la helo goobo lagu dhaqan celiyo maliishiyooyinka beelaha, ayna furto dowladda goobahaas. 4 - In la dhowro oo ay muqadas tahay midnimada Soomaaliyeed. 5 - In la isu celiyo hantidada ma guurtada ah ee muuqata. 6- In beeshii ka hortimada danta guud ay beelaha hal meel ugu soo wada jeestaan. 7 - In beesha caalamku laga codsado taageero ay u fidiso natiijada shirka beelaha. Gudoomiye Cali Mahdi Maxamed oo kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay in ay ergooyinka beeluhu ku talaabsadeen tallaabo horumar leh Kulanka ayaa baaqa loogu jediyay in la joojiyo dagalada ka socda deganada Galgadud, Hiiraan iyo Sh/Dhexe, iyadoo isimada, Suldaanada, Boqorada iyo duubabka ay hal cod ugu baaqeen dowladda Federaalka in ay kaalin ka qaadato joojinta dagaaladaasi isla markaana ay diyaariso tasiilaadka lagu aadi lahaa goobaha dagaalada ka socdaan. Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King Kong) oo hadal ka jeediyay ayaa sheegay in aanu suuragal aheyn in shirku sii socdo iyadoo ay isdilayaan dad Soomaaliyeed oo wada degan degano deris wada ah, ayna haboon tahay in lagu baxo daminta coladaas. Dhanka kale waxaa kulanka maanta tacsi loogu diray ehelada qaraabada iyo mushtamaca uu ka geeriyooday Nabadoon Macalin Haaruun Macallin Yuusuf oo ka mid ahaa ka qeybgalayaashii shirka. Calanka.com: Isha Wararka Xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 20, 2007 1- In beelaha Somaliyeed ay ka heshiiyeen wixii colaad ah ee horay u dhex maray. 2 - In hubka ay dhigaan beelaha laguna wareejiyo dowladda. 3 - In la helo goobo lagu dhaqan celiyo maliishiyooyinka beelaha, ayna furto dowladda goobahaas. 4 - In la dhowro oo ay muqadas tahay midnimada Soomaaliyeed. 5 - In la isu celiyo hantidada ma guurtada ah ee muuqata. 6- In beeshii ka hortimada danta guud ay beelaha hal meel ugu soo wada jeestaan. 7 - In beesha caalamku laga codsado taageero ay u fidiso natiijada shirka beelaha. Quote Share this post Link to post Share on other sites

General Duke Posted August 20, 2007 Major clans of Bay & Bakool sign agreement. source Quote Share this post Link to post Share on other sites