General Duke Posted January 6, 2007 Ciidamo loo diro Somalia oo tageero dhaqaale helay 5 Jan 5, 2007, 19:38 Madaxwayne Cabdulahi iyo Jandayi Farzer Dowlada Mareykankan ayaa balan qaadey in ay ku bixin doonto 40 Malyun oo dollar aduun lagu qiyaasey arrimaha siyaasada, bini'aadnimada iyo ciidamada nabad ilalineed oo la qorshenayo in loo diro Somalia, sidaa waxa yiri wakiilka ariimaha africa u qaabilsan arrimaha Somalia Jendayi Frazer. Wadamada midowga Yurub ayaa sidoo kale balan qaadey in bixin doonaan khrashka ku baxaya ciidamada nabad ilaalineed oo gaaraya 8000 Askari balse ku xiray in DFKMG ah ay wada hadal la furto dhamaan bulshada Somaliyeed si meesha looga saaro kalsooni laa'aanta 15 sano la soo dhaafey ka dhex jirtey shacabka Somalida. Kulankan ka dhacey Nairobi ayaa waxa ka qayb galey dowladda Mareykanka, midowga Yurub, Jaamacada Carabta iyo kooxda xiriirka caalimiga ah (ICG). Kooxda Xiriirka caalamiga ayaa si weyn u taageeray tallaabada horumarka leh ee dowladda KMG ah ku talaabsatay iyadoo arimaha ciidamada la geynayo Soomaaliya loo xilsaaray in uu dalalka Afrika kala soo hadlo wasiirka arrimaha dibada Repheil tuju oo booqan doona wadamo badan oo africa ah. Dhinaca kale u qaybsanaha arrimaha Africa ee Mareykanka ayaa dowlada Uganda ka codsatey in ciidmada ay balan qaadey geyso Somalia dabayaqada bisha January.Dowlada Uganda ayaa balan qaadey in ay Somalia u dirto 1000 Askari. Taageerada dhaqaale oo loo fidinayo ciidamada nabad ilaalineed ayaa si aan toos aheyn waxa ku xiran shardi ah in DFKMG ah ay wadahadal la gasho qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliyed. "Hadii la rabo in tageerada caalami in ay noqoto mid wax tar ah, waxaa muhiim in la bilaabo wadahadal siyaasadeed iyo dib u heshiisiin... kuwaas oo lagau dhaqaqayo dib u dhac la'aan," ayaa war murtiyeed ka soo baxey kulankan lagu sheegey. Wasiirka arrimaha dibadda Somalia oo ka hadley kulankaas ayaa sheegey in dowladiisa ay markii horeba aheyd mid dib u heshii-need. Madaxwaynaha dowlada KMG ah Cabdulahi Yusuf oo ka hadley kulankaan ayaa sheegey in fursad qaali ah oo wadankiisa soo martay ay tahay sidii xal looga gaari lahaa dhibaatadii wadankiisa ka jirtey 15 sano ee la soo dhaafey balse loo baahan yahay tageero caalami. Akhri: Kulan looga hadlayo Somalia oo Nairobi ka socda Quote Share this post Link to post Share on other sites