Nur Posted June 10, 2004 Booqashada Bukaanka ( Dadka Jirran) Mahad Allah ayaa leh, kan nagu gaar yeelay nicmada Islaamka, nag leexiyay cadhadiisa no soo dajiyey caafimaad cudur dabadiis, Naxariista Allah iyo darajo sarena waxaan u warsaneynaa kii ugu karaamo badnaa qof lagu salliyo, kii ummadda waaniyey, nabigenna Muxammad , nabiga naxariista iyo rasuulka aadamiga oo dhan. Walaal Waxaan idinku salaamaya salaanta reer jannaadka. "Salaamun Calykum bimaa sabartum, fa nicma cuqba al daar". Dushiinna nabadi ha ahaato ood ku muteysateen sabirkiinnii, fiicanaa cidhibta dambe ee daarta (janno) Waxaad ogaataa walaal, in booqashada qofka jirran ay tahay marka ugu horreysa raacid sunnada uu no jideeyay rasuulkeenna SCWS, dhowrid kalgaceylka walaanimada na dhaxtaalla, ajar badan , iyo wehel lo noqdo bukaanka si uu u illobo xanuunkiisa. Waxaa laga soo wariyey Abu hureyra, Allaha raalli ka noqdee, in Rasuulka Allah SCWS uu yidhi " Allah, cazza wa jalla, wuxuu leeyahay maalinka qiyaamaha " Banii aadamoow, waan jirraday, mana aadan isoo booqan" wuxuu yidhi Rabigeyoow, sideen kuu soo booqdaa adigoo ah Rabbigii uunka oo dhan? wuxuu yidhi, miyaadan ogeyn addoonkeyga hebel uh inuu bukooday oodan soo booqanin? miyaadan ogeyn haddaad soo booqan laheyd inaad agtiisa iga heli leheyd." Waxaa wariyey Muslim. Waxaa laga soo wariyey Thowbaan RAC, inuu ka soo wariyey Rasuulka SCWS inuu yidhi " Qofka Muslimka ah hadduu soo booqdo walaalkiis Muslimka ah ( oo buka) wuxuu ku jiraa KHURFAH jannada ilaa uu soo laabto" wexey yidhaahdaan waa maxay Khurfah, wuxuu yidhi " gurashadeeda (midhaheeda)" Muslim Waxaa laga soo wariyey Abii Musaa RAC inuu yidhi, Rasuulka Allah SCWS wuxuu yidhi " Bukaanka soo booqda, kan baahanna cunno siiya, kan gacanta idiin galayna (kan la xareystay) sii daaya" Waxaa laga soo wariyey Cali RAC, wuxuu yidhi waxaan maqlay rasuulkla Allah oo odhanaya " Ma jiro qof Muslim aha oo soo booqda (bukaanka) muslimka ah aroortii oo ayan ku sallinin todobaatan kun oo malak ilaa gabal dhicii, hadduu soo booqdo habeenkiina waxaa (qofkaas) ku sallisa todobaatan kun oo malag ilaa uu waa bariyeysto, wuxuu leeyahy midho la soo jaray (jannada)" Markaad soo booqato qofka jirran waxaad ku dhihi leheyd: Waxaa laga soo wariyey Caa'isha RAC in Nabiga SCWS hadduu qof ka sheegto wax dhib ah, ama uu dhaawacmo, Nabigi SCWS wuxuu ku sameyn jirey fatriisa sidaas - (sufyaan ibnu Cuyeyna oo soo wariyey (xadiithkan) ayaa (asagoo tilmaamaya) fartiisa saaray dhulka markaasuu soo qaaday , markaasuu yidhi: Bismillahi turbatu ardinaa, bi riiqati bacdinaa, yushfaa saqiimanaa, bi idhni Rabbinaa" " Bismillaahi, ciidda dhulkeenna, candhuufta qaarkeenna, oo ay ku bogsoodaan (raystaan) bukaan keenna , idinka Rabbigeena" Meel kale waxaa lagu soo wariyey: " Allahumma, Rabbii annaas, adh hibil baas, ashfi, anta ashaafi, laa shifaa ilaa shifaa'uk, shifaa'an la yughaadiru saqman" (ilaahayow, Rabbiga dadka, xanuunka ka qaad, caafimaad keen, adiga ayaa caafimaad keenee, mana jiro caafimaad aadan adiga keenin, caafimaad aan cudur ka tagin) Waxaa laga soo wariyey ibnu Cabbaas RAC inuu yidhi, Qofkii soo booqda qof buka oo tiisa ay weli gelin, oo markaas oo ku akhriya todobo jeer " As alu Allaaha, al cadhiim, Rabbil carshil cadheem, an yashfiyaka" (qofkaas) Allah waa ka caafiyaa cudurkaas. Nur 2002 e-Nuri Softwaano Series ( Somali) Powered By Quraan and Sunnah Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted May 18, 2006 Geljireyaal Qof waliba Jirro, cudur ama xanunn ayuu maraa intuu noolyahay, Markaan jirranno, waxaan jecelnahay in nalala joogo, nala weheliyo si uu nooga khafiifo cudurka xanuuunikiisa, hadaba waxaa nalaga doonayaa inaan xasuusano kuwa buka si aan u hello ajar Allah agtiis. Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted October 28, 2008 Walaalayaal Waddankeenni dad badan oo rayyad aha ayaa wada dhaawacan oo wada taaahaya, yaan la illawin bukaankeenna, qofkii awood lohow, markaad ugu tabar daran tahay, u ducee, ama soo booqo bukaanka, meeshay joogaan ba. Booqashada bukaana waa ajar weyn, oo xataa aad ku heleyso inaad booqato dadkaan muslim aheyn, taasoo ah Sunnada Rasuulkeenna SAWS. Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted March 26, 2009 Walaalayaal Waxaan is xasuusineynaa mar kale inaan soo booqanno dadka bukaanka ah oo cudurrada ay badeen in ay kic waayeen, hala soo booqdo, ha lala soo sheekeysto, si allah noo cafiyo oo uu no wada naxariisto. Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites