Sign in to follow this  
Sharif_seylaci

CADE MUUSE OO KA BAQDAY BUUHOODLE

Recommended Posts

hadhwanaag 2006-09-14 (Hadhwanaagnews) Laascaanood(HWN)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi, ayaa ka baqday socdaal uu hore u sheegay inuu ku imanayo magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Gen. Cadde Muuse oo dhawrkii Maalmood ee u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Laascaanood ayaa mar uu ka hadlayay Magaalada Laascaanood waxa uu ku celceliyay inuu Booqasho ku tagay magaalada Buuhoodle oo uu sheegto inay ka tirsan tahay Maamulkiisa. Balse waxa la sheegay inuu ka baaqday safarkaas oo uu Maanta uu ku sugnaa tuulada kala bar dhinaca koonfuree ka xiga magaalada laascaanood ka dib uu noqonayo xaruntiisa Magaalada Garoowe. ...

Hase yeeshe waxa jira warar sheegaya inuu u baaqday xaalad dhinaca ammaanka ah, ka dib markii la sheegay inuu ka war helay dhaqdhaqaaqyo ay sameeyeen ciidamada Somaliland ee jiidda hore si ay uga hor istaagaan safarkiisaas. Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa la sheegay inay xidheen waddooyinka Xidhiidhiya Magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle islamarkaana fadhiisano cusub ay ka samysteen meesha la yidhaahdo Bali-Hadhac oo u dhaxaysa magaalooyinka widhwidh iyo Laascaanood.

Masuul sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland, oo hadhwanaag wax ka weydiisay aya wax ka weydiiyay waxa ay ka yeelayaan socdaalka Cadde Muuse, sheegay inuu ku tagayo Buuhoodle, ayaa waxa uu yidhi, “Imika ka hadli maayo waxase la arki doonaa oo aad war iga helaysaan marka uu yimaado Buuhoodle.â€

Masuulkaas oo ka cudur daartay in magaciisa la shaaciyo waxa uu tibaaxay inaanu Cadde Muuse iman Karin Buuhoodle.

Mar masuulkan la weydiiyay waxa Buuhoodle kaga duwantahay Laascaanood oo uu haddaba Cadde Muuse joogo waxa uu si kooban u yidhi, “Laascaanood arrinkeedu waa tallo Qaran waxaana laga yeelanayaa tallo Qaran.â€Maamul goboleedka Puntland oo aasaaskiisu ku salaysanyahay Qabiil, ayaa waxa uu sheegtaa deegaano ka tirsan gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag oo ay degaan dad ay isku hayb yihiin dadka dega gobolka Puntland. Waxaanu Maamulkaasi gacanta ku hayaa xarunta gobolka Sool ee Laascaanood oo ay ciidamada Puntland xoog ku qabsadeen ka dib markii xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Rayaale ka soo rartay maamulkii Somaliland u magacawday gobolkaas sannadkii 2003, waxaana dhawr jeer dagaal ku dhex maray ciidamada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyada Puntland.

Deegaanadaasi ayaa Juquraafi ahaan waxa ay ka mid yihiin Maxmiyadii Ingiriisku gumaysan jiray ee la odhan jiray Jamhuuriyadda Somaliland oo hadda ah dawlad madaxbanaan

ugu danbayntiina cade muuse iyo maleeshooyinkiisi waxa dib ugu laabanaya meelihi ay ka so kicteen

 

Wariye cabdisalan ilkacase

HadhwanaaReporter

Burco somaliland

ilkacase1@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qab qableh Cade Muuse oo Laascaanood dib ugu laabtay markii looga dhaartay Buuhoodle in uu tago. Posted by: qaran

 

 

Jen:Cade Muuse ayaa Fiidnimadii caawa dib ugu laabtay Magaaladda Laascaanod kadib Markii ciidanka qaranka ee jiidde Adhi Cadeeye ay xidheen dhamaanba jidadkii isku xidhayay Laas-caanod iyo Buuhoodle.

 

 

Gen: Cade Muuse oo manta ku sugnaa tuuladda Kalabaydh ee ka tirsan Laas-caanod aya ayaa baajiyay safarkii uu ku tagi lahaa Buuhoodle kadib markii uu ka war helay in cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka ee Jiida Hore degeen. Jidadkii uu u mari lahaa Degmadda Buuhoodle.

 

 

Ciidanka qaranka Somaliland ayaa goobaha uu dagay midda Xidh Xidhi, Dhuumey iyo Bali Hadhac isla markaana duleedka degmada Buuhoodle ka sameystay fadhiisimo difaac kuwaaso u jeedadoodu tahay inaan Cade Muuse cag soo dhigin Deegaanka Buuhoodle Sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo-lagu kalsoonyahay In Gen:Cade Muuse Waayay Gurmad ciidan ee uu dhiratay dhinaca Garowe waxaana uga yimi hal baabuur oo Ambulance taasina ay niyad jab ku dhalisay.

 

 

Sidoo kale Duqa Magaalada Buuhoodle Cismaan Yuusuf oo ku sugan Buuhoodle oo Wariye Kayse Axmed Digaale kula xidhiidhay Khadka Telifoon ayaa u xaqiijiyay in shacabka Buuhoodle ka soo horjeedaan Imaantinka Cade Muuse isla markaana ay mudaharado lagaga soo horjeedo ay ka dhaceen Maanta (shalay) Buuhoodle waxa kale oo uu intas ku daray Duqaydda iyo Waxgaradka Buuhoodle ku war galiyeen Cade Muuse ina aanay ogolaynin Deegankooda laga abuuro Colaad. Waxa kale oo uu Gudoomiyuhu sheegay in Cade Muuse dib ugu laabatay Laascaanod , qaar kamid ah Ciidankii la socdayna uu kagag tagay Deeganka Bali Hadhac halkaasna ay isku hor fadhiyan Ciidanka Qaranka , waxana uu ku soo koobay hadalkiisi waxan u malaynayaa inaan Cade sidaas ku tagayne uu talo kula laabatay Laas-caanod.

 

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka SOOL u qaabilsan Somaliland Cali Maxamed Axmed (Cali Sandule) iyo xubno ka tirsan Maamuulkiisa oo aanu la xidhiidhay isagoo ku sugan deeganka Adhi Cadeeye ayaa sheegay inay inay Maanta Socdaal ku tageen Deeganada XIdhi Xidh, Dhuumey Bali hadhac oo ay ku sugan yihiin ciidanka qaranka wuxuu intaas ku daray Badhasaabku in cuqaasha iyo waxgaradka Deegaankasi ay Gen:Cade Muuse ku wargaliyeen in wixii dhibaato iyo khasaare ee ka dhaca deegaan uu masuul ka yahay Cade Muuse isla Markaan uu dib uga noqdo.

 

 

Waxa uu Cali Sandule hadalkiisi ku soo koobay “Awooda iyo Baaxada Ciidanka Qaranka markuu ogaaday ayuu Cade Muuse Dib u laabatayâ€.

 

 

Dhaq dhaqaqa iyo Abaabulka ciidanka qaranka ee jiida hore aya maalmahan u danbeeyay si weyn looga dareemayay halkaas iyadoo Bulshada deegankaasina cabdi weyn ka muujiyeen Bidhaanta Dagaal ee soo muuqata ay fooda isku daraan Labada dhinaca ee is hor fadhiya.

 

 

Dhinaca kale Magaaladda Burco ayaa si weyn looga hadal hayay safarkan Cade Muuse uu ku damacsan yahay inuu ku tago Buuhoodle waxanay Bulshadu ka muujiyeen Dareen Cadho leh, kuwaaso aragtidooda ku muujiyay in safarka Cade ee Buuhoodle la macana yahay “Somaliland Ma jirto†sidaa darteed ay waajib tahay in dagaal laga xigsado.

 

 

Dareenka Shacabiga qaarkood ayaa ku tilmaamay Abaalkii Somaliland u gashay Cade Muuse ay maanta soo dabrayso waxayse walaac ka muujiyeen in ku soo dhiirashada Cade Muuse ee dhulka Somaliland uu taageero kaga haysto Ethiopia. Halka ay kuwa kale aragtidooda ku sheegen in xaaladan soo koradhay tahay tii Xukuumada Rayaale ku dhici lahayeed am ku dhismi lahayeed, lana eegayo talaabadda ay ka qaado, isla markaana ay fursadii Laas-caanod lagu tagi lahaa ay maanta tahay.

 

 

Si kastaba ha ahaate Bulshada Reer Togdheer xaaladan soo koradhay waxay u arkaan inay tahay mid lagu wiiqayo qaranimada Somaliland sidaa awged ay waajib tahay in talabo cad laga qaado.

 

Togdheernews

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^^The topic title: CADE MUUSE OO KA 'BAQDAY' BUUHOODLE.

 

You mean ka BAQAY. hommie Af Soomaali soo baro ama ha ku hadlin. Afka ha nagaga ciyaarin.

 

Btw. Buuhoodle is a scary place, ever been there?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this