General Duke Posted December 11, 2006 Muqdisho: Ganacsatada suuqa Kaaraan oo kasoo horjeestay canshuur maxkamaduhu bilaabeen. Isniin, December 11, 2006 Muqdisho(AllPuntland)- Maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa maanta ka bilaabay suuqa Jamhuuriya ee xaafadda Kaaraan canshuur laga qaadayo ganacsatada suuqaasi. Canshuurta ganacsatadan laga qaadayo ayaa dhan 20,000 oo shilinka Soomaaliga , taasoo laga qaadayo dukaan walba oo suuqa ku yaalla. Ganacsatada suuqa ayaa qaar kamid ah ay sheegeen inaysan ogolayn inay bixiyaan canshuur intaasi le'eg , ayagoo ku tilmaamay in canshuurahaasi ay yihiin kuwo xad gudub ah. Ganacsatada ayaa maxkamadaha ku dhaliilay lacagta ay qaadayaan inaysan waxba ka duwanaanayn lacagihii horay looga qaadi jiray intii aysan magaalada Muqdisho la wareegin. Madaxda maxkamadaha oo soo saaray qoraal ayaa sheegay in loo baahan yahay in la fuliyo awaamiirta maxkamadaha, haddii kale ay adeegsan doonaan awood. Maxkamaduhu waxay horay u iclaamiyeen inay dadkii ka xoreeyeen kooxo jid gooyooyin u dhigan jiray isla markaana goobaha ganacsiga lacago ka qaadi jiray , hase ahaatee mid kamid ah ganacsatada suuqa Jamhuuriyaa ee Kaaraan ayaa sheegay inuu damacsan yahay inuu goobtiisa iska xiro , maadaama wali lacagihii faraha badnaa ay daba socdaan. CCC Farayaamo AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 11, 2006 Ganacsatada keenta Gawaarida Magaalada Muqdisho oo cabasho ka mujiyay lacagta Canshuurta ee looga qaado Dekeda Muqdisho. Muqdishu, Isnaiin, 11 Dec 06 Simba Radio Cabashadaani ay maanta muujiyeen ilaa iyo 50 Shirkadood oo keenta gawarida magaalada Muqdisho ayaa ka dambeysay kadib markii ay ganacsatadaasi sheegeen dekeda weyn ee Magaalada in looga qaado lacago xaddhaaf ah oo lagu kordhiyay Mudooyinkii ugu Dambeeyay waa sida ay hadalka u dhigeenne. Cali Sheekh Maxamuud oo ah Afhayeenka Gudiga ganacsatada gaadiidka keena magaalada Muqdisho iyo Waliba qalabka biraha Spare Parts ayaa waxaa uu saxaafada u sheegay in ay cabashadooda la xiriirto lacago lagu soo kordhigay dekeda weyn ee magaalada Muqdisho oo ku aadan in laga qaadayo xiliga ay dekeda ka soo dajistaan gawaarida isla mar ahaantaana ay uga badan wixii ay horay u dhiibi Jireen. Cali Sheekh ayaa arintaani ku eedeeyay in ay wadaan qaar ka mid ah ganacsatada ku dhaqan magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ay wadaan howlahaani ku aadan in wax laga badalo Qiimihii canshuuraadka ee horay looga qadi jiray ganacsatada wax ka soo dajisata dekeda weyn ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka Gudiga ganacsatada keenta Gawaarida Magaalada Muqdisho Cali Sheekh Maxamuud ayaa intaasi ku daray in gawaarida fara badan oo gaaraya ilaa iyo 80-gawaarida nooca Yar yarka ah sababo la xiira Cabasho ay ka Muujiyeen lacagaha lagu soo kordhiyay isla markaana sida uu sheegay uu dhawaan dekeda ku soo xiran dono markab sida ku dhawaan 150-gawaari ah iyo qalabka gadiidka. Afhayeenka ayaa ugu dambeeytii ugu baaqay Mas'uuliyiinta Sar sare ee golaha maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed in ay cabashadooda wax ka qabtaan isla markaana ay sameeyaan qiimo dhimis mac quul ah oo ay ku wada shaqeyn karaan maamulka maxaakiimta Iyo waliba ganacsatada keensata gawaarida. Quote Share this post Link to post Share on other sites