Sign in to follow this  
General Duke

Kenya: Will not send troops to Somalia

Recommended Posts

Kenya oo ciidamo u diiday DF

7 Jan 7, 2009 - 7:49:02 AM

 

Afhayeenka baarlamaanka Somalia ahna sii haya xilka jagada madaxweynenimo ee Somalia Sheekh Aadan Max'ed Nuur [Madoobe] iyo wasiirka arimaha dibada ee Kenya Moses Wetangula ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Nairobi, kaasoo lagu soo qaaday arimo dhowr ah.

 

Kulanka oo socday saacado ayay labada mas'uul uga hadleen arimo dhowr ah oo ku aadan xaalada Somalia, waxaana qodobadii ay isla soo qaadeen ka mid ahaa in Kenya ciidamadii horay ay u balanqaaday u dirto Somalia.

 

Wetangula ayaa u sheegay Sh. Aadan Madoobe in Kenya aysan xiligaan awoodin inay ciidamo u dirto Somalia, balse ay awoodo oo keliya inay tababar siiso ciidamada dowlada Federaalka Somalia.

 

Sh. Madoobe iyo Wetangula ayaa sidoo kale ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub ee Somalia, taasoo ka dhici doonta magaalada Baydhabo, iyadoo wasiirka arimaha dibada ee Kenya uu codsaday in doorashada loo soo wareejiyo dalka Nairobi.

 

"Kenya iyo beesha caalamku waxay si aad u daneynaynayaan inay goobjoog ka ahaadaan doorashada Madaxweynenimo ee Somalia, balse lama tagi karo Baydhabo sababo dhanka amaanka ah awgood, sidaa daraadeedna waxaa lagama maarmaan ah in loo soo wareejiyo Nairobi" ayuu Wetangula u sheegay Sh. Aadan Madoobe.

 

Shirka ayaa kusoo gabgaboobay is-afgarad iyadoo Sheekh Aadan Madoobe iyo Nuur Cadde oo ku wada sugan Nairobi lagu wado inay kulamo la qaataan xildhibaanada Somalia ee ku sugan Nairobi, si ay ugala tashadaan hidisaha Kenya.

 

Madaxda DF oo booqasho ku tagay dalka Ethiopia ayaa kulamo la yeeshay madaxda dalkaas, iyadoo kulamadaas ay ku saabsanaayeen doorashada Madaxweynaha cusub iyo weliba amaanka dalka.

 

Wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia Seyoum Mesfin ayaa wariyeyaal ugu sheegay garoonka Addis Ababa in Ethiopia ay ciidankeeda kala baxayso Somalia, ayna taageerayso DF.

 

RADIO GAROWE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this