Sign in to follow this  
Cowke

Somali Region Of Ethiopia and Puntland Have Security Agreement

Recommended Posts

Cowke   

Jigjiga:(Allpuntland)-Maamulka Soomaalida ee Kililka Shanaad ee Dalka Ethipia ayaa Shaaca ka qaaday inay jiraan Xiriir Wada shaqeyneed oo u dhexeeya qaarkamid ah Maamulada kajira Dalka Soomaaliya & Maamulka Soomaalida ee Dalka Ethiopia,waxayna sheegeen in Heshiiskaasi uu ka turjumaya Saaxiibtinimada labada dhinac u dhaxaysa oo mudo soo jirtay.

 

Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida ee Dalka Ethiopia Daa'uud Maxamed Cali ayaa sheegey in Xiriir Saaxiintinimo oo qoto dheer uu u dhexeeyo Maamulkiisa & kuwa Puntland,wuxuuna sheegey in xiriirkani uu horay usoo jiray,isla markaasna uu yahay mid ay imika sii agaajiyeen,wuxuuna inaas Madaxweynuhu ku daray in aysan kala maarmin Shacbiga labada dhinac.

 

"Waxaa jira Xiriri Saaxiibtinimo oo noo dhexeeya anaga & Puntland,waayo waxaanu nahay Dad Walaalo ah,sidoo kale Dawlada Puntland waxay xiriir la leedahay Dawlada Federaalka ee Ethiopia,marka waxaa jira heshiisyo Saaxiibnimo oo noo dhexeeya Labadeena Dhinacba waayo waalagu khasbanaaday mar hadii aanu Derisna nahay Dad Walaaltinimo & Soomalinimo ka dhaxasyo nahay"Ayuu yiri Madaxweynaha Kililka Shanaad.

 

Madaxweyne Daa'uud ma uusan Cadayn inay jiraan Heshiisyo dhanka isdhaafsashada Dadka Denbiyada kagala Labada dhinac ba ah inay jiraab,Balse wuxuu ku gaabsaday in heshiisyo Amaan ay jiraan,isagoo sheegey in hada ka hor Puntland dhowr jeer ay Mucaaradka Ehiopia Hub kala soo dageen,hada se dhamaan waxyaabahaas ay dhamaadeen.

 

Madaxweynaha Kililka Shanaad wuxuu Sheegey in Somaliland ay heshiis la leeyihiin,wuxuuna sheegey in Heshiiska Somaliland uu lamid yahay midka Puntland kala dhexeeya,isagoo sheegey in Labada dhinacba ay yihiin Maamulo nabad ah isla markaasna doonaya in ay Si Nabad gelyo ah oo Derisnimo kuwada Noolaadaan,waxaana uu ugu baaqay Soomaalida kale inay Danahooda ka tashadaan.

 

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia wuxuu sheegey in uusan jirin Wax Heshiis & Wada hadal ah oo u dhexeeya Maamulkiisa & Dawlada Kumeel gaark ah,waxaana uu taas ku macneeyey in Koonfurta Dalka ay Dagaalo badani ka socdaan,isla markaasna uusan jirin wax heshiis ah oo ay Dawladiisu la gashay Dawlada Kumeel gaarka ah.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this