Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale Meets with EU, USA and Norway Delegation

Recommended Posts

rayaale%20iyo%20midowga%20yurub%201.jpg

rayaale%20iyo%20midowga%20yurub.jpg

 

 

Hargeysa (Qarannews)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa maanta uu xafiiskiisa ku qaabilay wefdi balaadhan oo ka socda Midowga Yurub ee EU, Norway iyo Maraykanka oo socdaal gaaban ku soo gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wefdigaasi ka socda wadamada ugu deeqay Somaliland dhaqaalaha ku baxaya Diiwaan gelinta iyo doorashooyinka dalka ku soo fool leh ee la qaban doono sanadka 2009.

 

Madaxweynuhu waxa uu ugu mahad naqay wefdigaasi socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland iyo sida ay ugu heelan yihiin in ay hir gasho geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland, iyaga oo si cad u muujiyay in ay ka go’an tahay in ay sii wadaan taageerada Somaliland ay ugu tallo galeen in ay ka qabsoomaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah.

 

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu uga mahad naqay dhambaaladii tacsida ahaa ee ay u soo direen , iyaga oo aad uga xun falkii foosha xumaa ee argagaxisadu ka fulisay Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa 29-October.

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ****olka ka qaaday in xukuumadiisu ay la shaqayn doonto, taageero buuxdana ay siin doonto Komishanka doorashooyinka oo iyagu u madax banaan hawsha ay ummadu u igmatay.

 

Hogaamiyaha wefdigaasi ka socda Wadamada EU-da, Norway iyo Maraykanka Mr Georges Marc Andre oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay , waxa uu marka hore ummada reer Somaliland ka tacsiyadeeyay falkii foosha xumaa ee ka dhacay Somaliland oo ay argagaxisadu ka dambaysay , taasi oo uu sheegay in uu ku kalsoon yahay Xukuumada Somaliland laamaheeda amaanku in ay sida ugu dhakhsaha badan gacanta ku dhigi doonaan cidii ka dambaysay falalkaasi.

 

Mr Andre waxa kale oo uu sheegay in uu wadamada deeq bixiyayaasha oo ay ka mid tahay EU-da , Norway iyo Maraykanku ay ka go’an tahay in ay si buuxda uga taageeraan Somaliland geedi socodka dimuqraadiyada , Nabada iyo xasiloonida ay ku caano maashay, waxana uu intaasi ku daray in uu ku rajo weyn yahay hawlaha diiwaan gelinta ee hadda ka socda Somaliland in ay u dhici doonaan si hufan oo xaq ah , kuna salaysan dimuqraadiyad iyo cadaalad.

 

Ugu danbayntii, Mr Andre waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in xukuumada Somaliland ay si buuxda u dar dar gelin doonto arrimaha Nabad gelyada iyo xasiloonida , gaar ahaan meelaha diiwaan gelintu ay ka dhici doonto.

 

Kulankaasi waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

 

 

Alla Mahad leh

 

 

Siciid Cadaani Mooge

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (Somalilandnation)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda hay’add lagu magacaabo Organic Solution oo ka mid ah hay’adaha Maraykanka ee ka taageera Horumarka Dunida Saddexaad.

 

Madaxweynuhu , waxa uu ugu mahad naqay wefdigaasi booqashada ay ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay u danaynayaan in ay ka taageeraan Mashaariicda horumarka ah ee uu dalku u baahan yahay.

 

Mudane Daahir Rayaale Kaahin isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in socdaalkiisii uu ku tegay dalka Maraykanka madaxdii dawlada Maraykanka ee ay halkaasi kulamada kula yeeshay in uu ka codsaday in dalka Somaliland laga taageero dhinacyada Mashaariicda , si shaqooyin loogu abuuro dadweynaha.

 

“Mar walba waxa aanu danaynaynaa in aanu wax la qabsano dalalka horumaray ee Maraykanku ka mid yahay, iyada oo arrimaha ictiraafku uu gooni yahay , waxa hadana mudnaanta koowaad aanu siinaynaa, si mashaariic horumar ah aanu dalkayaga ka abuurno, taas oo u sahli doonta in ay dadku shaqooyin ka helaan” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 

“Somaliland waa dal dihin , haddii ay noqon lahayd dhinacyada Khayraadka Badda iyo Barigaba , waxa se ay u baahan tahay aqoon iyo maal gashi” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

 

Haweenayda wefdiga hogaaminaysa M. Ballarin waxa ay sheegtay in hay’adeedu diyaar u tahay in ay degto Somaliland oo ay xarun ku yeelato , si ay uga qayb gasho mashaariicda horumarka ah ee uu u baahan yahay dalka Somaliland.

 

M. Ballarin waxa kale oo ay carabka ku dhufatay in hay’adeedu diyaar u tahay lacag lagu qadaray Boqol Malyuun oo Doollar oo wax lagaga qaban doono mashaariicda Caafimaadka , Waxbarashada iyo shaqo abuurista dadka in laga hir gelin doono Somaliland 24-ka bilood ee soo socda.

Waxa kale oo goob joog ka ahaa kulankaasi wefdiga Maraykanku ay Madaxweynaha la yeesheen Wasiirka Dib u Dejinta Somaliland Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan.

 

 

Alla Mahad leh

 

 

 

Siciid Cadaani Mooge

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

 

 

rayaale%20iyo%20organic.jpg

rayaale%20iyo%20organic%201.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

i just can help but noticed the clutter and general messiness at the office, entrance - if can't even put his mere office in orderly way - i don't expect them to run a country properly- maybe we should be sending those two fat ladies who do - 'how clean is you....." instead of the said delegation.

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Originally posted by Sayid*Somal:

i just can help but noticed the clutter and general messiness at the office, entrance - if can't even put his mere office in orderly way - i don't expect them to run a country properly- maybe we should be sending those two fat ladies who do - 'how clean is you....." instead of the said delegation.

 

:D

Last time I flew from Gatwick there was a TV, Ironing Board, Iron and a bunch of other stuff sitting there at Daallo check-in with all the boxes/wrapping paper marked-up with 'Presidency of Somaliland'. The other non-Somali passengers just couldn't help commenting 'looks like your President needs an Ironing board' :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

It looks I can con millions out of this hungry lotus-eaters in Hargeisa if I descend on Egal international Airport with my three european collegues for December leave. Marcel, Alf and Ruth can be said, well, " wafti balaadhan oo uu hogaaminayo A&T, oo ay ku jiraan saraakiil rer- Europe ah ayaa Soo gaadhay Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Who is the Bantu lady (not under quoatation mark)? Jandayi Fraser? That one is a useless Bantu. Speaking of Bantu, I was just watching Michelle Obama's visit to the White House and her terrible Red dress. I am wondering if there is a plotter insider her designers. Wa'yo qofka gabadha sidan u bahdilaya ee kolba horrible dress u galinaya?????

 

She hasn't got the looks, and they are making it worse by not dressing her up properly! All the more reason why Obama should get rid off her? bahashan.... This is unacceptable.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Heh. Love the way you changed the subject into one about Obama's wife and her ugly dress. As the kids would say, wan kaa qaliiyaay saaxib icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

No, xaaji N, ha iga qaleenee sii wad that line about me being a racist against Bantu's? Which will only prove you wrong. I hate any bad person, whether he is black, white or green. J. Fraser just happens to be a bantu drunkard with big powers, who sleeps with Tigre boys in Addis Sheraton. I have lots of reasons to vent my anger and contempt on her.

 

Otherwise, doorashadii Somaliland miyaadan codeyneyn as a lander? BTW,do you vote in London and does that count towards the result?

 

JB

 

I have transferred her to rudy? :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

I do not need to portray you as a racist, A&T. You're doing a fine job of that all on your own, saaxib. It is a shame you can't see it. :D

 

I do not live in Somaliland and do not think it is right for me to take part in its national votes. However, that does not stop me from sharing my opinions about the fate of that country with you and others. Still, when (and IF) I move there, things may change.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

calling a spade a spade, saaxiib. No racism,and it sad I have to defend a case here, where there is none.

 

In any case, it is true I have my own biases. I am sure you have yours too. Maybe, I am a bit more honest in discussing them than you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this