Sign in to follow this  
General Duke

AU deployment gets support..

Recommended Posts

Ciidamo loo diro Somalia oo tageero dhaqaale helay

5 Jan 5, 2007, 19:38

 

Madaxwayne Cabdulahi iyo Jandayi Farzer

Dowlada Mareykankan ayaa balan qaadey in ay ku bixin doonto 40 Malyun oo dollar aduun lagu qiyaasey arrimaha siyaasada, bini'aadnimada iyo ciidamada nabad ilalineed oo la qorshenayo in loo diro Somalia, sidaa waxa yiri wakiilka ariimaha africa u qaabilsan arrimaha Somalia Jendayi Frazer.

 

Wadamada midowga Yurub ayaa sidoo kale balan qaadey in bixin doonaan khrashka ku baxaya ciidamada nabad ilaalineed oo gaaraya 8000 Askari balse ku xiray in DFKMG ah ay wada hadal la furto dhamaan bulshada Somaliyeed si meesha looga saaro kalsooni laa'aanta 15 sano la soo dhaafey ka dhex jirtey shacabka Somalida.

 

Kulankan ka dhacey Nairobi ayaa waxa ka qayb galey dowladda Mareykanka, midowga Yurub, Jaamacada Carabta iyo kooxda xiriirka caalimiga ah (ICG).

 

Kooxda Xiriirka caalamiga ayaa si weyn u taageeray tallaabada horumarka leh ee dowladda KMG ah ku talaabsatay iyadoo arimaha ciidamada la geynayo Soomaaliya loo xilsaaray in uu dalalka Afrika kala soo hadlo wasiirka arrimaha dibada Repheil tuju oo booqan doona wadamo badan oo africa ah.

 

Dhinaca kale u qaybsanaha arrimaha Africa ee Mareykanka ayaa dowlada Uganda ka codsatey in ciidmada ay balan qaadey geyso Somalia dabayaqada bisha January.Dowlada Uganda ayaa balan qaadey in ay Somalia u dirto 1000 Askari.

 

Taageerada dhaqaale oo loo fidinayo ciidamada nabad ilaalineed ayaa si aan toos aheyn waxa ku xiran shardi ah in DFKMG ah ay wadahadal la gasho qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliyed.

 

"Hadii la rabo in tageerada caalami in ay noqoto mid wax tar ah, waxaa muhiim in la bilaabo wadahadal siyaasadeed iyo dib u heshiisiin... kuwaas oo lagau dhaqaqayo dib u dhac la'aan," ayaa war murtiyeed ka soo baxey kulankan lagu sheegey.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia oo ka hadley kulankaas ayaa sheegey in dowladiisa ay markii horeba aheyd mid dib u heshii-need.

 

Madaxwaynaha dowlada KMG ah Cabdulahi Yusuf oo ka hadley kulankaan ayaa sheegey in fursad qaali ah oo wadankiisa soo martay ay tahay sidii xal looga gaari lahaa dhibaatadii wadankiisa ka jirtey 15 sano ee la soo dhaafey balse loo baahan yahay tageero caalami.

 

Akhri: Kulan looga hadlayo Somalia oo Nairobi ka socda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this