Cowke Posted April 13, 2010 Jigjiga:(Allpuntland)-Maamulka Soomaalida ee Kililka Shanaad ee Dalka Ethipia ayaa Shaaca ka qaaday inay jiraan Xiriir Wada shaqeyneed oo u dhexeeya qaarkamid ah Maamulada kajira Dalka Soomaaliya & Maamulka Soomaalida ee Dalka Ethiopia,waxayna sheegeen in Heshiiskaasi uu ka turjumaya Saaxiibtinimada labada dhinac u dhaxaysa oo mudo soo jirtay. Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida ee Dalka Ethiopia Daa'uud Maxamed Cali ayaa sheegey in Xiriir Saaxiintinimo oo qoto dheer uu u dhexeeyo Maamulkiisa & kuwa Puntland,wuxuuna sheegey in xiriirkani uu horay usoo jiray,isla markaasna uu yahay mid ay imika sii agaajiyeen,wuxuuna inaas Madaxweynuhu ku daray in aysan kala maarmin Shacbiga labada dhinac. "Waxaa jira Xiriri Saaxiibtinimo oo noo dhexeeya anaga & Puntland,waayo waxaanu nahay Dad Walaalo ah,sidoo kale Dawlada Puntland waxay xiriir la leedahay Dawlada Federaalka ee Ethiopia,marka waxaa jira heshiisyo Saaxiibnimo oo noo dhexeeya Labadeena Dhinacba waayo waalagu khasbanaaday mar hadii aanu Derisna nahay Dad Walaaltinimo & Soomalinimo ka dhaxasyo nahay"Ayuu yiri Madaxweynaha Kililka Shanaad. Madaxweyne Daa'uud ma uusan Cadayn inay jiraan Heshiisyo dhanka isdhaafsashada Dadka Denbiyada kagala Labada dhinac ba ah inay jiraab,Balse wuxuu ku gaabsaday in heshiisyo Amaan ay jiraan,isagoo sheegey in hada ka hor Puntland dhowr jeer ay Mucaaradka Ehiopia Hub kala soo dageen,hada se dhamaan waxyaabahaas ay dhamaadeen. Madaxweynaha Kililka Shanaad wuxuu Sheegey in Somaliland ay heshiis la leeyihiin,wuxuuna sheegey in Heshiiska Somaliland uu lamid yahay midka Puntland kala dhexeeya,isagoo sheegey in Labada dhinacba ay yihiin Maamulo nabad ah isla markaasna doonaya in ay Si Nabad gelyo ah oo Derisnimo kuwada Noolaadaan,waxaana uu ugu baaqay Soomaalida kale inay Danahooda ka tashadaan. Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia wuxuu sheegey in uusan jirin Wax Heshiis & Wada hadal ah oo u dhexeeya Maamulkiisa & Dawlada Kumeel gaark ah,waxaana uu taas ku macneeyey in Koonfurta Dalka ay Dagaalo badani ka socdaan,isla markaasna uusan jirin wax heshiis ah oo ay Dawladiisu la gashay Dawlada Kumeel gaarka ah. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites