Sign in to follow this  
ANWAR

DEG DEG:Ciidamo taabacsan DKMG ah oo kasoo talaabay xuduudka Kenya

Recommended Posts

ANWAR   

Wararka aanu ka heleyno ilo lagu kalsoonaankaro ayaa waxaa ay sheegayaan in caawa sideedii habeenimo ay sheegayaan in ciidamo taabacsan dowladda KMG ah ay ka soo talaabeen xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidamadan oo sita dareeska ciidanka Soomaalida lagu arkay xadka iyagoo kasoo talaabaya.

 

ilowareedyada halkaasi aanu kala xiriirnay Xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya waxaa ay sheegayaan in ciidankan ay yihiin kuwa dhawaan tababaro kusoo dhameystay dalka Kenya waxaana caga sahanka ciidankan ka saacidaya ciidamada dowladda Kenya oo baryahan dambe aad uga welwelsaneyd dhaqdhaqaaqyada ururo diimeedka ka jira Jubooyinka oo ay darisla tahay Kenya.

 

Sida ay ilowareedyadu inoo sheegeen waxaa ilaa iyo hada la ogeyn in ciidankaasi ay kusoo wajahan yihiin magaalada weyn ee Kismaayo oo uu ka taliyo ururka Al-shabab Al-mujaahidiin, waxaana sidoo kale weli cadeyn heerka uu la egyahay xaga wada shaqeynta ciidankan ka socda dowladda KMG ah iyo maleeshiyaadka taabacsan Axmed islaam, iyadoo ay horey Al-shabab ugu eedeeyeen in uu Axmed islaam xiriir la'lahaa dowladaha dariska iyo tan kumeelgaarka.

 

Hadaba dhaqdhaqaaqyada ciidanka dib ayaan idiinkala soo socodsiindoonaa marka ay inoo suura garasho inaan helno saraakiisha hogaamineysa ciidanka dowladda KMG ah

 

GOOD NEWS :D

 

LINK

http://diirad.com/wa rka/97-deg-degciidam o-taabacsan-dkmg-ah- oo-kasoo-talaabay-xu duudka-kenya.html#

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

OOOH LOOK at that ''DUKY'' :eek:

your dear WEB-SIDE have published this NEWS to :D

 

 

Af-Madow: Ciidamo taabacsan DF oo ka soo muuqday Hawdka Jubada Hoose.

3. oktober 2009

 

Af-Madow(AllPuntland )- Ciidamo taabacsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ay hogaaminayaan, Saraakiil aad looga yaqaano Jubada Hoose iyo gobalada dalka Soomaaliya, qaarkood ayaa ka soo muuqday xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, ayadoo taasi ay walaac ku beertay Xarakada Al- Shabaab oo dhawaan qabsatay magaalada Kismaayo.

 

Ciidamadan ayaa la rumeysan yahay in ay weerar ku yihiin goobaha ay gacanta ku hayaan, kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya, waxa ayna sheegayaan wararka soo baxayaa in ay ciidamadaasi hada utaagan yihiin qabsashada Labada gobal ee Jubooyinka, gaar ahaana magaalada Kismaayo oo ay xooga saari doonaan.

 

Hogaamiyaha ciidamadan oo ah Sarkaal sare oo mudo ka soo shaqeynayay gobalada Jubooyinka, isla markaasna ka soo qeyb-qaatay dagaaladii beelaysiga ee gobalada Jubooyinka, ayaa soo dhaafay xadka ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya.

 

Dawladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay ka hadalka ciidamadan, balse wararka ayaa sheegaya in ay ciidamadan doonayaan in ay si deg deg ah ku qabsadaan magaalada xeebta kutaala ee Kismaayo, isla markaasna ay ka qabsan doonaan ciidamada Al- Shabaab oo magaaladaas ka saaray Caanoole iyo Raaskambooni.

 

Qorshahan ayaa ah mid ay mudo ka shaqeynaya dawladda Soomaaliya, Itoobiya iyo dawladda Kenya, waxaana hada ciidamadaasi gacan siinaya dawladda Kenya oo abaabul xoog leh ugu jira in ay qabsadaan ciidamada DF magaalada Kismaayo, ayadoo cabsi ka qabta in magaaladaasi ay sii heystaan Mucaaradyada dawladda Soomaaliya.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this