ANWAR Posted October 2, 2009 Wararka aanu ka heleyno ilo lagu kalsoonaankaro ayaa waxaa ay sheegayaan in caawa sideedii habeenimo ay sheegayaan in ciidamo taabacsan dowladda KMG ah ay ka soo talaabeen xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidamadan oo sita dareeska ciidanka Soomaalida lagu arkay xadka iyagoo kasoo talaabaya. ilowareedyada halkaasi aanu kala xiriirnay Xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya waxaa ay sheegayaan in ciidankan ay yihiin kuwa dhawaan tababaro kusoo dhameystay dalka Kenya waxaana caga sahanka ciidankan ka saacidaya ciidamada dowladda Kenya oo baryahan dambe aad uga welwelsaneyd dhaqdhaqaaqyada ururo diimeedka ka jira Jubooyinka oo ay darisla tahay Kenya. Sida ay ilowareedyadu inoo sheegeen waxaa ilaa iyo hada la ogeyn in ciidankaasi ay kusoo wajahan yihiin magaalada weyn ee Kismaayo oo uu ka taliyo ururka Al-shabab Al-mujaahidiin, waxaana sidoo kale weli cadeyn heerka uu la egyahay xaga wada shaqeynta ciidankan ka socda dowladda KMG ah iyo maleeshiyaadka taabacsan Axmed islaam, iyadoo ay horey Al-shabab ugu eedeeyeen in uu Axmed islaam xiriir la'lahaa dowladaha dariska iyo tan kumeelgaarka. Hadaba dhaqdhaqaaqyada ciidanka dib ayaan idiinkala soo socodsiindoonaa marka ay inoo suura garasho inaan helno saraakiisha hogaamineysa ciidanka dowladda KMG ah GOOD NEWS LINK http://diirad.com/wa rka/97-deg-degciidam o-taabacsan-dkmg-ah- oo-kasoo-talaabay-xu duudka-kenya.html# Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 3, 2009 Yeah right, if you belive this then you need more help than I thought. Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted October 3, 2009 OOOH LOOK at that ''DUKY'' :eek: your dear WEB-SIDE have published this NEWS to Af-Madow: Ciidamo taabacsan DF oo ka soo muuqday Hawdka Jubada Hoose. 3. oktober 2009 Af-Madow(AllPuntland )- Ciidamo taabacsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ay hogaaminayaan, Saraakiil aad looga yaqaano Jubada Hoose iyo gobalada dalka Soomaaliya, qaarkood ayaa ka soo muuqday xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, ayadoo taasi ay walaac ku beertay Xarakada Al- Shabaab oo dhawaan qabsatay magaalada Kismaayo. Ciidamadan ayaa la rumeysan yahay in ay weerar ku yihiin goobaha ay gacanta ku hayaan, kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya, waxa ayna sheegayaan wararka soo baxayaa in ay ciidamadaasi hada utaagan yihiin qabsashada Labada gobal ee Jubooyinka, gaar ahaana magaalada Kismaayo oo ay xooga saari doonaan. Hogaamiyaha ciidamadan oo ah Sarkaal sare oo mudo ka soo shaqeynayay gobalada Jubooyinka, isla markaasna ka soo qeyb-qaatay dagaaladii beelaysiga ee gobalada Jubooyinka, ayaa soo dhaafay xadka ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya. Dawladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay ka hadalka ciidamadan, balse wararka ayaa sheegaya in ay ciidamadan doonayaan in ay si deg deg ah ku qabsadaan magaalada xeebta kutaala ee Kismaayo, isla markaasna ay ka qabsan doonaan ciidamada Al- Shabaab oo magaaladaas ka saaray Caanoole iyo Raaskambooni. Qorshahan ayaa ah mid ay mudo ka shaqeynaya dawladda Soomaaliya, Itoobiya iyo dawladda Kenya, waxaana hada ciidamadaasi gacan siinaya dawladda Kenya oo abaabul xoog leh ugu jira in ay qabsadaan ciidamada DF magaalada Kismaayo, ayadoo cabsi ka qabta in magaaladaasi ay sii heystaan Mucaaradyada dawladda Soomaaliya. F. C. Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted October 3, 2009 just who is this mysterious general? Maybe Moorgan? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted October 3, 2009 ^^ Now he is going to believe it. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 3, 2009 ^^^ Again this is a bulshit story and shies the desperation of Sharif Hotels group. Also why is Allpuntland my site? You guys are having a laugh. Quote Share this post Link to post Share on other sites